KULMIYOOW MAANTAN MAXAAD UMMADDA KU BEERLAXAWSAN-II

 

 



"SANNAD WALIBA HOODIYO HAWL IYO DHIBAATIYO WUXU HADIMO LEEYAHAY HADHOW LAGU XASUUSTAA....."


Maanta oo sabti ah waxa doorashadii innaga xiga afar maalmood oo keli ah; suaasha se la iswey diinayo ayaa ah: Xukuumadda talada dalka haysaa ma ku guulaysandoonta in ay caddaalad iyo xaqsoorid hawsha u taal ku maareyso? Oo si huffan qaladaadka hoirdhacoodii aynu ma furdaami n karta? Haddiba se muran iyo ismaandhaaf siyaasadeed meesha soo galo, hay'ad si sharciyada dalka u yaal ka garniqi karta oo dhexdhexaad ihi dalka ma ka jirtaa? Sua'aalahan iyo in kaloo bad  anba waxa muuqata in aan laga saadaalin karin. Waa tijaabadii koowaad ee Xisbul-xaakimka lagu eegayey sida ay qaranka curdinka ah uga badbaadin lahaayeen duufaano siyaasadeed oo gilgila oo riiqdoodu daba dheeraato.

Doorashadu doorkan wey ka duwantahay tii inoo qabsoontay Bishii December 15, 2002. Xiligaa waxa loo codeynayey Ururo cod ugu gudbaya Axsaab qaran; maantase waxa loo toos loogu cod eynayaa waa askhaax huwan magacyo Ururo iyo axsaab. Shaxda Guddida Diiwaangelinta Ururad a/Axsaabtu todobaadka hadba warbaahinta ku soo bandhigayaan iyo sida ay doonayaan in ay ummadda wax u liqsiiyaan ayaa iyana kaaf iyo kala dheeri ah oo waxad moodaa in ay weli qaabkii 2002 doorashooyinka lagu galay in dadweynaha ka dhaadhiciyaan, waana arrin qardo jeex iyo indho la'aan ah oo aan marnaba u cuntaymay inta caqliga fayow. Waa arrin gelidoonta diiwaan ka waxqabadka xukuumadda oo lagu xisaabtami doono e sidaa ha la ogaado.

Waxqabadka maamul kasta oo dalkan Somaliland soo mara taariikhda ayaa ayaa ka marag kicid oonta oo ummadda ayaa qiimayn doonta. Xukuumaddii UDUB waxay dalka ka qabatay doorasha dii u horeysey ee golayaasha deegaanka ( December, 2002), laba doorasho oo madaxtooyo ( April 14, 2003 iyo June 26, 2010), iyo doorashadii Golaha wakiilada (September 29, 2005). Afarta doorashoba waxay inoogu qabsoomeen si nabad gelyo ah oo lagu wada qanac sanyahay oon muran lahayn.

Maanta se waxa marag ma doon ah in xukuumaddii dalka iyo dadkaba aynu ku aaminay in ay talo ku baaahaday oo awoodeedii isugu geysey in ay Ururada/Axsaabta tartamaysa qaar ka mid ah si gaar ah ugu cadaadiso si Axsaab waraabe-u-taag ihi saaxadda uga soo baxaan. Waxaynu arargnaa in ay Guddidii Doorashooyinka iyo Guddidii Diiwaangelinta Ururada/Asxaabtu ay isu bedeleen hay'ado ku milmay waxaadii Fulinta oo kaalintoodii cid kale daaha dabadiisa ka hagayso.

Waxa muuqata in anshaxii doorashada gebi ahaantiiba derbi lagu tiiriyey oo xitaa wareegtadii madaxweynaha ee mamnuucaysey in hanti qaranka loo adeegsado ololaha doorashada ay iyana noqotay waxba kama jiraan. Tusaale haddii aynu arrimahan isburinaya qaar ka mid ah u soo qaadano waxaynu maqlayney Khasnajigii Komishanka AIDS-ka oo fagaare la soo taagan aniga ayaa sharciga ka sareeya oon anshax doorashadu ima qabanayo oo ololaha toos ayaan uga qeyb geleyaa iyo madax kale oo qardo jeexaas iyo aqoondarodaa sharciyeed iyana ugu markhaati furaya.

Waxaynu nahay ummad aan wixi shalay dhacay dib u dhaadin: Waxa jirtey in sannadkii 2007 Mu dane ka tirsan xisbiga Liberal Democrat ee dalka Norway uu martiqaad xisbiga Kulmiye u fidiyey si ay uga qayb galaan shir dalka Morocco lagu qabtay oo ninkaasi damacsanaa in qadiyadda Som aliland lagu soo bandhigo. Kharashkii iyo tigikidhadiiba mudanahaasi labadii xubnood ee xisbiga Kulmiye wuu usoo diray. Labadaa xubnood midkood wuxu ahaa Cabdikariim Xinif iyo nin kale oo xildhibaan ah. Labadii nin madashii laga sugayey mid kama daahirin, hadalkay iyagu goobta ka jeedin lahaayeen mudanihii barlamaanka Norway ka tirsanaa ayaa halkii ka jeediyey isaga oo metelaya Somaliland. Labadii nin ee hawsha baaxaddaa le'eg lagu aaminay Dubai ay dib buga soo guryo noqdeen. Ninkaa arrinta inoo qabanqabiyey isaga oo aad u cadheysan ayuu warqad dheer usoo qoray Guddoomiyihii Xisbiga Kulmiye ee xiliga oo warkeeda xisbul xaakimku wuu hayaa.

Si kastaba ha ahaatee sharciga dalka ayey gef ku tahay in nin shaqaale dowladeed ihi olole siyaasadeed toos uga qayb galo oo xilka uu hayo uga faaiideysto dano gaar ahaaneed oo weliba ku adkeysto in sharcigu sidaa ogol yahay. Waxa kale oo taas ka sii liidata in Madaxweynihi la doorta arrimnaha noocaas ah afka ka xidho oo waxba ka qaban waayo. Haddii ninkii shalay lahaa distoorkii iyo xeerka dalka ayey dawladdii UDUB ku gelgelimaysatay maanta yidhaa anigaa ayaa dheesha garsoor ka ah, tartankana qeybaan ka ahay? Bal isweydiiya caddaalada noocaas ah halka dunida lagaga dhaqmo?

Waxan ku soo gunaanadayaa caqligu ka shaqeeyo oo xukuumaddu ha waantowdo in ku shubasho, sanaadiiq cabbayn, iyo tirooyin bug ah oo cir ka soo dhac ah.

 

 


Guul iyo gobanimo,
Axmed Cali Ibrahiim Sabeyse
Guddoomiyaha UCID Canada
November 23, 2012.