Kullan Xiiso Leh oo iskugu jirey Safar Dalxiis iyo
Kulan Ciyaareed
 

 

Berbera (TNN)-Kullan Xiiso Leh oo iskugu jirey Safar Dalxiis iyo Kulan Ciyaareed oo Dhexmarey Kooxda  Jaamac ada Lucy iyo KooxdaBerbera ayaa maalintii shalay ahayd ka dhacay Xarunta Gobolka Saaxil Ee Berbera.Kullankani Oo Ahaa mid iskujirey safar dalxiis iyo mid ciyaareed oo ay wada qaadanaayeen labadaa kooxood ayaa waxaa uu udhacey jawi fiican.Kooxdan Oo Hore Loo Odhan jirey Old Star oo Ay Ku Jiraan Ciyaartoy Caana ayaa Maamulka Jaamacadda Lucy Waxay Ku Maamuuseen Ineey Magaca Jaamacadda Lucy Ku Ciyaaraan. Ku CiyaaraanSubaxnimadii  Ma alintii Jimcihii ayaa Waxaa Caasimada Dalka Ee Hargeysa Ka Jarmaadey Kooxda Jaamacada Lucy oo Uu hogaaminaayey Madaxa Xafiiska Xisaabadka Ee Jaamacadda Lucy Mr.Maxamed Xuseen Jaamac,Socod Dheer Oo Muddo Dhawr Sacadooda ah Qaatay Kadib Waxaa Ay Gaadheen Xarunta Gobolka Saaxai Ee Berbera.Nasasho iyo Dalxiis Kadib waxaa Ciyaar Xiiso Badani Ku Dhexmartay Labaadaa Kooxod Ee Kalla Matalaayey Jaamacada Lucy Oo Kutaala Caasimada Dalka Ee Hargeysa Iyo Kooxda Berbera.


waxa halkaasi ciyaar aad u xiiso badani ku dhex martay laba kooxood oo ka kala socday, Kooxda Jaamacadda Lucy Oo Hargeisa ah iyo Koox Berbera ah,Kulankaas oo galinkii danbe ee jimcihi   2/04/2010, 5:00pm ka dhacay garoonka way nee magaalada Berbera, waxay ciyaartaasi ku bila abmatay jawi aad u wacan Halfkii hore ee ciyaarta ayaa waxa Kooxda Jaamacada Lucy u suurto gashay in ay laba gool ku hubsadaan shabaka kooxdaBerberawaxaana labadaa gool u kala  dhaliy ay Kooxda Jaamacadda Lucy Samiir oo goolkii hore u saxeexay, halka ka labaadna uu u isna u saxiixay Kooxda Jaamacadda Lucy , Iid Jibriil.


Half kii danbe markii la isku soo laabtay Kooxda ku ciyaaraysay Berbera ayaa waxay la soo  gale en dardar intii hore ka badan, waxayna isku dayeen in ay shabaga kooxda ka socotay Jaamacada Lucy Ee hargiesa mar uun taabsiiyaan balse uma aysan suurto galin in ay wax gool ah ka  dhaliy aan, gabagabadii ciyaarta ayaa waxa kooxda Jaamacada Lucy  u suurto gashay in ay goalkii sadexaad ka dhaliyaan kooxda berbera, halkaasina waxay ciyaartii guusha ku raacday Kooxda ka socotay Jaamacada Lucy Oo Hargeysa Ahaa oo Kooxdii Barbara kaga adkaatay 3 iyo 0.



Axmed Maxamed Shaqalle
Shaqalle02@gmail.com
Hargeysa Somaliland