KULMIYOOW IN AAD LA KUFAYSO KULAY WAAN GARANAAYEY!!


 


Halkaynu ka sugaynay horumar iyo halkuu dalku marayey in laga sii ambaqaado, xukuumaddii Kulmiyey ee dalka lagu aaminay waxay ku dambeysey in ay la habobowdo xilkii loo igmaday. Afgobaadsi weeyaan waxa noo muuqatay muhimadda diiwaangelintu doorshada u leedahay! Horaa loo yidhi hal xaaraan ihi nirig xalaal ah ma dhasho= waxan uga socda: Maalintii xilka dalka lagu wareejiyey, xukuumadda Kulmiye waxay bilowday qorshihii ay doorashooyinka dalka ku boobi lahayd; diiwaangelintii cod bixiyeyaasha ee sannadkii 2008 inkastoo khalad badani ku jirey, haddaan indha laga lalinayn waxa ku jirtey in badan oo hagaagsanayd oo haddii hagar la'aan loogu hawl geli lahaa ay ka soo bixi lahayd gundhig fiican oo hadba wixii ka dhiman lagu kordhin lahaa. Maantana arrintaa ka hadal keedu kuma haboona in ay ka soo baxday afka masuuliinta xukuumadda Kulmiye.

Dardaarankii Madaxweyne Riyaale maalintuu xilka wareejinayay waxa muuqatay in aan haba yaraate waxba kaga duxin xukuumadda maanta dalka ka talisay. Waxa jira seddex cayayaanka qaniinyada kulul: Waa Kudkude, Duxun Ku Reeb, iyo Noolaa ure: Waa seddexda dowladda Kulmiye la kowsaday: Qabyaaladdii oo Luxudka la soo kacday, Caddaalad darradii oo faraha ka baxday, iyo Musuqmaasuqii oo dal iyo dadba aafeeyey! Ummaddii ku dhaqnayd Somaliland seddexdaa cayayaan ayaa marada u galay oo dalkii waa kaa baaxaa degeya bari ilaa galbeed!

Boobkii hadduu meelmaray, ma la isweydiiyey sidii loo maarayn lahaa foolxumooyinkii ku kacday? Madax dhaqmeed iyo oday hadba madaxtooyada lagu shiriyaa xal ma aha. Ammaanta Komishanka Doorashooyinka lagula dul kufayna daadifayn mayso dulmigii doorashada iyo isdabamarintii qaawanayd ee codka ummadda. Muranka la kowsaday doorashadii u horesey ee xukuumaddu qabanqabisay waxa masuuliyadeeda iska leh Guddida Doorashooyinka Qaranka ee laga hagayay xarunta madaxtooyada oo waxa ka markhaati ah natiijada gobolka Hargeysa ee hadba tirooyin isburinaya Guddidu ku dhawaaqayso.

Doorashadii u horeysey maxsuulkii ka soo baxay wataa dalkii iyo dadkiiba u horseeday qalalaase sababay dhimasho iyo dhaawac. Arragtidii hoggaankii dalku wuxu ku soo ururtay Guddoomiye iyo ku-xigeen faro maroojin iyo hanti lagu meel mariyo. Fara gelinta qaawan ee xukuumaddu dabada ka riixaysey waa ta ismariwaaga ka abuurtay Ceerigaabo, Burco, Ceel Afweyn, Berbera, Salaxley, Borama iyo Saylac. Muranka ka taagan Saylac waxa masuul ka ah madaxweyne ku xigeenka iyo madaxweynaha. Maalinta doorashada loo dareeray madaxweyne ku xigeenku wuxu socdaal ugu baxay Degmada Lughaya sifo ka baxsan xeerka Doorashada Deegaanada, waxana lagu eedeeyey in uu farageliyey habkii dorashadu uga socotay Lughaya, Baki iyo Saylac; danbarkeediina waa kaa ina horyaala. Xalka arrintaasina waxay u taala labada masuul ee dalka hoggaamiya. Ummadda deegaanada ku dhaqani horeba wey u wada deganaayeen e' maxaa maanta dabka ka dhex shiday? Dad maanta deegaano cusub loo abuurayaana wax hirgeleya ma ahe yaan la iswereerin.

Xildhibaano isxambaarnimoi lagu soo saaray oo deegaanada dhusha laga keeno oon hore dalka ugu dhicin bilow u ah ummaddu u dulqaadaanmayso e' xukuumaddan dabarkiyo xadhkihii goosatay hadday sidan ay u dhaqmayso bedeliweydo waxa dhici doonta in dadweynuhu ku gadoodo oo xilka laga xayuubiyo oo talo qaran dalkan lagu badbaadiyo mar hadday xukuumaddii weydey kartidii iyo hufnaantii ay dalka ku hoggaamin lahayd.

Guntii iyo gebogebadii kolay dad badani wey arkayeen in aad xilka lagugu aaminay la kufayse, waxayse ummaddu ka gam'i la'dahay goobta aad ku kuftay, goorta aad kuftay, iyo sida xun ee aad u kuftay. Gudo iyo dibad midna guul Kulmiye iyo Xukuumaddii ka soo hoyn waaye inna talo kale oo lagu guuraa ma idinku hadhay?


Somalilandna waa Guul iyo Gobanimo waarta,

Axmed Cali Ibrahim Sabeyse