KULMIYE
oo ka Digey Olole Madaxtooyadu ku Doonayso in
Xilka Lagaga Qaado Guddoomiyaha Guurtida
Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee
xisbiga KULMIYE mujaahid Muuse Biixi Cabdi, ayaa si kulul u
cambaareeyay olole la sheegay in toddobaadadan u dambeeyey
xukuumaddu ku doonaysay sidii xilka looga qaadi lahaa Guddoomiyaha
Golaha Guurtida Md. Saleebaan Maxamuud Aadan.
Muuse Biixi Cabdi oo shir-jaraa’id shalay gelinkii dambe ku qabtay
xarunta KULMIYE ee magaalada Hargeysa, ayaa waxa uu si adag uga
digay khatarta uu ololahaasi keeni karo waqti loo diyaargaroobayo
doorashada, isaga oo ku macneeyey inuu yahay mid la doonayo in
khalkhal lagu geliyo doorashada soo socota, isla markaana nuxurka
ololaha wakhtigan ku soo beegmay uu yahay mid siyaasiyan iyo
nabadgelyo ahaanba aanu dalku qaadi karin oo u muuqda mid gacan
cadaw oo dibadeed ku jirto.
“Dalku wuxuu ku jiraa doorashadii ugu weynayd oo ah tii Madaxtooyada,
markaa maanta hay’ad walba, qof walba iyo urur walba waxa waajib
qaran ah inuu nabadgelyada ilaaliyo, dhexdiisana dhulka dhigo oo
aynu dhammaanteen u jeesano sidii nabadgelyo iyo deganaansho inoogu
dhici lahayd doorashada. Marka aynu distoorka eegno dalka labada
hay’adood ee ugu sarreeyaa waa Madaxtooyada iyo Golaha Guurtida,
baratakoolka kowaad waxa leh Madaxtooyada, ka labaadna Shirguddoonka
Guurtida, waxa nasiib-darro ah oo aan caqliga geli Karin oo aan
waqtigeedii ahayn in maanta la bilaabo olole Shirguddoonka Guurtida
lagu beddelo,” ayuu ydihi Muuse Biixi.
Guddoomiye-ku-xigeenka KULMIYE waxa uu sheegay in aan dalku wada
qaadi karin in mar qudha labada hay’adood u sarreeyaa doorasho wada
galaan, cidda wada ololaha Shirguddoonka Guurtida lagu beddelayanaa
aanay u danayn Somaliland, isaga oo shaki ka muujiyey inuu cadow
gacan ku leeyahay; Isaga oo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi;
“Dalku ma qaadi karo in labada hay’adood ee ugu sarreeyaa isku mar
doorasho galaan, taa distoorka ayaa sheegaya in aanay labadaa
hay’adood mar doorasho wadagelin, waayo xilka Madaxtooyada waxa laga
dhigay 5 sanno, ka Guurtidana 6 sanno, ujeedadu waxa weeye waa
labadii hay’adood ee u sarreeyey ee midina waa inay joogto midna
doorasho ku jirto. Waxaannu u aragnaa arrintaas in cidda ka dambaysa
iyo cidda ka talilaysay midna ummadda u danaynayn, waxayna u
muuqataa in cadowga Somaliland soo gacan geliyey oo uu inoo dhigo
qorshe aynu mar qudha wadagalno khalkhal iyo doorasho, waxaan
leeyahay cidda arrintaas soo abaabushay waa cid aan ka fikirin
nuxurka danta Somaliland siyaasiyan iyo nabadgelyo ahaanba.
“Sidaa darteed waxaannu si qaylo dheer ugu baaqaynaa cidda arrintaas
abaabulaysaa inay maanta cagta u dhigaan, waayo marka hore waxay
caqabadaynayaan doorashadii Madaxtooyada mar labaadka waxay
keenaysaa doorashada Shirguddoon Guurtida mar saddexaadka haddii
aynu labadaa doorasho galno waxa soo baxaya anigu ma garanayo, taasi
inoo dan maaha.”
Md. Muuse Biixi Cabdi waxa uu sheegay in Guddoomiyaha Guurtida Md.
Saleebaan ka mid ahaa ragga ugu adag ee ka soo horjeeday, isla
markaana sabab u ahaa guushii UDUB ee doorashadii hore, “Annaga
KULMIYE ahaan Shirguddoonka Guurtida; metelan Saleebaan oo kale waa
ninkii ugu adkaa ee naga soo horjeeday, haddaanu dantayada siyaasiga
ah ka eegno oo KULMIYE dantiisa mooyee tu qaran ka eegayn waxaannu
odhan lahayn UDUB baa ishaysata oo shirguddoonkii ka soo
horjeedsatay, waxaannuse u aragnaa Guurtida iyo Madaxtooyadu inay
yihiin hay’ado qaran oo ah in la ilaaliyo, sidaa darteed Saleebaan
oo doorashadii hore la wada ogaa inuu ahaa ninkii 80% hirgeliyey in
UDUB guulaysto, maanta Shirguddoon iyo awooddaa u leh, haddii mid
siyaasiyad wadno waxaannu odhan lahayn ka faa’iidaysta.”
Mujaahid Muuse Biixi waxa uu arrintan ku macneeyey inay leedahay
dareenno hor leh oo ay muujinayaan waxyaabo hore aan UDUB loogu
aqoon oo hadda ka soo baxaya, “Arrintaasi dareemo badan bay soo
xoojinaysaa oo weliba ay u badan yihiin sida wararku nagu soo
gaadhayaan oo leh Madaxtooyada ayaa arrintaa ka dambaysay oo soo
dhaqaajisay. Mudda gaaban gudaheed intii shirkii UDUB ka dambaysay
waxa UDUB ka soo baxay codod aynaan hore u maqli jirin oo ku saabsan
wax la qabsashada koonfur, waxaad moodaa xukuumadda iminka joogta
iyo UDUB inay aad u soo dhaweynayaa ninka loo cummaamaday Koonfurta
Soomaaliya, weli intii la doortay ninkaasi wax uu ka beddelay
siyaasadda Somaliland iyo meel uu arrinta Somaliland kaga hadlay
halka uu ka taagan yahay maynu arag, markaa wax uu kaga duwan yahay
kuwii hore ma hayno ee haddii xukuumaddu hayso ha inoo sheegto.”
Bal u fiirso UDUB in allaale iyo intii UDUB bud-dhigga u ahayd ee
soo saartay doorashadii hore way ka maqan tahay, nin doorasho
doonayaa dadkiisa codka u haya ma kala diro, ka soo bilow bilowdo
Cabdi Aw Daahir, Gees, Axmed Yuusuf Ducaale, Darawal, Ismaaciil-yare,
Duur, Aadan Tarabi iyo rag kale waa ilaa dhawr iyo labaatan nin oo
ah intii soo saartay UDUB, waa la isqaban karaa oo xisbi walba rag
baa ka dareera, laakiin miisaanka intaa leeg inuu ka dareero ee
iminkana khalkhal la geliyo Guurtida miyaan la odhan Karin timirba
laf baa ku jirta.”
Ugu dambeyn, waxa uu u soo jeediyey mudanayaasha Guurtida inay ka
digtoonaadaan beddelaad ay xilligan ku sameeyaan Shirguddoonka, isla
markaana ay ka fiirsadaan ololaha laga dhex wado, “Waxaannu soo
jeedinaynaa Guurtidu haddii ay Shirguddoonkeeda beddelayso ha sugto
inta doorashada Madaxtooyadu dhammaanayso, ha noqoto sida xeerku
ahaa ee loo dhisay halka hadhow muranka kala saaraysa. Odayaasha
Guurtidana waxaan leeyahay haddii ay ka hoostay, haddii loo soo
dhiibayba iyo hadday meel soke ka eegeen dib ha uga fiirsadaan,”
ayuu hadalkiisa ku soo gunaanaday Muuse Biixi.
Jamhuuriya Online
|