Kulmiye Waa Wada Maarshaal
 

Doodi kama taagna in xisbiga kulmiye iyo qaranka somalilandba uu ka  bax ay shakhsi aad u culus oo sharaf iyo karaamo ku lahaa bulshada  dhexdee da, taasna waxaa cadayn kuugu filan shacab weynaha somaliland ee  mux a afid iyo mucaaridba leh oo dalka gudihiisa iyo dibadiisaba baroordiiqda iyo tacsida tiiraanyada leh kasoo wada direy.

Hadana sidaas oo ay tahay xisbiga kulmiye marnaba ma waayi doono  sha kh si u dhigma oo uu ku buuxiyo kaalintii uu baneeyey alle ha u naxariistee Cali Muxumed Guuleed (Cali Maarshaal)sababtoo ah xisbiga kulmiye waxaa ku dhan ama isugu tegay waxgaradkii aqoonyahankii iyo dhamaan  indhee rgaradii umada somaliland oo Da'a kasta iyo deegaankastaba leh.

Tusaale ahaan dabayaaqadii 2008 markii uu shil gaadhi ku dhintay  Xildhib aan Maxamed Cali Tuke AUN oo xisbiga kulmiye uga soo baxay Degma Gar-adag waxaa markiiba lagu soo bedelay Xildhibaan A/rahmaan Maxamed Tanyanle oo kamid ahaa xubnaha kaydka ah ee xisbiga kulmiye iminkana katirsan golaha wakiilada somaliland.

Hadaba haddii aan ku noqdo ujeedada maqaalkayga ee aan cinwaanka uga dhigey waxaa jirtay in 17 October 1984 markii uu dhacay dagaalkii  qadhaa dha ee Burco-duurey ee uu ku geeriyooday Alle ha unariiste Muj.  Maxam ed Xaaji Diiriye (Lixle) inay idaacada BBC-du waraysi la yeelatay  gudoom iyihii SNM ee xiligaas ee iminkana ah gudoomiyaha xisbiga siyaasiga ah  kul miye Ahmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Gudoomiyaha kulmiye Ahmed siilaanyo oo inta badan lagu yaqaan inuu  ma sraxa siyaasada kusoo kordhiyo erayo diblomaasiyadeed ayaa isagoo  qir san geesinimada Mujaahid Lixle sidoo kalena aan wax niyadjab ah ku ridin ciidamadii iyo saraakiishii kale SNM ayaa yidhi SNM WAA WADA LIXLE, odh aahdaas oo caan ka noqotay deegaano badan oo somalidu
degto.

Guntii iyo gabagabadii xisbiga kulmiye waa wada Marshaal, sidoo kale  mad axda KULMIYE maaha kuwo xil iyo xoolo toona ay isu keeneen waa dad ku midoobay mabaadi' iyo mowqifiyo siyaasadeed oo dhaba, halka xisbiga  tal adada haya ee UDUB uu ka baxo ama ka digo rogto qofkii xil laga qaadaaba.

 

 

Hussein Guuleed Jaamac "Afgaab"
Columbus Ohio
xuseenafgaab@hotmail.com