KULMIYE oo
u Mahad celiyey Waddamadda iyo Masuul iyiinta Shisheeye ee
Hambalyeeyey Doorashadii Madaxweyne Siilaanyo

Hargeysa (TNN)- Xisbiga KULMIYE
ayaa jawaab mahadcelin ah ka bixiyey waddamo dhawr ah iyo
masuuliyiin shisheeye oo hambaleeyey doorashadii Madaxtooyada
Somaliland ee ay ku guulaysteen murrashixiintii jagooyinka
Madaxweynaha iyo ku-xigeenka ee KULMIYE.
Xoghayaha Arrimaha Dibada xisbiga KULMIYE Dr. Maxamed Cabdillaahi
Cumar, ayaa si weyn ugu mahadnaqay waddamadii iyo masuuliyiin kala
duwan oo xisbigooda ku soo hambalyee yey guusha ay ka soo hooyeen
doorashadii Madaxtooyada, isagoo mid la mid ah u diray.
Dr. Maxamed Cabdillaahi oo ku hadlaya magaca xisbiga KULMIYE, waxa
uu xalay Jamhuuriya soo gaadhsiiyey jawaabta mahadcelinta, waxaanay
iyadoo dhammaystiran u qornayd sid an:
“Waxa na soo gaadhay dhambaalo hambalyooyin iyo boogaadi ah oo
waddamo iyo shakhs iyaad shisheeye u soo diraeen xisbiga
KULMIYE doorashadii Madaxtooyada ee uu ku guula ystay. Sidaa
daraadeed waxaannu jawaab hambalyo ah u diraynaa dawladdaha na soo
ha mbalyeeyey oo ay ka mid yihiin Maraykanka, Ingiriiska, Itoobiya,
Jabuuti iyo Koonfur Afrika iyo shakhsiyaad isugu jira xildhibaano
iyo masuuliyiin kala duwan oo adduunka ka tirsan, k uwaas oo
dhammaantoodba xisbiga KULMIYE iyo murrashixiinta madaxweynaha iyo
ku-xig eenka ku tahniyadeeyey guusha doorashada ay ka gaadheen,
iyagoo sidoo kalena shaca bka reer Somaliland ku hambalyeeyey
doorashadii sida dimuqraadiga ah u dhacday ee xor ta iyo
xalaasha ahayd ee ay galeen iyo sidii nabadgelyada ahayd ee ay u
codeeyeen.
Aniga oo ku hadlaya magaca xisbiga KULMIYE waxaan doonayaa in aan
tahniyadahaasi ka mahadceliyo oo aan uga mahadnaqo sida fiican ee ay
noo soo tahniyadeeyeen, waxaanan leeyahay waad ku mahadsan tihiin.”
Source: Jamhuuriya Online
|