KULMIYE oo Ballan ku Qaaday in aanay ka Hadhayn Cid Kastoo Hanti Qaranku Leeyahay Boobtay

 


 

KULMIYE wuxuu daris-wanaag iyo xidhiidh dhow la yeelanayaa dalalka jaarka ah ee Djibouti iyo Ethiopia ….. KULMIYE wuxuu ogyahay in shacbiga Djibouti yihiin kuwii ka qaybqaatay ee naf iyo maalba u huray halgankii dalka lagu xoraynayey ee, iyadoo Ethiopia-yana ahayd hoygii halganka” Muuse Biixi Cabdi – Shir-jaraa’id

Hargeysa (TNN)- Xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE, ayaa ballan ku qaaday in aanay ka hadhi doonin, isla markaana tallaabo adag ka qaadi doonaan cid kastoo boobtay hanti qaranku leeyahay, haddii uu doorashada soo socota ku guuleysto talada dalka.

Ku-simaha Guddoomiyaha, ahna Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa shir-jaraa’id oo uu shalay ku qabtay xarunta xisbiga ee magaalada Hargeysa, waxa uu tafaasiil kaga bixiyey guulaha iyo dhibaatooyinka Somaliland iyo qorshayaasha xisbigiisu hiigsanayo sannadka maanta curtay ee 2010-ka.

Qoraal saddex bog ka kooban oo Muj. Biixi shirkaa jaraa’id ka akhriyey, kuna soo bandhigay raadadkii sannadkii dhammaaday ee 2009 kaga tageen Somaliland iyo rajooyinka xisbiga KULMIYE higsanayo sannadka cusub ee 2010-kia, waxa uu u qornaa sidan;

“Sannad walba waxa lagu xasuustaa guulihiisa iyo dhibaatooyinkiisa. Sannadkii 2009, guulihiisa waxa ka mid ahaa:

Guulihii sannadka 2009.

Ø Nabadgelyo guud oo dalka ka jirtay, iyadoo Geeska Afrika dagaallo badani ka socdaan.

Ø Dhoofkii xoolaha wakhtigii Xajka oo ahayd fursad wacan, walow aan si rasmi ah loo furin.

Ø Arday badan oo ka qallin-jebisay jaamacadaha kala duwan ee dalka JSL, inkastoo aanay badankoodu shaqo helin.

Ø Budhcad-badeed Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland ka qabteen badda.

Ø Wufuud kala duwan oo dalka soo booqatay.

Ø Ganacsiga xorta ah oo tallaabooyin horumar ah qaaday.

Dhibaartooyinkii 2009-ka waxa ka mid ahaa:

Ø Dagaallada koonfurta Soomaaliya ka socda oo saamayn xun ku yeeshay hab-sami-u-socodka hawlaha dhaqaale iyo horumarineed ee Somaliland. Reer Somaliland waxay aad uga werwersan yihiin in dagaallada koonfurta Soomaaliya ee firidhkoodu soo gaadho, waa cabsi joogta ah oo hantaaqaysa maamul-wanaaggii, horumarkii dhaqaale iyo kalsoonidii bulshadu wax badan ku qabsan lahayd.

Ø Shirqoolkii cadowga Somaliland soo maleegay ee lagu dilay taliyihii qaybta bariga ee magaalada Laascaanood.

Ø Waa sannadkii ugu dhimashada badnaa dhallinyarada tahriibta ee Somaliland. Waa nasiib-darro in aynaan weli u helin xal ay dhallinyaradu kaga negaato is-miidaaminta.

Ø Doorashadii Madaxtooyada, tii Guurtida iyo tii deegaanka oo dhammaantood muddo-dhaafay. Arrintaas oo keentay khilaaf siyaasadeed oo dalka gilgilay. Waxa iska horyimi xisbiyada mucaaridka ah iyo xukuumadda, dhinaca kalena waxa iska horyimi Golayaasha sharci-dejinta iyo xukuumadda.

Ø Mudaharaadyo lagu diidan yahay muddo-dhaafka oo dalka ka dhacay. Xukuumadda oo mudaharaadyada ku dishay, ku dhaawacday, kuna xidh-xidhay muwaadiniin badan.

Ø Rasaastii ciidanka boolisku ku fureen Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Axmed Maxamed Siilaanyo oo aan xukuumaddu wax tallaabo ah ka qaadin.

Ø Sannadkii 2009 xisbiga KULMIYE waxa soo maray shilal naxdin leh oo keenay dhimasho iyo dhaawac.

Ø Waa sannadkii ugu horreeyey ee Somaliland taladeeda ku filnaan wayday ee dibedda laga soo fara-geliyey.

Ø Sannadkii 2009, inkastoo hantidii ma-guurtada ahayd ee qaranka xukuumaddu xaraashtay, inkasta oo dhaqaale xoog leh ka soo galay dhoofkii xoolaha, inkasta oo cashuuro wasaaraddu ku kordhisay sifo sharciga baalmarsan, haddana, dhaqaalaha dalku muu samayn horumar, mushaharooyinkii lama kordhin, mashaariic horumarin ah lama samayn, shaqo la’aantii lama yarayn, dhallinyarada garoomo ay ku cayaaraan looma kordhin, kuwii horena lama dayactirin, adeeggii caafimaad horumar lagama samayn, biyo-yaraantii lagama hawlgelin, xataa biriishkii Hargeysa ee qabyada ahaa waxba laguma kordhin oo waa halkiisii.

Rajada uu xisbiga KULMIYE qabo sannadka soo socda ee 2010-ka:

Xisbiga KULMIYE isagoo dareensan dhibaatooyinka guud ahaan ka jira caalamka oo ay ka mid yihiin dib-u-dhac dhaqaale, cimilada oo isbeddeshay, nabadgalyo xumo ku baahaysa caalamka iyo colaadaha ka aloosan Geeska Africa.

Iyadoo ay jiraan waliba duruufaha adag ee Somaliland u gaarka ah, haddana sidaasoo ay tahay xsbiga KULMIYE wuxuu sadaalinayaa isbeddel khayr leh oo ku yimaad dalka 2010-ka.

KULMIYE wuxuu naawilayaa in sannadka 2010-ka ay Somaliland ka samayso horumar dhinacyada nabadgalyada, siyaasadda iyo dhaqaalaha.

KULMIYE wuxuu aaminsan yahay inay Somaliland horumar samayn karto haddii aynu helno talo hufan daacad ah oo dalka lagu hoggaamiyo, waxa hubaal ah in dhaqaalaha dalku haddii laga xakameeyo musuqa, si wanaagsana loo qorsheeyo in shaqaalaha iyo ciidamada mushahar ku filan la siin karo iyo in da’yarta shaqooyin loo abuuri karo.

Waxa hubaal ah in dadka reer Somaliland ay ku jiraan dad karti, aqoon iyo hibo u leh curinta qorshe dhaqaale iyo hufnaanta maamulka. Tusaale waxa innoogu filan shirkadaha gaarka ah ee Somaliland oo sameeyey dhaqaale iyo maamul ku dayasho leh.

Xisbiga KULMIYE wuxuu u arkaa haddii la helo talo laga wada qaybgalo oo la abuuro is-aamin bulsho (Social thrust) in la gaadhi karo horumar.

Sida ku cad daraasadaha UN-ka shacbiga Somaliland 54% waa dhallinyaro da’doodu tahay ilaa 20 jir, 5% ayaa ka weyn 65 jir, dhinaca kale 51% waa haween, 70% waa reer miyi. Xisbiga KULMIYE wuxuu u arkaa in talada dalka marka la qorshaynayo lagu saleeyo qaybaha kala duwan ee bulshada iyo baahiyahooda kala duwan.

Xisbiga KULMIYE wuxuu u han weyn yahay in sannadkan 2010 bilaha u horreeya ay inoo qabsoonto doorasho xor ah, xalaal ah oo nabadgelyo innoogu dhacda. KULMIYE wuxuu galayaa tartan, isagoo soo bandhigaya barnaamij dhammaystiran, dhinac nabadgelyo, horumar iyo ictiraaf-raadin ah. Xisbiga KULMIYE wuxuu daris-wanaag iyo xidhiidh dhow la yeelanayaa dalalka jaarka ah oo ay ugu horreeyaan Djibouti iyo Ethiopia oo aynu labadaba la leenahay xuduud dhulka ah.

Xisbiga KULMIYE, wuxuu ogyahay in shacbiga Djibouti yihiin kuwii ka qaybqaatay halgankii dalka lagu xoraynaayey ee SNM ee naf iyo maalba u huray, iyadoo Ethiopia-yana ahayd hoygii halganka SNM.

Xisbiga KULMIYE barnaamijkiisa waxa udub-dhexaad u ah talo-wadaag. Xisbiga KULMIYE wuxuu wada-shaqayn dhow la yeelanayaa hay’adaha qaranka, qaybaha bulshada ee kala ah, Culimada, madax-dhaqameedka, ganacsatada, ururrada xirfadlayda ah (Professional associations), warbaahinta, suugaanyahanka, haweenka, dhallinyarada iyo xisbiyada siyaasiga ah.”

Ugu dambeyn, Muuse Biixi Cabdi waxa uu shacabka Somaliland ugu baaqay inay hoggaanka dalka u doortaan Guddoomiyaha KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo uu ku tilmaamay hayin siyaasadeed iyo hoggaamiye waayo-arag ah oo dalka ka saari kara marxaladda adag ee maanta Somaliland ku sugan tahay.

Mujaahid Muuse Biixi oo ay hareeraha ka fadhiyeen Dr. Maxamed Cabdi Gabboose, Maxamed Cabdi Iskeerse, Baashe Cabdi Gabboobe iyo masuuliyiin kale oo xisbiga ka tirsan, waxa uu intaa kadib mid-mid uga jawaabay su’aalo kala duwan oo warfidiyeennadu weydiiyeen, kuwaas oo qaarkood si gaar ah ugu jihaysnaayeen hab-dhaqanka shaqsi ee Muuse Biixi.

Su’aalihii la weydiiyey iyo jawaabihii Guddoomiye-ku-xigeenka KULMIYE ka bixiyey oo ahaa kuwo aad u xiiso badan, isla markaana dhinacyo kala duwan taabanayey waxay u dhaceen sidan:-

Su’aal: Waxaad sheegtay in sannadka 2009 noqday kii ugu horreeyey ee shisheeye soo faro-geliyo arrimaha gudaha Somaliland, miyaan la odhan karin arrintaas waxa keenay macangagnimada hoggaamiyeyaasha Somaliland oo damacooda siyaasiga ah khatar geliyey jiritaanka qaranka?

Jawaab: Waxa la yaab leh ninka laba qof oo isula tagay inta uu dhegaystay waxa ay ku murmayeen yidhi idin kala garanmaayo, taa waxa la mid ah qoladan warbaahinta ee leh miyaanay nasiib-darro ahayn murankii siyaasadeed ee hoggaamiyayaasha Somaliland dhexmaray in dibada laga soo farogeliyo. Wixii ay isku qabteen mucaaradka iyo xukuumaddu wixii ay ku doodayeen idinka ayaa warbaahin ahaan u xogogaal ahaaa, shacabkuna wuu maqlayey, haddii aad garqaadi lahaydeen oo odhan lahaydeen kulmiyow idinka ayaa gardaran, xukuumaddana aad u sheegi lahaydeen haddii ay khaladka leedahay, nasiib-darrada dhacday waxay ahayd markii aannu laba sanno murmaynay ee la waayey cid tidhaa adiga ayaa gardaran ee jog oo aad idinku (warbaahinta) ugu horraysaan. Intaas oo guddi ayaa la saaray oo ay waxba ka soconwaayeen, markaa haddii ay inoo soo gurmadeen waddamada jaarku oo adduunku ina soo farogeliyey, waayo adduunku ma oggola in meel dhibaato ka dhacdo, ceebtaana waxa leh cidii na kala saariwayday.

Su’aal: Xisbi ahaan maxaa idiinka meel yaal hantida ummadda ee aad carrabka ku dhufatay in la boobay, haddii aad talada dalka ku guulaysataan?

J: Haddii aanu nahay xisbiga KULMIYE barmaamujkayaga siyaasadeed laba qodob oo cusub ayaa ku jira, midi waa in aannu samayno Guddiga la dagaalanka musuqmaasuqa, waxaannu ballanqaadanynaa haddii aannu talada ku guulaysano iyo haddii kaleba in aannu dabataagnaano ninkii dhacay hanti ummadda Somaliland leedahay. Qodobka kale waxa weeye Guddi kantaroola waxa ummadda la siinayo sida raashinka, tacliinta, dawada iyo wax kasta oo dalka soo gala.

Su’aal: Guddoomiye doorashadii Madaxtooyadu waxay u xanniban tahay kala shaandhaynta diiwaangelinta oo weli laga shaqaynayo, haddii ay timaado inay mar kale doorashadu dib u dhacdo, maxaa idiinka meelyaala?

Jawaab: KULMIYE waxa noo meel yaala mar walba in aannu raadino isbeddel dalkan dhibaatada uu ku jiro ka saara, innaga oo siduu yahay uga darayn, waxaannu ku dadaalaynaa in aynu caqligeena isku wadageyno oo nin qori dab ah sidaa dalkan inaga gubin ee aynu inaga oo nabadqabna si nabadgelyo ah talada dalka cidii shacabku doorto ku wareejino.

Su’aal: Md. Muuse Biixi waxa lagugu tilmaamaa hab-dhaqanka saxaafadda ninka ugu adadag, sannad cusub ayaa ku curanaya, adiga Muusow sannadkan cusub wax ma iska kaa beddelayaan?

Jawaab: Waad mahadsan tahay, haddii hab-dhaqanka aad sheegaysaa yahay nimankiinaa dhallinyarada ah ee aannu aabayaashood isku da’a nahay ee bahalka (qalabka warbaahinta) yar sita, saacadda aan doono ee aan ku arko cajalada aan buuxsado ee ii hadal oo aan idhaa iga daa hadal ma hayee, haddii aad taa inagu qoonsanayso maya ee waxba iska kay beddelimaayaan. Ta kale nimankii waaweynaa ee saxaafadda ee inaga caban lahaa halkan ma joogaan, waayo markii aynu dalka soo galnay ee aan qalqallafsanaa nimankaas ayaanu isa soo marnay, iyagaa isoo rifay oo soo edbiyey ee bal iyaga soo waraystay.



Source: Jamhuuriya Online