La-taliyaha Madaxweynaha ee dhaqaalaha iyo Ganac siga Axmed Carwo oo
tacsi u diraaya qoyskii marxuum Jaamac Haybe
Waxaan tacsi u dirayaa ehelka, ubadka, tafiirta kale, gacalka,
qaraabada, xigaalka, xito iyo asxaabta marxuum Jaamac Haybe ka tekey.
Marxuumka oon aqaanay 35 sano waxuu ahaa oday ku caan ah
bulshoweynta Somaliland ee UK, isagoon marna ka hadhin arrin kasta
oo taabanaysa danta guud debed iyo gudaba. Nin kaalin weyn kagaga
jiray nabadeyntii beelaha, iyo siyaasadda dimuquraadiyada isagoo
kaalin weyn kaga jiray xisbiga Kulmiye.
Jamac Haybe waxa uu ku geeriyooday dalka hooyo 28/12/2014
Waxaan Ilaahay uga baryaya marxuumka inuu ku abaal mariyo dambi
dhaaf iyo inuu ka dhigo kuwa dhaxla janatul-fardaws, ehel iyo
asxaabna inaga yeelo kuwa laasima samir iyo duco. .
Inaa lilaa wa inaa illeyhi raajacuun.
Axmed Xasan Carwo
La-taliyaha Madaxweynaha ee Dhaqaalaha
Ganacsiga iyo Malgashiga
https://www.facebook.com/aharwo?ref=hl
http://samotalis.blogspot.com/
|