KULMIYE oo Jawaab Kulul iyo Hanjabaad ka Bixiyey Eedaymaha UDUB ku Xidhiidhiyey Al-shabaab

 


“Arrintaasi mid aanu sidaa kaga hadhayno maaha, sharciga ayaanuna la  tiigsanay naa ee waa inay Cismaan Hindi iyo dawladda Rayaale soo caddeeyaan ama degdeg masuuliyadeeda u qaadaan”



“Waxa la yaab leh maanta iyadoo warkii ugu dambeeyey inoo yimi oo… doorashadiina si dhakhso ah loo qorshaynayo, lagana soo gudbay khilaafaadkii in dib la innoogu celiyo”


Waraysi khaas ah – Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE


Hargeysa (Timacade News)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa caddeeyey in aan xisbigiisu ka hadhi doonin, isla markaana hay’adaha sharciga u gudbin doono caddaynta eedaymo  cu lus oo xisbul-xaakimka UDUB xubno ka tirsan KULMIYE ku xidhiidhiyey inay  gacansa ar la leeyihiin kooxaha Al-shabaab iyo xisbul-islaam.

Axmed-siilaanyo oo Jamhuuriya khadka telefoonka xalay cawayskii ku waydiiyey  s ida uu u arko eedaymo miisaan leh oo Guddoomiyaha Ololaha Doorashooyinka UDUB u xambaariyey hogganka sare ee KULMIYE oo uu ku shaabbadeeyey Al-shabaab, ayaa eedaymahaas ku tilmaamay wax la yaab leh oo uu aad uga xumaaday, waxa annu hoosta ka xarriiqay in xisbigisu degdeg uga tashan doono, tallaabo kasta oo sharci ahna u marayo caddaynta arrintaas.

Guddoomiyaha KULMIYE waxa uu eedaymahaas ku sheegay xajiin iyo xaalad-abuur aan xikmad siyaasadeed iyo xaqiiqo ku salaysnayn oo xukuumadda Madaxweyne Rayaale iyo xisbigeeda UDUB ku damacsan yihiin inay waxqabad-darradooda iyo ceebahooda ku dambabasaan, isla markaana ku fashiliyaan doorashada  Madaxtoo yada oo uu xusay inay quus ka taagan yihiin taageeradii shacabka. Sidaa awgeed, waxa uu xisbiga UDUB ka dalbaday caddaynta dambiga culus ee u KULMIYE ugu nisbeeyey kooxaha argagixisada.

“Horta waa mid layaab leh, aad iyo aad ayaanan uga xumahay in waxaas oo kale  d ad xil qaranka u haya oo masuuliyiin sheeganayaa ku hadlaan. Waxa qudha ee xeer iyo dhaqanba inoo ah ee aynu meel ka wada taaganahay haddii aynu reer  Somalila nd nahay, axsaabta, shacabka, culimaa’udiinka iyo qaranka oo dhan in wixii  dumin aya dalkeena iyo khataraha ku soo fool leh aynu meel ka wada taagnayn.

Xuskii qaraxyadii la inagu soo weeraray ee Madaxtooyada iyo goobaha kale lala  be egsaday ciddii dhegta ugu riday ee u tagtay Madaxweynaha waxay ahaayeen  ani ga iyo Faysal Cali-waraabe, waana in waxyaabaha qaranimadeena waxyeelaya  me el looga soo wada jeesto. Maanta in dawladdii markii ay quus noqotay ee  xaalkee da aragtay in ummaddii ka soo jeedo ee doorashadii soo dhawaatay ee ay dhinac walba ku fashilmeen, waxna ka qabanwaayeen horumarkii iyo ictiraafkii toona ee dalka gudihiisa iyo dibadiisaba waxba qabanwaayeen in xaalkoodu noqdo inay  micii nsadaan inay mucaaradka ku ceebeeyaan waxay ku xidhan yihiin Al-qaacida, waa ayaan-darro aad iyo aad u wayn. Arrintaasina mid aanu sidaa kaga hadhayno maaha, waanu ka tashanaynaa, sharciga ayaanuna la tiigsanaynaa, waa inay Cismaan Hindi iyo dawladda Rayaale soo caddeeyaan ama degdeg masuuliyadeeda iyo xilkeeda u qaadaan,” ayuu yidhi Guddoomiyaha KULMIYE.

Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu sheegay in eedayntaas loo soo jeediyey tahay mid aanay waxba ka jirin ee xisbigooda iyo qaranka lagu ceebaynayo, isla markaana ay caddaynayso fashilaada iyo maamul-xumada xukuumadda talada haysa.

Isagoo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Ta labaad aad baanu uga xunahay arrintaasi, wax alla wax ka jiraana ma jiraan, umadda iyo dalkana cid nooga  daaca dsani ma jirto, xisbi dhan madaxdiisa, masuuliyiintisa, taageerayaashii iyo  qaranim adiisa in wax loo dhimo maaha oo qaranka la ceebeeyo, anagu odhanmayno  xisbig aasi waa khaayin, laakiin wxaanu leenahay ninka waxaa ku dhaqamya iyo dawladda waxaas doonaysa inay ka faa’iidaysato ayey khashifaad ku tahay itaalkeeda, maamul-xumadeeda iyo qanaacadii ummaddu ka taagnayd oo ay muujinaysaa.”

Md. Siilaanyo oo la waydiiyey waxa uu kaga jawaabayo eedayn kale oo  Guddoom iyaha Ololaha Doorashooyinka UDUB ugu jeediyey xisbiga KULMIYE inuu doonayo in aan doorasho dalka ka dhicin, Somaliland waxba noqon, waxa uu kaga jawaabay, “Arrimahaas oo dhami waa beeno la darsay oo inagu soo biiray, waxa la yaab leh maanta iyadoo warkii ugu dambeeyey inoo yimi oo aynu ognahay in komishankii doorashooyinku baxay oo ay deeqbixiyayaashii is arkeen, doorashadiina si dhakhso ah loo qorshaynayo, lagana soo gudbay khilaafaadkii, waxa maanta dib inoogu celiya doodaheenii iyo siyaasadaheenii halkii ay soo mareen wax la yaab leh weeye, laakiin waxa la yidhi fiintu roobka soo socda ayey ka sii oydaa, markaa waxa ii muuqata in xukuumaddu werwer iyo baqdin ka qabto doorashada soo socota iyo waxa ay ku ajburayso in lagu noqdo. Waxaannu daafacaynay waa diiwaangelintii iyo doorashadii, waxaannu doonaynaa waa qaranimadii iyo xornimadii.”

“Haddii doorashooyinkii dib-u-dhaceen, haddii wax badan la soo dhaafay, haddii  khi laafaadkii iyo wixii dalka ka dhacay cidda qudha ee masuulka ka ahayd ee xukunka haysay ee dhibaatada xabsiga iyo dilka u gaysatay shacabka ee musuqmaasuqa, tuugada, dhaca iyo boobka ku waday dalku waxay ahaayeen maamulka maanta jira iyo xisbiga UDUB, waana wax shacabku ka warqabo ee dib ugu noqoshadeedu  wax ba tarimayso.

Annagu waxaannu leenahay aynu hore u tallaabsano, dagaal waa gelin dambee  w ax iska celiya ayaanu leenahay UDUB intaad dib ugu noqonaysaan waxaad idinku baabiiseen ee dal iyo dad aad dib u dhigteen oo dhinacna u jihayn waydeen,” ayuu yidhi Axmed-siilaanyo.


 




Source: Jamhuuriya Online