Kumuu
Ahaa Mujaahidkii La Wareegay Taliskii iyo Ho
ggaankii Dagaalka Burco-duurray Isla Markii uu
Dhaawacmay Muj Lixle?

Kumuu Ahaa Mujaahidkii La
Wareegay Taliskii iyo Hoggaankii Dagaalka Burco-du urray Isla Markii
uu Dhaawacmay Muj Lixle?
Sannadkasta Bisha Tobnaad 17keeda, waxa la xusaa oo loo asteeyey
Maalinta Shuhadada SNM, Maalintaasoo ahayd Maalintii ay Mujaahidiin
badan oo uu ka mid ahaa Halgamaagii weynaa
Mujaahid Maxamed Xaashi (lixle)
ay ku le’deen Dagaal ba’an oo ka dhacay Burco-duurray.
Haddaba aan hollado Bartilmaameedka Maanta oo ah Su’aal iswaydiin
mudan oo isoo hor marta Maalmahan oo kale, Su’aashaasoo ah: Sida la
Ogsoonayahay Muj aahid Lixle Maalintii uu dhintay waxa uu
Hoggaaminayey Guutadii Burco-duurray ka dagaalantay oo ka koobnayd
Saddex Urur, Haddaba Dhimashadiisii kaddib yaa halkiisii galay oo
Calankii iyo taliskii la wareegay, Hoggaankana u qabtay Mujaa
hidiintii SNM?
Jawaabta Su’aashan oo aan raadin jiray ayaa waxaan helay Shalay
Sabtidii oo a an si toosa ula kulmay Sarkaalkii Goobtaasi
Nafwaaga kula Wareegay Hoggaam intii iyo Taliskii, ee uu ka
dhiidhiyey inuu Calanku dhul u dhaco, Waa
Mujaahid Max amed Xaashi Cilmi oo wakhtigan ku nool
Hargeysa.
Mujaahid C/kariim Xaashi Cilmi waxa uu ka mid ahaa Saddexdii
Sarkaal ee kala ho ggaaminayey Guutadii uu Watay Lixle ee Saddexda
Urur ka koobnayd ee gaashay Burco-duurray. Mar aan wax ka waydiiyey
Arrintan waxa uu ii sheegay in Sadde xdaasi Urur ay kala
hoggaaminayeen Issaga (C/kariim),
Sarkaal kale oo Magaciisu la yidhaa C/razaaq
Axmed Cali iyo Mujaahid Lixle oo dusha kasii wada
xukumaay ey Guutada.
Intaasi waxa uu ii raaciyey inkastoo ay aakhirkii guulaysteen hadana
Maalintaasi waxaa dhacay in Saddexda Urur midba dhankiisa loola lug
iyo laanba beelay, Taasina ay keentay Mujaahidiin badan inay
halkaasi ku naf waayaan. Waxaana isla markii uu dhaawacmay
hoggaankii Guutada Mujaahid Lixle,
Xilkii iyo Taliskii la wareegay Calankiina Dhul inuu u dhaco u
diiday Mujaahid C/kariim Xaashi, oo halkaasi kasii waday
Hoggaamintii iyo Dagaalgalintii Mujaahidiinta.
Mujaahid C/kariim Xaashi waxa uu
Maalintaasi dejiyey issagoo Hoggaankana u haya Hab ama Qaab iyo
Qorshe Cusub oo aan horey loo arag oo lagaga guulays tay
Cadawgii, Mujaahidku Maalintaasi muu fadhiisan ilaa Dhimasho iyo
Dhaawac uu miduun ku soo helo Mujaahid Lixle, Waxaana issaga iyo
Saraakiil kale aakhirkii ku soo guulaysteen Raad-cadii iyo halkii uu
yaalay Issagoo Gacantiisa ku soo qaa day
Mujaahid Lixle Ilaahay Naxariistii Janno haka waraabiyee.
Guusha uu Mujaahid C/kariim kasoo
hooyey Dagaaladaasi, ayaa isla maalmahaasi lagu abaal mariyey
Labo Billad Geesi. Waxaana halkaasi
kasii socday Halgankii Xaq u dirirka SNM
oo dar dar cusub lasoo baxay, Kalsooni iyo dhiiranaan faro
bandan na kasii qaaday Dagaalkaasi
Burco-duurray sida uu ii sheegay
Cabdikariim Xaashi Cilmi.
Gebogabadii Waxaan dhammaan ummadd Reer Somaliland usoo jeedinayaa
inay Fiiro gaara u yeeshaan
Xiddigihii Dagaalka Wakhtiyadii Halganka,
Waayo Ummad waliba waxay leeyihiin Xiddigo ay
ku hirtaan, kuna faanaan.
Qalinkii C/salaam Cusmaan Cumar-jeex
E-mail: Salaanmuctasim@hotmail.com
Hargeysa, Somaliland.
|