Kulmiye Oo Shacabka Ku Hambalyeeyey Garashada Iyo Fahamka Ay Uga Baaqdeen Ololihii UDUB
 

Hargeysa (Longlivesomaliland News) - Xisbiga KULMIYE ayaa shacabka reer Somaliland ku hanbal-yeeyay fashilaad ay u arkaan in Xisbiga  UD UB kala kulmay bilowga Ololaha doorashadda Madaxtooyada.

Xog-hayaha Guud ee KULMIYE Kayse Xassan Cige ayaa sheegay in xisbi ahaan ay shacbiga ku bogaadinayaan talaabo uu sheegay inay ku  muu jiyeen sida ay uga horjeedaan go’aanka Xisbiga UDUB ku goostay kelidii inuu doorashada ku gallo bilaa diiwaan-gelin halka labada xisbi  mucaa rad aaminsan-yihiin in doorashada lagu gallo Liiska ka soo baxay kala shaandheynta diiwaan-gelin codbixiyayaasha.“Waxaanu shacabka Somaliland ku hanbalyaynaynaa, haddii aanu nahay Xisbiga KULMIYE fahamka iyo garashadda ay kaga baaqdeen inay u soo baxaan qorshihii Xisbiga UDUB kelidii watay, ee aanay Axsaabta kale la qabin, balse ay gaarka u maroorsatay ee ahaa in doorashada lagu gallo bilaa diiwaan-gelin.

Shacbigu waxay muujiyeen bisaylka iyo in ay yihiin maanta Ummadd aan la khiyaameyn karaynin.” Sidaas ayuu yidhi Xog-hayaha guud ee KULMIYE.

Kayse Xassan oo xalay saxaafadda u waramay, waxa uu ku dooday in isu soo baxyadda xisbiga taladda ahaya ee UDUB loo adeegsaday  gaad iidkii iyo dhaqaalihii ummadda ka dhexeeyay, islamarkaana lagu galay dar-dar iyo diyaar-garow, sidaas oo ay-tahay ayuu yidhi Xoghayuhu “Dadka shalay goboladda dhamaan ka qayb-galay marka loo eego filashadii hore ee ay qabtay xukuumadu aad ayay uga hooseyeen, door kastana wax ka dhaca mooyaane wax u soo kordhayaa ma jiro, waayo dar-dartii ayay is arkeen.”

Xoghayaha Guud ee KULMIYE waxa uu intaa ku daray soo jeedin uu  xis biga talada haya kaga dalbaday inay ka noqdaan go’aanka gaarka ah ee mucaaradku qaadacay. “UDUB waa ku fashilantay bilowgii  Olol  ala ha, Sidaa darteed waxaanu UDUB leenahay waad aragtaan sida  taage eradda aad haysataan u hoosayso’e, ka noqda go’aankaa aad kelidiin gaadheen ee ah in la laalo diiwaan-gelinta, oo raaca go’aanka loo badan-yahay ee Xisbiyadu u badan-yihiin ee ah in doorashadda lagu gallo wixii uu Servarku soo saaray. Ku soo noqda oo la jaan-qaada ayaanu leenahay.”

Xoghayaha Guud waxa uu si difaacay go’aanka Xisbiyadda mucaaradka ahi ku diiday in ay ku dhaqaaqaan waqtiga Komishanku u xadiday inay sameeyaan Ololaha Doorashadda, taasoo uu sheegay in danta iyo maslaxada guud ay u arkaan inay ku jirto in diiwaan-gelinta lagu gallo doorashadda.
 


Source:Haatuf