Alle ha unaxariisto Janadii Fardawsa ha geeyo IIlkana Neecaw Udgoon ha uga dhige waxaa 2juun ku geeriyooday Magaalada London Wasiirkii Golaya asha Somaliland Marxuum Cabdi Xasan Buuni geeridaa soo naxdin iyo wala ac ku beertay Shacbiga iyo Dawlada Somaliland oo Marxuumku u hibeeyey Naftiisa iyo Garaadkiisa… Hadaan Tisqaadno ayaamihii Sooyaal ee Marxuum Cabdi Xasan Buuni Sada ro kuma soo uruin karno balse aan Raadraacno Ayaamihii tagay iyo Shakhsiyadii Cabdi Xasan Buuni 19/12/1935
ayuu ku dhashay Magaalada Boorama ee gobolka Awdal 1954-1956
waxaa uu kamid ahaa ciidamadii ingiriiska Somaliland Scots 15/11/1958
waxaa uu Xisaabiye Guud ka noqday Magaalada Hargeisa 1982-1984
waxaa uu ahaa Madaxii Shirkadii Sameynta Qalabka Beeraha ee (AITCO) Alle ha unaxariiste waxaa uu ahaa Marxuum Cabdi Xasan Buuni qof Shakh siyad wanaagsan leh markastana utaagan Maslaxada Ummada, waxaa uu ka hormarin jiray danihiisa gaarka ah, waxaa uu ahaa qof u taagan udeeg ida Bulshada ahaato mid Qofeed ama Ummadeed sida aan ka soo xigtay Prof: Najiib Sh. C/kariim oo ay saaxiibo ahaayeen mudo dheer waxaa kaloo lagu tilmaami jiray nin Nabadeed isagoo Mucaarad iyo Muxaafadba si guud ugala hadli jiray danaha guud ee Shacbiga badnaa waxaa uu kulamu la qaadan jiray Habeenada Khamiista, waxaa uu ahaa qof yaraantiisii wax isasoo baray ilaa uu gaaray in ninkii madaxa ka ahaa Dugsiga Camuud uu eryo taasina ma hakin damaciisii Waxbarasho waxaa uu go,aansaday inuu Waxbarasho udoonto Magaalada Burco lugna uga soo ambabaxay Boorama taasoo ka yaabisay ninkii heystay Camuud kadibna uga daba yimid Duleedka Gorayo-Cawl kuna soo qaaday Gaadhigiisii ilaa Hargeysa.sida uu iishegay Mudane Daahir Goodaad oo kamid ah saaxiibada udhawaa Marxuumka kana mid ah Golaha Guurtida Somaliland. Marxuumku waxaa uu ahaa Nin
Dhanka Ganacsiga hal abuur uleh, waxaa uu ka Unkay Duleedka
Magaalada Muqdisho Hotelkii Caanka ahaa ee Buuni Hotel, waxaa kaloo
uu kulahaa magaalada Boorama Hotelka Caanka ah ee Faras Magaalaha ku
yaal ee Harawo Hotel oo dhismihiisu ahaa 1962
|