KULMIYE iyo UDUB oo Markii u Horreysay Isku Waafaqay Qaabka Loo Marayo Beddelka Komishanka Doorashooyinka

 

Xisbiga mucaridka ah ee UCID ka arragti duwan labada xisbi ee kale iyo go’aan la fliyo maanta laga gaadho arrinta Komishanka

Hargeysa (Longlivesomaliland News)- Saddexda xisbi qaran ee somaliland, ay aa la sheegay inay isla meeldhigiwaayeen qaabka uu noqonayo beddelka  xusb naha Guddi Doorashooyinka Qaranka hadda shaqeeya oo ay marka hore isku waafaqeen in la beddelo.

Kulamo uu weftiga ka socda dawladda Itoobiya ee dalka ku sugan la kala  yee shay shalay labada xisbi mucaarad ee KULMIYE iyo UCID iyo xisbiga talada haya ee UDUB oo lagaga wadahadlayey qadiyada Komishanka Dorashooyinka oo bar bilow u ah hirgelinta qoddobada heshiiska beesha caalamku ka soo afjareen  kh ilaafkii siyaasadeed ee ka taagnaa Somaliland, ayaa sida ilo xogogaal ahi  Jamh uuriya u xaqiijiyeen labada xisbi ee UDUB iyo KULMIYE waxa ay markii ugu  horr eysay isku aragti ka noqdeen qaabka loo marayo hawshaas, iyaga oo isku  raa cay in la wada beddelo dhammaan toddobada xubnood ee Komishanka  Doora shooyinka, balse xisbiga UCID ayaa isagu soo bandhigay fikrad taas ka duwan oo uu ku dalbaday in la beddelo oo keliya afartii xubnood ee saxeexay go’aankii laalista diiwaangelinta codbixiyayaasha, maadaama aanay la wadaagin  kalso oni-darrada keentay in la beddelo Komishanka Doorashooyinka.

Kulamada weftiga Itoobiyaanka iyo xisbiyadu ka yeesheen beddelka  Komishan ka oo ka dhacay huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, ayaa sida  warar ku sheegeen aan si buuxda la isugu raacin labadaas fikradood midkoodna, bal se waxa loo ballamay kulamo kale oo lagaga arrinsado in qaab la isku wada raacsan yahay loo beddelo xubnaha Komishanka, waxaana qorshuhu yahay in go’aan midaysan laga qaato arrintaasi ilaa maanta.

Arrinta Komishanka Doorashooyinka Qaranku, waxa uu qayb ka ahaa heshiiskii lixda qodob ka koobnaa ee beesha caalamku ku soo afjartay khilaafkii  siyaasa deed ee Somaliland hadheeyey, kaasi oo maalintii Arbacada lagu saxeexay xarrunta madaxtooyada.




Source:Jamhuuriya Online