Kulmiye
Oo Ka Hadlay Shuruudo Uu Ku Xidhay
Ogolaanshaha Qabsoomidda Doorashada Ee 31-ka May

“Xisbiga Kulmiye 31-da May diyaar
buu u yahay doorasho,laakiin..”Axmed-Siilaanyo
Hoggaanka Xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye ayaa Madaxweyne Rayaale
ku eedeeyay in uu ka baxay Heshiisyo gundhig u ahaa in Xisbiyada
Mucaaradka ahi ogolaadaan muddo-kordhin hore loogu sameeyay,
waxaanay Masuuliyiin Xukuumadda ka tirsan ku eedeeyeen in ay wadaan
iska horkeenka Beelaha dalka qaarkood.
Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud
(Siilaanyo) ayaa Madaxweyne Rayaale ku tilmaamay in uu ka baxay
qoddobada heshiis uu sheegay in ay hore u wada galeen Xukuumadda iyo
Axsaabta Mucaaradka ahi, kaas oo ay ka mid ahayd in loo sinnaado
Warbaahinta Dawladda, in Wasiiradu aanay ka hadal arrimo aan
khusaynin iyo qoddobo kale. Waxaanu sheegay in Madaxweyne Rayaale
muddo-kordhintii loo sameeyay aanay sharci ahayn, isla markaana ay u
sheegeen Madaxweynaha in aanu Sharci ku fadhiyin.
“ Maanta Daahir Rayaale waxa I bedeli kara Madaxweyne la soo doortay
oo kaliya maalin walba waad ka maqashaan Raadyowga iyo Telefishanka,
bal waxaad ku tidhaahdaan, maalintii ugu horeysay ee Kursiga
Madaxweynuhu ku fadhiistay ma shacbigaa ku soo doortay? Maya ma
dooran, dhaxal buu ku helay oo waliba sida uu ku fadhiistay la ogaa
siday ahayd.
Sheekh Ibraahim bay ahayd inuu ku fadhiisto alla ha u naxariistee,
laakiin waa loo daayey.” Ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye.
Waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Waar maalintaa ma Cod ummadu
leedahay baad ku soo baxday? dhawrkii jeer ee laguu kordhiyey ma cod
ummadu leedahay baad ku soo baxday?”
Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye wuxuu ka hadlay waxyaabo uu sheegay in
ay ka mid ahaayeen qoddobo ay Xukuumadda iyo Axsaabtu ku heshiiyeen,
kuwaas oo uu sheegay in aanu Madaxweyne Rayaale qodob kaliya ka
fulinin.
“Sanadkii dhawayd markii aanu wada hadalnay ee wakhtigu ka dhacay
waxa aanu ku heshiisay oo aanu nidhi, Sharciyad aad ku fadhidaa
meeshaa ma jirto. Markii aanu aragnay anagoo markasta dadka u
tudhayna xaaladu siday tahay, ayaa waxaanu ku heshiinay ballan iyo
Axdi oo uu qaaday. Anagoo u ogolaanay inaanu u kordhino wuxuu
ogolaaday Ninka Wasiirka ahi inuu hawl qaran ku ekaado, oo Ninka
Shaqaalaha ah ee dawlada u shaqeeyaa uu shaqadiisa ku eekaado, wuxuu
balan qaaday in ummada loo sinaado, gaadiidka loo sinaado, Radio iyo
Tv-ga loo sinaado. Waxaas oo dhani heshiiskay ku qoran tahay mid
qudha axdigiisii kamuu fulin.” Ayuu yidhi Axmed-Siilaanyo oo shalay
ka hadlayay Munaasibad Xisbigiisu Xafiis kaga furanayay Xaafadda 26
June ee Magaalada Hargeysa.
Guddoomiyaha Kulmiye waxa uu ka hadlay sababta Xisbigoodu ugu
gacan-saydhay saxeexitaanka Heshiiska cayimidda muddada Doorashadu
qabsoomayso oo Komishanka Doorashooyinku u cayimeen 31-ka bisha May.
“Waxa maanta la leeyahay Xisbiga Kulmiye ayaa diiddan doorashadii,
Kulmiye saacadaa doorasho diyaar buu u yahay, oo 31-da May diyaar
buu u yahay doorasho laakiin 6-da April oo ay kaga eegtahay Rayaale,
yaa dalka doorasho gaadhsiinaya ayaa laysku hayaa, ee kulmiye ma
diidana doorasho” ayuu yidhi Guddoomiyaha Kulmiye.
Sidoo kale Guddoomiye-ku-xigeenka 2aad ee Xisbigaas Cabdiraxmaan
Maxamed Cabdiqaadir ayaa Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda ku
eedeeyay in ay wadaan arrimo iska-horkeen Beeleed ah. “Anigu Burco
ayaan joogay, shirarkii halkaas ka dhacay baan ka warhayey. Burco
waa magaalo weyn waa caasimadii labaad ee dalka, waxa jira oo laga
shaqeeyaa oo Niman dawladda ahi ay wadaan Beelaha ku nool Burco inay
iska- hor yimaadaan oo ay isnacaan. Markay sidaas samaynayaan iyagu
waxay is leeyihiin dan baa idiinku jirta..Taas ayey ka shaqeeyaan,
nimankaa maanta leh KULMIYE ayaa nabadgelyo daro wada, laakiin reer
Burco arrinkaa way iska garteen” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cabdiqaadir
oo isna halkaa ka hadlay.
Dhinaca kale, Eng. Maxamed Xaashi Cilmi oo ka mid ah
Urur-Siyaasadeedka Qaran ee iskaashi-wadaagta yihiin Xisbiga Kulmiye
ayaa isna yidhi, “Maanta Isbedel dhab ah ayeynu u baahanahay dad
lex-jeclo u leh dalka iyo dadka ayeynu u baahanahay dalku inamuu
gabin, ee xukuumadihii ayaa ina gabay…Dadku waxa uu ku kala baxaa
waa sharci, sharcigii waa layska laabay, dawladan shan sanno ayaa la
doortay oo loo dhaariyey way ka dhamaatay, wuxuu maanta ku joogaa
waa sharci-daro, mana dhaarsana”ayuu yidhi Eng: Maxamed Xaashi Cilmi.
Sidoo kale waxa halkaa ka hadlay Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee G.
Hargeysa iyo Masuuliyiin kale.
Wargeyska Ogaal
|