Kumanaan Shacabka
Hargeysa Ku Dhaqan Oo Dhigay Dibadbax Ay Ku Diidan-yihiin Go’aankii
Ingiriisku Ku Dhaliilay Amaanka Dalka Iyo Madaxweynaha Oo Kala
Qayb-galay

Dadwaynaha ayaa dhigay dibad-bax salmi ah oo ay kaga soo horjeedaan
dhawaaqii ...... .......
Hargeysa (TNN)- Dadwaynaha Magaalada Hargeysa ayaa saaka subaxdii
isugu soo baxay jidadka waaweyn ee caasimada, iyagga oo sitay
calanka qaranka Somaliland iyo weliba boodhadh waaweyn oo ay ku
xardhan yihiin weedho lagu taageerayo madax-banaanida iyo
xasiloonida ka jirta Somaliland.
Dadwaynahan oo isugu jiray ardayda jaamacadaha, haween, ganacsatada
kala duwan ee caasimada iyo weliba dad kale oo aad u fara badan,
ayaa waxay subaxdii hore ee saaka isugu yimaadeen albaabka hore ee
aqalka baarlamaanka Somaliland oo uu maanta khudbad sanadeedkiisii
ka jeedinayey Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).
Dadwaynaha ayaa dhigay dibad-bax salmi ah oo ay kaga soo horjeedaan
dhawaaqii Ingiriisku ku sheegay in nabadgalyada Somaliland liidato,
waxayna ku dhawaaqeen weedho ay ku amaanayaan Somaliland iyo
jiritaankeeda, sidoo kalena waxay eedaymo u jeediyeen Dawladda
Ingiriiska oo ay sheegeen inay ka soo horjeedo Madax-banaanida
Somaliland.
Dadwaynaha mudahaaradayey, ayaa sida sawirada ka muuqata sitay
boodhadh ay ku qornaayeen weedho ay ka mid yihiin “Somaliland waa
Qaran Nabdoon”
Dibad-baxan, ayaa waxa sidoo kale ka qayb-qaadanayey masuuliyiinta
dawladda Somalila nd, sida Wasiirrada, shir-guddoonka baarlamaanka,
iyadda oo markii Madaxwayne Siilaan yo uu khudbad-sanadeedkiisa uu
jeediyay uu dadwaynaha kala qayb-galay dibad-baxan, isaga oo
Madaxwaynuhu ka lugeeyay aqalka baarlamaanka, isaga oo lug ku
gaadhay dhak htarka weyn ee caasimada oo markii dambe uu ka raacay
gaadiidkiisiisa gaarka.
Timacade News Desk
Hargeysa,Somaliland
|