Kulmiye Wixii U Dan Ah
Ayaa Somaliland U Dan Ah

Dhawaan markii ay safarka ku
tageen laba wasiir oo ka tirsan xuku uma da Somaliland magaalada
Nairobi, waxa ay ujeedada safarkoodu ahayd in ay Deeqbixiyayaasha ka
dhaadhiciyaan sida iyo qaabka ay dawladu u rabto in doorashada loo
galo,
Sida muuqata waxa uu madaxweynuhu isku qanciyay inaan Golaha
Guu rtida la hor geyn karin Kordhin danbe iyo doorashada oo dib loo
dhigo. Waxaa taasi marag u ah dhaq-dhaqaayo badan oo dhinaca
xukuumada ka jira, waxa kale oo calaamad u ah in dawladu ay
door asho diyaar u tahay waji gabaxa ay kala kulantay Deeq
bixiyayaas ha Caalamiga ah ee dhaqaalaha ku bixiya dhismaha
dimoqraadiyada iyo doorashooyinka Somaliland, oo ay xaruntoodu tahay
magaalada Nairobi.
Dhawaan markii ay safarka ku tageen laba wasiir oo ka tirsan
xukuuma da Somaliland magaalada Nairobi, waxa ay ujeedada safarkoodu
ahayd in ay Deeqbixiyayaasha ka dhaadhiciyaan sida iyo qaabka ay
dawladu u rabto in doorashada loo galo, iyo waliba waxyaabaha ay ku
diidan yihiin shuruudaha ay deeqbixayaashu ku xidheen 3d xisbi si
doorasho u dhac do wakhtigeeda. Labada Xisbi mucaarid iyagu
way aqbaleen dhamaan qodobada ay soo jeediyeen Deeq
bixiyay aashu iyo talooyinka kale ee ay soo jeediyeen si aanay
doorashadu mar danbe dib ugu dhicin. Laakiin dawladu ilaa hada kuma
faraxsana arrintaas inkastoo ay dhawaaan soo shubtay saamigii
dhaqaale ee doorashada ee laga sugayay dhinaca dawlada.
Arrinta soo shubista saamiga dhaqaalaha doorashadu waxa ay
muuji naysaa in dawlada ay ka soo xidhantay albaab kasta oo kale oo
aan ahayn albaabka doorashada. Dawaldu ilaa imika waxa ay
raadinaysaa meel ay uga baxdo suryada la geliyay ee ah in doorasho
mooyaane aan wax kale la aqbalayn. Madaxweyne Daahir Rayaalena waxa
uu raad inayaa qorshe amaba hindise wanaagsan oo uu kaga bixo
ama kaga tago madaxweynenimadiisa [Appropriate Exit Strategy] ,
qorshahaasi oo ugu danbayntii uu isku qanciyay inuu yahay doorashada
oo laga helo ka dibna xilwareejin nabada uu sameeyo[Peaceful and
Smooth Transition].
Arrintaasi oo marka laga eego dhinac walba sharaf iyo maamuus weyn
oo taariikhiya u ah Madaxweyne Daahir isla markaana sumcad weyn oo
caalamiya u ah Somaliland iyo geeska Africa. Haddii Daahir arrintaa
sam e eyo waxa ay si xawliya usoo dhawyn doontaa helitaanka aqoonsi
caal amiya iyo maalgashi caalamiya oo ka yimaada adduunyada
dhaqa alaha hore ugu martay. Waxa kale oo ay sii adkayn doontaa
nabad-gelyada iyo xasiloonida Somaliland iyo is-aaminaada dhinaca
siyaasada ee qoomiyadaha ku dhaqan Somaliland gaar ahaan Sool iyo
Sanaag oo aad ugu hanweyn inay ka dhex muuqdaan hogaanka sare ee
siyaasada Somaliland.
Iyadoo hadaba diyaar garawga doorashada Madaxweynaha ee doorkan aad
moodo inuu yahay mid dhab ah oo meel looga leexdaa aanay ayaa waxa
uu xisbiga Kulmiye ugu jiraa tartan hufan oo xalaal ah sidii uu
tala da dalka gacanta ugu qaban lahaa markii ugu horeysay tan iyo
markii la aas-aasay sanadkii 2002dii.
Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Ahmed Mahamed Mahamoud Siilaanyo
ay aa hormood u ah doorkan sidii loo heli lahaa talada dalka. Waxa
laga maarmaan in la ogaado in Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye aanu
hamuun u qabin inuu madaxweyne noqdo laakiinse waxa uu hamuunta u
qabaa ay tahay sidii uu mustaqbalka Somaliland meel wanaagsan ugu
hubsan lahaa inta aanu gabi ahaanba ka fadhiisan guud ahaan saaxada
siyaada Somaliland. Waana arrin waajib ku ah inuu raadiyo wax u
cuntama oo halgankii dheeraa uu hurdada kaga gam’o si aanu marnaba
uga tiiraanyoon dhibtii loo soo maray soo celinta xoriyadii
Somaliland. Sidaa darteed bay muhiim u tahay inuu hogaanka dalka
qabtaa oo uu dhamaystiraa isla markaana dhisaa dhagaxii uu AHU
Madaxweyne Cigaal dhigay ee ahaa dhismaha Somaliland.
Iyadoo hadafka Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye uu yahay kaa aynu kor ku
soo sheegnay ayaa dhinaca kale waxa uu Xisbiga Kulmiye guud ahaan
rumaysanyahay in wixii Kulmiye u dan ah ay dan u tahay Somaliland.
Kulmiye waxaa u dan ah in doorasho la qabto oo wakhtigeedii ay
dhacdo isla markaana aan dib loo dhigin mar danbe. Dib-udhigista
doorashadu waxa ay sumcad xumo weyn u keentay geedi socodkii
dimoqraadiyada, waxa kale oo aamin-darro ka dhex abuurtay wadamada
iyo hayadaha xidhiidhka iyo saaxiibtimadu inaga dhaxayso ee inaga
caawiya horumarka siyaasada, dhaqaalaha, caafimaadka iyo
waxbarashada.
Somalilandna waxaa u dan ah in doorasho la qabto oo dadweynaha la
si iyo fursad ay ku doortaan xisbiga iyo qofka ay rabaan inuu
hogaanka dalka sii amba qaado. Doorashadu waxa ay dan u tahay dadka
oo helaya nasiib mar kale ay ku dhagaystaan xisbiga wanaag iyo
horumar soo wa da, xisbiga wax ka qabanaya cabashooyinka shaqo
la’aaneed, biyo la’aaneed, waddo la,aaneed, Dhakhtar la,aaneed,
Cadaalad la,aaneed iyo guud ahaanba horumar la’aaneed.
Kulmiye nabadu waa u dan. Waxa uu jecelyahay in dalku nabad waarta
ku jiro waligiiba, in dadku is dhexgalo oo lixda gobol ee Somaliland
ay da wladnimo hano-qaaday ka jirto. Kulmiye waxaa u dan ah in
waxa Harga ysa yaala laga helo Laascaanood, Boorama iyo
Ceerigaabo. Kulmiye wa xa u dan ah maamul fidin qoto-dheer oo
cilmi ku fadhida.
Somalilandna nabadu waa u dan. Somaliland waa inay noqotaa
Sweden tii Africa. Nabadu waxay dan u tahay dhamaan dadweynahay
Somaliland oo dhan. Marka nabad la helo ayaa horumarku yimaadaa oo
laga fikiraa in la helo waxyaabahaha nolosha qurxiya ama u fududeeya
dadku inay si wanaagsan u nooladaan. Nabad marka la helo ayaa
waxbarasho la tag aa, nabad marka la helo ayaa caafi
maadka la ilaaliyaa oo dhakhtaro la dhisaa, nabad marka la helo ayaa
dawladnimo la helaa, nabad marka la helo ayaa mushaarooyin la qaataa.
La soco qaybta labaad.
Ahmed Ali Aden
Birmingham, UK
|