Kulmiye uu dedaalee dadkeenaan garaabayn

 



Waqtigu ordi ogaa ma MO FARAH baa.

Xiisaha qalinku yuu i qaadine iga guddoon akhriste salaan gobeed, aan durbadiiiba u soo noqdo maqaalka iyo mawduuca,ku dhawaad laba sano iyo toddoba bilood ayaa ka soo wareegay mar kii xukuumada kulmiye ka dhalatay ay la wareegtay masuuliyada dalkani majarahana u qabatay hogaaminta dal yar oo baylah badan leh.


War inaguma seegana xaalku sidu ahaa markaasi, waxaana lagu warejiyay dal nabad ah o dib dhacsan iyo deymo fara badan. Oday siilanyo iyo xukuumadiisii tirada yarayd balse xaqiiqdii tayada badnayd,hele meel ay ka bilaabaan horena u wade. dedaale intii karaankoodu ahaa illaa hadana waa ku gudo jiraan dedaalkaas. halkay wax kasoo bilaabeen iyo halkay marinayaana waan ka wada warqabnaa.

Hadaba ma waxaan is weydiina maxay ummada iyo shacbigan jilicdasan u tareen mise waxaan ka fikirnaa maxay qabiil iyo qof dan gaara leh jeebka ugu rideen.
Reer somaliland ahaan waxaynu nahay dad hal u jeedo leh (HORUMARKA SOMALILAND) wanaa g ayaan dhamanteen wada rabnaa, inta yar ee xumaanta jecel ee inagu dhex jirtaana iyaga laf toodu way iskala qabsan karaan hadaan inteena badanee wanaaga jeceli dedaalno , daacadna ka noqono koolkoolinta somaliland.
waxaad moodaa in dadkeenu dhaliisha iska jecelyihiin. waxaynu u oynaa mid aynu muddo yar ka hor ka ooyi jirnay, waxaynanu ku orinaa mid aynu u ooyi jirnay.

runntii ma ihi taageere kulmiyaysan!!!,,,,durba yaan shaambadaa la igu dhejin……waxaanu walaalo nahay wixii danta somaliland wada, waxaanay wax naga dhexeeyaan inta wanaaga la jecel dadkan iyo dalkan .

hadaba aan is weydiino su,aasha ah..KULMIYE MUU TARAY MISE UU TIRAY?
jawaabtayda iyo jawaabta in badanoo ka garaabta waxqabadka qof kasta o wanaag u tara umaddisa, kalana masuugin inay yidhaahdaan,,,HAA WAX FIICANBAAD QABATAY, ba waa HAA KULMIYE UU TARAY,,,,,,,

ka gaban maayo kana habran maayo inaan sidoo kale kor u sheego in qaladaad dhaceen intii ay xukunka haysay xukuumadani, oo ileen hadii qalad la samayn waayo bina aadanimadiiba meesha ka baxaysa oo malaa,ig ayaan noqonaynaaye, balse waxaan odhan karaa waxay ahaayeen qaladaad dib laga saxay inta taagana tubtoodii iyo tabahoodii la hayo.

AAAHHHHHH!!!!!, xukuumadu doorkii shacabkay tebaysaa, taageeradii iyo toosintii ay xaqa ugu lahayd waxa loogu bedelay dhaliil aad CAY aad moodo inaan cadaw deedafaynayno, iyo aflagaadoyin aan loomeel dayin.
waxaad moodaa in indhaheenu qabanayaan inta yar ee qaldaadka ah ee bina aadanimadu kensanyso, inta badan ee wanagsan ee waxqabdka ah na maba aragno cajiib!!!!!

tolow maan is yeelyeelaynaa? BAL ADBA!!!

Waar maxaa inoo diidan in aan indhaheena ku eegno waxa badan ee in a mideeya( DANTA SOMALILAND) halkaan kaga eegi lahayn inta yar ee in a kala qaybisa.

Aan sababeeyo dedaalkii aan ku sifeeyay xukuumadeena:

hadaan malahaygu i khiyaamaynayn malaha intii xukuumada kulmiye dalka hogaaminaysay ayaa:

• shaqalaha loo kordhiyaya mushaharkii 100%
• carruurteeni masaakiinta ahayd loga dhigay dugsiyadii bilaash( dad badanoo dan yar ah o carruurtooda aan iskuulada u geyn jirin hayn la,aan ayay sabab u noqotay inay carruurtii dugsiyada keenaan)
• miisaaniyadii dalkan oo marki hore ahayd $50million waxa kor logu qaaday $175 million( waan dareeemi karnaa farqiga)
• lacagtii giimbaarta ahayd laga bedelay gobalka togdheer
• darajooyinkii ciidamada la qaybiyay
• la jaangoyay mushahaarooyinka madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa
• la gudbiyay xisaabxidhadii sanadahii 2010-2011
• markii ugu horaysay dalka laga beeray bariis, tani oo tusaale u ah sida xukuumadu u dhiiri gelinayso waxsoosaarka dalka……………..iyo in kalo badanood wada garanaysaan sida: mashiinka kelyaha sifeeya aya la kenay cisbitalka hargeisa, waxa cisbitaal laga dhisay degmada sheikh, maamul wanaaga, musuqmaasuq yaraanta,,,,,,,ma koobi karoo waxan filayaa inaan ka wada dheregsantihiin waxqabadka ay sanad kasta dawladu soo bandhigto.

hadaba miyaan indhaha ka qarsanaa waxqabadkan o dhan xukuumadana dhaliilna uga dhignaa hadal ka soo yeedhay mid uu ALLE (swt) 1433 SANO ka hor inoo sheegay inaanay raalli inaga noqonayn illaa aan diintooda qaadano ( WALAN TARDAA CANKAL YAHUUDU WALA NASAARAA XATAA TATABICA MILLATAHUM) ( ……INGIRIIS……_).

Goormuu nasteexeena noqday kuwuu ALLE (swt) inooga digayay jacaylkooda markuu EEBE in a lahaa "" Kuwii ALLE rumeyayoow cadawgayga iyo cadawgiina ha ka dhiganina awliyo aad kalgacayl u haysaaan, iyagoo weliba ka gaaloobay aayaadka alle iyo xaqa la idiin soo dejiyay…."YAA AYUHA LADIINA AAMANUU LAA TATAKHIDUU CADUWII WACADUWAKUM AWLIYAA'A TULQUUNA ILAYHIM BIL-MAWADATI WAQAD KAFARUU BIMAA JAA,AKUM MINAL XAQI……..).

xogta iyo xaqiiqda taala jamhuuriyadda somaliland waxa xog-ogaal u ah dadkeeda, yaynaan ku mashquulin hadalada deelqaafka iyo meel ka dhaca ah, ee ka soo yeedhaya cadawgeena iyo cadawga ALLE, hadaynaan xukuumada ku taageerin waxqabadka iyo wanaaga ay waddo oo ahaa waxaynu u dooranay, qaladaadkedana si nasteex leh ugu sheegin dalkani inagaa gacmaheena ku burburinayna.

waxaad moodaa inaan indhaha ka laabano waxqabadka xukuumad kasta kuna dhegno inta yaree qaladka ah ee sidaan hore u so sheegay bina-aadanimadu keensanayso, intaasuu cadawga faraha badan ee aynu leenahayna ka faa,iidaysanayaa oo buunbuuninayaa.
Madaxweyne kasta markaan xilka u dhiibanayno inagaa gacmaheena ku soo doorana weliba waan dhaarsanaa hadana ma aamino, waar danta dalku waxay ku jirtaa isku duubni, waar aan taageerno marba dawlada aan inagu soo doorano illeen inqilaab inagumay qabsane inagaa soo dooranaye, waxqabadkana aan ka wada qayb qaadano oo adigoo karaya bacda aad xanjada ka cuntay inaad mesha qashinka loogu talo galay geyso ha ku tuurin wadada hadhawna eed xukuumada ha uga dhigin magaaladu waa wada bac xanjo.
dalka waa la wada leeyahaye cid gaar ahi malaha, aan gacmaha isku qabsano horumarkiisa una midawno danta guud .


ALLE naxariistii janno ha ka waraabi madaxweynihii hore ee qarankan MARXUUM.MAXAMED X.IBRAAHIM CIGAAL ayaa hadaladiisii dhaxala galka ahaa ee u umadda ku hanuunin jiray waxa ka mid ahaa " Dan dal,,,iyo dan qaran waxa keeni kara dad iyagu dantooda gaarka ah ilaaway"……waar aan u hagar baxno hantida keliya ee aan ka dhaxalnay aabayaasheen oo ah SOMALILAND,,,,,dhiigoodu yuu noqon mid bilaash u daatay,,,,,hooyooyinkeen iyo hablaheenu asayday qaadeen yay noqon mid bilaa u jeedo,,,,,inta nool ee laxaadkoodii ku weyday halgankii dib u xoraynta somalilandna dedaalkoodii yuu noqon biyo col dhaanshay,
DHALINYARTAAAAY!!!! waar yuu inagu guurin siyaasi dan leh oo aan ugxani ka oolin somaliland , inta mustaqbal ka rajaynaysa dalkani ee horumarkiisa iyo dib u dhaciisaba sabab u noqon kartaa wa inaga (DHALINYARTA),,,,,alle naxariistee janno ha ka waraabiyee MARXUUM. Maxamed xashi dhamac ( gaariye) ayaa laga hayay….
DADNA WAA HANGOOLKII
MAALIN CIDI DAN LEEDAHAY
DALMAROOW LA TABI JIRAY……


halkaynu kala subcinayno siyaasiyiinta kursiga damacu kaga jiro cayda iyo ceebaynta xukuumada, waxa ka muhiimsan inagoo ku taageerna waxqabadka dawladeena.
Waxaan ku soo gebo gabaynayaa kala qaybsanaanta faraha badan ee jirta waxaad moodaa inta ugu badan inay sababto qabyaaladu, waar dawladu qabiil maaha , ninna yaan lagu qiimayn haybtiisa ee ha lagu qiimeeyo waxtarkiisa.dhamaanteen hal qabiil ayaan nahay oo la yidhaahdo SOMALILAND, aan ka garaabno waxqabdka xukuumadaheena si aan hore ugu socono inagoo mid ah.
WABILLAAHI TAWFIIQ
 

 



qalinkii: ismail yusuf adam ( mr 37)
phone#: 00252-2-4700022 (telesom)
E-mail: hanuuniye_a@hotmail.com.