KULMIYE Oo Ku Baaqay In Dalka Dawlad Ku Meel Gaadh Ah Loo Dhiso Ilaayo Inta Doorashadu Ka Dhacayso

 


Xisbiga Siyaasiga Ah ee Kulmiye ayaa maanta Shir Jaraa'id oo uu Ku qabatay Magalada Hargeysa Ka sheegay Mawqifkiisa dib u dhaca Doorashooyinka Somaliland. Kulmiye ayaa ka codsaday labada Gole qaran uguna Baaqay in si dhakhso ah loo soo dhiso Dawlad ku meel gaadh ah, waxaanu sheegay in dibu dhaca doorashadu in ay tahay xil gudasho la'aan dhinaca xukuumada ah.
Qoraalka mawqifka xisbiga Kulmiye ayaa waxa akhriyay Xoghaya Guud ee Kulmiye.

Distoorka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu si cad u qeexaya, qaab-dhismeedka hanaanka Dawladnimo, kuwaas oo kala ah; Golaha sharci-dejinta, Golaha fulinta iyo Hay’ada Garsoorka. Golayaashaas oo awoodahooda Distooriga ahi ay yihiin kuwo kala madax banaan (Separation of power), isla mar ahaantaasna leh isu dheelitirnaan, isna miisaama (checks and balances), taas oo ujeedadeedu tahay in aan awooda Dawladnimo ku ururin Gole keliya ama gacan qudha.


Waxa kale oo Distoorka Qaranku si buuxda u tilmaamaya, inay Doorasho toos ah ku imanayaan Golaha Sharci-dejinta, Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka.



Mudada ay xilka haynayaana ay tahay mudo shan (5) sanadood ah sida ku cad qodobada Distoorka Qodobka 88aad , Qodobka 83aad, faqradiisa 1aad , Qodobka 40aad, Qodobka 42aad.


Habsami u socodka hanaanka Dimuqraadiyadeed waxa lafdhabar iyo tiir-dhexaad u ah nidaamka Doorashooyinka.

Mar kasta oo hakad, baaqasho, iyo ka guur Doorashooyinka ay yimaadaan, waxaynu ogsoonahay inay timaado dib-udhacyo saameeya geedi socodka Dimuqraadiyadeed, horumarka dhaqaale iyo nidaamka Dawladeed oo noqon waaya mid hanaqaad ah.


Ka dib markii Doorashadii Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka ee dhici lahayd 15/04/2008 ay wakhtigeedii ku qabsoomi weydey XILGUDASHO LA’AAN MADAXWEYNUHU LEEYAHAY AWGEED, ayaa Golaha Guurtidu kordhisay mudadii xilka ee Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka, kordhintaas oo mudadeedu ka bilaabmeysey 16/05/2008, kuna dhammaanayso 06/05/2009, iyadoo laga ambaqaadaayo mudadaas la kordhiyey ayaa Komishanka iyo Asxaabta Qaranku ay yeesheen wada tashi muddo dheer qaatay, ka dibna ku heshiiyeen in Doorashada Madaxtooyadu qabsoonto 29/03/2009.

Hase yeeshee, waxa hada muuqata in aanay qabsoomeyn Doorashadii Madaxtooyadu wakhtigii loogu tala galay 29/03/2009, sida ay Komishanku ka hor cadeeyeen Golaha Wakiilada 24/02/2009,iyo kulankii Asxaabta ee 28/2/2009.


Guud ahaan ma’uuliyada hirgelinta iyo suuragelinta qabsoomida Doorashada, waxa leh Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, duruufaha keenay in ay mar labaad wakhtigeedii loo qorsheeyey ay dhici weydo Doorashadii Madaxtooyadu waa XILGUDASHO LA’AAN MAS’UULIYADEEDA UU LEEYAHAY MADAXWEYNE DAAHIR RAYAALE KAAHIN, sababta ah:-


Mas’uuliyada qabsoomida Doorashooyinka waxa ugu horayn leh Madaxweynaha, sababtuna ay tahay Doorashadu waa hanaanka ama nidaamka keliya ee lagula kala wareego awooda nidaamka Dawladeed. Sidaa darteed, waa waajibka Distooriga ah ee ugu weyn, madaxweynuhuna si muq iyo maangal dabagal ugu samayn Komishanka Qaranka in ay u soo gudbiyaan qoraalkii ay ku magacaabeen maalinta Doorashada, si uu wareegtadii dhaqangalka Doorashada u gudbiyo.


Doorashooyinka ka dhacaaya Somaliland waxay mas’uuliyadeedu guud ahaan saran tahay Qaranka Somaliland gaar ahaana ay tahay xilka Xukuumada, haday tahay diyaargarowga guud ee Doorashada iyo dhammaystirka hawlaha taakuleynta suuragelinta Doorashada, Madaxweynaha xilgudasho la’aan buuxda ku sameeyey waajibkiisa Distooriga ah.


Madaxweynuhu in aanu marnaba diyaar u ahayn in Dalka Doorsho ka dhacdo, waxa daliil u ah, heshiiskii saddexda Xisbi Qaran iyo Komishanku wada gaadheen 9, june 2008, waxa ku jiray Qodob lafdhabar u ah wada tashiga Xisbiyada Mucaaridka iyo Xukuumada iyo xisbil xaakimka, kaasoo ah Qodobka 8aad ee heshiiska oo ah.



In la dhiso gudi farsamo oo saddexda Xisbi Qaran ay noqdaan Guddi joogta ah, una xilsaaran kalsooni dhiska Xukuumada iyo xisbiyada wada shaqayntooda.


Iyadoo marka hore uu Distoorku waajibinaayo in nidaamka Dawladnimo ay aasaas u tahay wada tashi iyo isqancin in lagu maamulo arrimaha Dawladeed.

Madaxweynuhu isagoo ku xadgudbaaya Distoorka, isla mar ahaantaasna aan fulineyn heshiiskii 9 june 2008, weli isuguma yeedhin Xisbiyada Qaranka, xisbil xaakimka ayaana diiday in Guddidaas la sameeyo.


Iyadoo Madaxweynaha iyo xukuumadiisu aanay fulinin dhammaystirka qabyadii Xukuumadu ku lahayd asbaabihii keenay dib-udhaca Doorashadii Madaxtooyada 15/04/2008.

Golaha Guurtida ee mudada kordhiyeyna uu xukuumada tilmaan ku siiyey in ay dhammeystiraan qabyadooda hawlaha Xukuumada kaga aadan Doorashada Madaxtooyada, tilmaantaas oo u dhignayd sidan;-



J – Dhamaystirka hawlaha la xidhiidha Diiwaangelinta codbixiyayaasha iyo Doorashooyinka, wixii dhinacooda ah ee dhiman.



X – In si degdeg ah loo taabageliyo loogana hirgeliyo maamul socodsiin leh, kala dambayn, loona diyaariyo jawi suurtageliya in ay hirgaleen Diiwaangelinta codbixiyayaasha iyo tartanka Doorashooyinka.


Suurtogelin la’aanta hawlaha kor ku xusan oo dhammaantood waajibkooda Distooriga ahi dusha ka saaran yahay Xukuumada uu Madaxweyne Daahir Rayaale Madaxda ka yahay, waxay si mug leh u cadaynaysaa in ay jirto XIL GUDASHO LA’AAN iyo in aan Madaxweynuhu mar naba diyaar u ahayn in ay dhacdo Doorasho MADAXTOOYO, oo nidaamka isbedelka Dawladeed ku yimaado Doorasho hor iyo xalaal ah u dhacda wakhtigeediina dhacda, balse uu Madaxweynuhu ka door bidaayo in ay Doorashadii bedesho NIDAAM KORDHINEED, XILKANA UU SIDAAS UGU SII NEGAADO, taasina ay meesha ka saarayso, burburineysana hanaankii geedi socodka Dimuqraadiyadeed ee aduunku inagu meeranaayey.


Arrintani waxay si toos ah uga hor imanaysaa Distoorka Qaranka u yaala, waxayna si buuxda maamuuska iyo haybada uga qaadaysaa milgihii Dawladnimo.


Hadaba Xisbiga Kulmiye markii uu arkay;-


In rajadii geedi socodka Dimuqraadiyadeed ee Somaliland ay soo oodan tahay.


In Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland aanu diyaar u ahayn in uu fuliyo waajibkiisa Distooriga ah ee kaga aadan qabsoomida Doorashooyinka.


In Madaxweyne Daahir Rayaale uu hadda isu diyaarinaayo in mudada xilka loo kordhiyo, iyadoo hore u kordhistay saddex jeer oo hore.


In Madaxweynuhu ka guuray nidaamkii Dimuqraadiyada ee Doorashooyinka, una digorogtey mudo kordhin in uu xilka ku hayo.


In aanay Madaxweynaha ka muuqan wax ifafaala iyo raja ah shacbiga u suuragelinaaya in ay fuliyaan waajibaadkooda Distooriga ah ee gudashada Doorashada ay u diyaar garoobeen, kana dhursugayeen in la qabto wakhtigii loo qorsheeyey 29/03/2009, taasoo diyaargarowgii iyo hawlgalkii dedaalka xad-dhaafka ahi ku jiray shicib weynuhu u fuliyeen barnaamijkii Diiwaangelinta codbixiyeyaasha, Doorashada oo dib u dhacdaana shicib weynahan Somaliland ay gelinayso moral jab rajo beel ah.


Sidaas daraadeed, Xisbiga Kulmiye wuxuu go’aansaday;-


1. In madaxweynaha JSL ay mudadii IGMASHADA DASTUURIGA AH ee xilkiisu ay dhammaatay .


2. In aanay Suurtagal ahayn in mar afaraad mudo kordhin lagu sameeyo xilka Madaxweynaha.


Maadaama ay Doorashadii Madaxtooyadu ay laba jeer ku dhiciweydey wakhtigii loo qorsheeyey, sababta baaqashaduna ay tahay oo keliya ah xil gudasho la’aan mas’uuliyadeeda uu leeyahay Madaxweynuhu.


Xisbiga Kulmiye wuxuu ugu baaqayaa Golayaasha Sharci-dejinta ( Guurtida iyo Wakiilada ), inay masuliyadooda tahay in dalka ka samata bixiyaan marxaladda siyasadeed ee murugsan.

Sidaasi darteed, wuxuu Xisbiga Kulmiye soo jeedinayaa in la magacaabo xukuumad ku meel-gaadh ah oo dalka gaadhsiisa Doorasho.



WA BILAAHI TAWFIIQ

 



MD. AXMED MAXAMED
(SIILAANYO)
GUDDOOMIYAHA XISBIGA KULMIYE