Kulmiyoow Kacdoon iyo Kursi doon kala Daa?

“Kacdoonka shacbi ee lagu
muusanabayaa noqonmaayo jarjartii kursiga mada xtooyada;
ummaddan sideedaba u tabaalaysan colaad sokeeyeeye iyo qori dab leh
lala dhex wareegimaayo; haddii laga waantoobi waayo
hagardaamoo yinka mudada dheer soo taxnaa ee dalkan in lagu
minjixaabinayo; haddii dhow rsanaanta iyo guud ahaan anshaxa
siyaasadeed loo hoggansami waayo; haddi xadgudubyada qaranka lagula
kacayaa joogsan waayaan;
Haddaan sida hadda xaalku yahay
wax laga bedelin taas ayaa imandoonta. In badan ayey ummaddani u dul
qaadatay in durbaano colaadeed laga dul tumo. Dhiiga ubadka ummaddu
noqon maayo mid nin kursi doonaya awgii si hawl yar loogu daadiyo;
hantida ummadda iyo ta qarankana loo burburinmaayo kursi la isku
maandhaafay. Magaalo madaxda dalkuna noqonmayso goob horseeda burbur
Qaran.”
Ciddii hungureyneysa hoggaanka qaranku ha marto sida distoorka dalku
qeex ayo: Muwaadinku wuxu xaq u leeyahay in la doorto, isaguna wax
dooran karo. Qaabka wax aynu u dooranayno iyana waxa qeexaya
shuruucda Distoorka ka farcanta. Markaa cidii ay siyaasadu meherad
iyo nolol maalmeed u noqotu waxa looga fadhiyaa in ay wixii ummaddu
xaq ugu leedahay sideeda u gudta an. Inta siyaasadda ku
hirdamaysana ummaddu ka aqbalimayso muran joogta aha oon bilow iyo
dhammaad midna lahayn
Lix iyo tobankii bilood ee ina dhaafay dalkii iyo ummaddii reer
Somaliland waxa aafo dabiici ah ku noqotay muran doorasho madaxtooyo
oo hadba xiligii loogu tala galay dib uga dhacda. Sababaha dib u
dhaca keenay cid kastaa ha lahaate waxa mucaarid iyo muxaafidba ku
khasbanyahay in ay iskood khilaafka ka dhe xeeya uga
heshiiyaan, tii oo mudnaanta koowaad la siinayo jiritaanka qaranka
iyo xasiloonida.
TASHANWEYDAYE WAA LAGUU TALIN
Qaylo dhaantii mucaaridku waxay
ina dhaxalshiisey in gurmad debedda inooga yimaado ka dib markay
caddaatay in dhinacyada siyaasadda isku khilaafsani aanay marnaba
awoodi Karin in ay miiska wada hadalka isku horfadhiistaan,
gorfeeyaan arrimaha ka murugsan, ka dibna ay si wada jir ah go’aan
ay ku wada qanacsanyihiin ku soo afjaraan. Nasiib darro waxay isugu
biyo shubatay in warbaahinta la isu adeegsado, car iyo car, iyo waa
keena debecsanaan muujiya. Dadkii iyo dalkiina waxay noqdeen xeego
hadba dhinac qaare lagaga dhufto oon loo meel deyin wax yaabaha
goolaaftankan ka dhalan kara. Waxa caddaatay in ahaba yaratee aanay
jirin wax lexejeclo ah oo kursiga dhaafsiisan cidiba dalka ka lahayn.
Laakiinse ummaddii dalka lahaydna wey idin daawanaysaa oo sida wax u
socdaan wey arkaan oo wax inoo qarsooni ma jirto.
MARKII LA TOLEY AYEY OLOSHEY
Waawaantii laga diidey Salaadiintii, madaxdhaqmeedyadii,
aqoonyahyahanadii, iyo waxgaradkii isu xilqaamay isusoodhoweynta
dhinacyadii khilaafka siyaasa deed isku maandhaafay, sow si
hawl yar looma guddonsan lixdii qodob ee bee sha Caalamku ku
talisay. “Ishi Geytaa! Samcan waa daacan, ya sayidii.” Isusoo baxay
oo dagaalama an kacdoon shacbi talada dalka ku maroorsanno, maxaa
dambeeyey? Waxa ka dambeysey duco iyo ammaan aan hore looga baran
hog gaamiyeyaasha Axsaabta mucaaridka. “Subxaana Allahi Aladii
yuqayiro min xaalin ilaa xaal.” Waxa la yidhi “ Barwaaqo iyo abaarba
isujira laba bidhaamo od.” Waa marka aynu dib u qiimeyno hadaladii
mucaaridka ka soo yeedhayey habeenka khamiista, bisha September 24,
2009, iyo jawigii reyn reynta iyo farxaddu ka muuqatey ee Jimcihii,
Bisha September 25, 2009! Ya cajab alcaja aib, waa yaa aqrabal
qaraaib! Allelehe waa cusub miyaa lagu waaberiistey Illaahayna sidaa
ha inoogu wado.
Baalaxooftadii iyo hanjebaadihi
ummadda lagu jaha wareeriyey ee dalka gilgil ey sowtan si
fudud beeshi Caalamku u furdaamisey. Xoogii la isku muquunina
yey iyo awood sheegashadii la isugu duurxulayey intuba waa bar kuma
taal dheh; daryankii doobtii baarqabyadu seydhayeen iyana ma da’
furbaa xigay? Hadda ayaa mucaarid iyo muxaafid midba ka kale
weydiinaya:
AYAA MURUQII AAD SHEEGATIYO KAA
MASAXAY XOOGII ** DURBA YAA MATAANAHA KU JARAY KUGUNA MAANSOODAY **DURBA
YAA MAWAASHIGA LA RARO MAGAN KAA YEELAY
MAXAA ISBEDELEY?
Lixda qodob ee beesha caalamku soo jeedisey iyo kuwii ay dadkeenii
isu xilqa amay ku taliyeen maxay ku kala duwanyihiin? Jawaabtu
haba yaraatee wax faraq ihi uma dhaxeeyo. Ceebta ugu weyn ee meesha
ka soo baxday waxay tahay: In isusoo dhoweyntii birimageydadii dalka
laga doorbiday gurmad iyo gargaar inooga yimaada dibadda.Sharaftii
iyo karaamadii muwaadiniintii u tafa xaydtay badbaada dalkooda
ma waxaynu ugu abaalgudnay in la yidhaa indin kuma kalsoonin?
Murankii siyaasadeed wuxu manta dalka u horseeday fadeex addii
ugu weyneyd.
Wejigey doontaba manta ha yeelatee bal isweydiiya dhaawaca aan abid
laga soo waaqsanayn ee murankan u dambeeye sumcaddii Somaliland
gaadhsiiyey. Waa marka u horeysee, waxa meesha si lama filaan uga
baxday qiimeyntii aqo onsiga dalka iyo geedi socodkii
dimuqraadiya curdinka ee dalka ka hana qaday; taasina waxay si toos
ah u saameyneysaa kalsoonidii bulshada Caalamku ka qabtay in aynu
nahay dal iyo dad u qalma, hanan kara, kana bixi kara mas’uu
lida iyo waajibaadka Qarannimo. Derejadii hore la inoogu qiimeyn
jirey hadda hoos u dhac ayaa ku yimid oo waxay noqonaysaa in dib
loosoo yagleelo.
Su’aasha manta ina hortaal waxay
tahay: Arrinta halkaa ina gadhsiisey ma laga waantoobi doonaa, mise
berito ayaa halkii laga amba qaadidoona? Waa halku ninkii jirey
yidhi: “Maxaa la igaga farxi beriba waan lumiye.”
XIISADDA CEELBARDAALE IYO MUCAARIDKA
Xiisadda ka aloosan deegaanada CeelBardaale waxa si toos ah iyo si
dadbanba ugu dhex jira axsaabta mucaaridka ah, gaar ahaan xisbiga
Kulmiye. Iyadoo xi sbigu ka duulayo sidii uu Gobolka Gabiley
taageeradiisa gebi ahaanba u hantiyi lahaa, ayaa awoodii xisbiga iyo
itijaahiisii siyaasadeedba wuxu ku soo ururay “HIRGELINTA GO’AAMADII
GUURTIDU KA GAADHAY!”Waa qorshe gurracan, sa babtoo ah dagaal
sokeeye iyo dhiig data guul siyaasadeed ma noqon karaan; meel
colaadi ka aloosantahay doorasho ka dhici mayso oo waa karis xun
iyana ku kadab la’. Arrinta kale ee meesha ku jirtaa waxa weeye in
JIDGOOYO ABA DIYA AH LA KALA DHEX DHIGO AWDAL IYO GABILEY, ka
dibna dalkuba sidaa u kala go’o oo jiritaankii Somalilandna halka ku
burburo.
Dhibaatada CeelBardaale tiroba
laba jeer ayey Guurtida dalku ka hawl gashay sidii loosoo afjari
lahaa. Labada jeerba markii qarnaqsigii la dhegeystey waxa gartii
helay oo loo xukumay dhinaca Gabiley. Go’aanka Guurtidu gaadhay
fulint iisu waxay u taala xukuumadda; garnaqsi dambe oo meesha yaala
ma jiro.
Reer CeelBardaaloow gartii laba
jeer ayaad hesheen; Madaha iyo ijaarka beer uhu ma guuraan;
beeraleydu ma qaxdo oo nina beertiisa cid kale ugama tago. Dadkiina
walaalaha ah ee meesha qarniyada ku wada noolaa yaan qori dab leh la
idin kala dhex dhigin; siyaasigu berito ayuu iska tegeyaa, idinka
ayaa deega anka ku hadhaya. Labadiina dhinac ee is haya,
yaanay maahmaahdii ahayd: “ Masiibada wax galaafata waxay ka
bilaabantaa: Ijaar Beereed, Hal Baarkeed, iyo Bowdo Naageed.”
Xisbigan colaada hurinayana waxan leeyahay: Awdal iyo Gabiley markay
u ba ahdeen gurmad iyo gargaar nabadeed ummadda reer
Somaliland Bari iyo Gal beed umay kala hadhin oo si gobanimo
leh ayey ugu gurmadeen oo nabad ay ey ka dhaliyeen; Xisbiga
Kulmiyena waxa la gudboon in uu faraha kala baxo arrinta
CeelBardaale.
Axmed Cali Ibrahiim Sabeyse
September 30, 2009
|