KUMUU AHAA SULDAAN CABDIRAXMAAN SHEEKH MUXUMED CILMI BARAALE

 

Suldaan Cabdiraxman , wuxuu ahaa shakhsi noloshiisii ku dhamaysatay cibaado saalax ah , dad jacayl , dal jacayl , deeqsinimo, talo wanaag ,
samo fal iyo daacadnimo.

Suldaan Cabdiraxamaan , wuxuu ahaa  halyey kaalin mug leh kaga jiray umadda reer somaliland , wuxuuna ka mid ahaa aasaa sayaashii Jamhuuriyadda Somaliland.Waxa kaluu marxuumku  ka mid ahaa Golaha Guurtida ee Somaliland illaa maalintii la aasaasay Golahaas ilaa maalintii
ay geeridii xaqa ahayd ku timid.

Suldaan Cabdiraxman sheekh Muxumed ,  waxaa kaloo lagu xasuusan doonaa qaybihii libaax ee ka soo qaatay halgankii Jabhadii AfraadJabhaddii SNM , gooni isu taagii Somaliland , nabadayntii Somaliland
iyo tiir u taagidii habka dawladnimo ee maanta Jamhuuriyadda Somaliland ku naaloonayso.


Ilaahay waxaan weydiisanyaa In marxuumka Suldaan Cabdiraxmaan Sheekh Muxumed Cilmi Baraale, inuu qabriga uu nuuriyoo,danbi dhaaf iyo inuu naxariistii janno fardwasa ka waraabiyo,dhammaanteenna ilaahay samir iyo Iimaan inaga siiyo
 



Aamiin  Aamiin  Aamiin

 

 

 

Eng: Maxamed Cali Muse ( Farshaxan )