Kulankii Xisbiga UCID Iyo Jaaliyadda Somaliland Ee Birmingham UK

 

Waxaa Maanta Sabti ahayd taariikhdu ahayd 07/03/09 ka dhacay Birmingham shir si heer sareeysa loo soo agaasimay kana soo qayb galeen dadweyne tiro badan , Shirkan waxaa marti ku ahaa Hogaanka sare ee Xisbiga Qaranka ee Ucid oo ay ka mid ahayeen Gudoomiyaha Xisbiga ahna Murashaxa madaxweynihiisa Eng Faysal Cali Waraabe, Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Abdilahi (Ciro), Gudoomiye ku Xigeenka 1aad ee Xisbiga Ucid Mudane Adan Mire Waqaf, Murashaxa Madaxweyne/K/Xigeenka Xisbiga Mudane Dr Maxamed Rashiid Sh, Xasan iyo Madax kale oo xisbiga ka tirsan ,Waxaa kaloo shirka ka soo qayb galay xubno kamida Tageerayaasha 2Xisbi Qaran ee Kulmiye Iyo Udub .

Xaflad ay ku kulmeen Madaxda Xisbiga Ucid Iyo Jaaliyada Ku dhaqan Birmingham Qadar yar oo isbarasho ahaa ka dib waxaa daadiyaha shirka Dr, Cabdiqaadir Keyse Macaleesh ku soo dhaweeyey Weftiga Birmingham waxaana Gudoomiyaha shirka Dr,Cabdiqaadir Uu codbaahiyaha ku soo dhoweeyay Mudane Aabi oo ka mida odayaasha magaalada oo shirka ku furay ayaado Quraana Iyo Waano iyo hadalo maada oo aad ugu qosliyey dadweynihii madashaa ku sugnaa una soo jeediyey dadweynaha Iyo Madaxda Xisbiga Ucid Gaar ahaan Gudoomiyaha Barlamaanka ,isagoo sheegay inay shicibku u baahanyihiin in waxqabad dhaba loo qabto dhinackasta Wuxuuna xusuusiyey in Gudoomiyaha Barlamaanka oo ka soo jeeda xisbiga Ucid uu ku yimi isbahaysigii ay la sameeyeen Xisbigiisu Xisbiga Kulmiye oo uu ku soo baxay Gudoomiyaha Barlamaanku sidaa daradeed Arimahu ay maanta adagyihiin hadana loona baahanyahay ayuu Yidhi in Xisbiga Ucid ku noqdo Xisbigii kale(Kulmiye) ee Mucaaradka ahaa lana tashado wax go,ana ay Somaliland u keenaan .

Intaa ka dib Waxaa Gudoomiyaha Shirka Dr, Cabdiqadir Keyse Macaleesh uu ku soo dhaweeyey Gudoomiyaha Ucid ee Birmingham Mudane Wacays Axmed oo halkaa hadalo muhiima ka jeediyey kuna soo dhoweyeeyey waftiga Birmingham,isagoo Gudoomiyuhu aad ugu mahadnaqay Jaaliyadda Somaliland ee Birmingham sida ay u soo dhoweeyeen waftiga Xisbiga Ucid ee booqashada ugu yimi .


Intaa kadib waxaa lagu soo dhoweeyay Gudoomiyaha Xisbiga Ucid ee UK Ibraahim Maxamed Axmed (Ibraahim Rashiid) isagoo Gudoomiyuhu mahad u jeediyey dadweynaha xaflada ka soo qaybgalay iyo intii soo qabanqaabiseyba wuxuuna sheegay in ay booqashadooda ay u soo gaabiyeen hawlaha ku soo kordhay wadankii ee dhinaca isbedelka waxaanu jeediyay warbixin gaaban nuxurkeeduna ahaa in dalku 3xisbi qaran leeyahay ,loona baahanyahay in la tageero Xisbiyada mucaaradka ah siiba dhinaca dhaqaalaha ,isagoo sheegay in xisbiga iminka jira la tijaabiyey lakiin uu yidhi waa in aad anaga na tijaabisaan, isagoo sheegay in wadankii u baahanyahay isbedel, gacanteena ayaanuu ku jiraa isbedeku ayuu yidhi ,dalkii cidna uma maqna ,ceelna uma qodna waxaanu ku soo gabagebeeyey Gudoomiyuhu in loo baahanyahay in la helo xukumad lagula xisaabtamo dalka.

Waxaa isna halkaa ka hadlay Gudoomiye ku xigeen 2aad Xisbiga Ucid, Md Ahmed Fagfagaash wuxuu sheegay in dadku ay warka hayaan oo aan war idinku seeganayn dalkii , isagoo sheegay in loo baahanyahay in lala xisaabtamo cid kasta oo masuuliyad la saaro ,waxaanu sheegay in qaxooti badan ay ku suganyihiin dalkeenii saameyn ay ku yesheen dhinac kasta loona baahanyahay in helo qorsho arimahaa lagu waajaho ,isagoo sheegay in loo baahanyahay in aan la ilaawin dadkii xasuuqa ka geystay Somaliland ee dalkan denbiga ka galay oo agteena maraya, waxuna sheegay in lala xisaabtamo cid kasta oo denbi ka gashay dalkan , loo baahanyahay ayuu yidhi in xisaabtan yimaado markasta .

Waxaa dabadeed Gudoomiyaha shirka Dr,C/qadir Keyse Macaleesh ku soo dhoweeyey G/Xigeenka Xisbiga Ucid Mudane Adan Mire Waqaf wuxu marka hore aad ugu mahadnaqay jaaaliyadda Somaliland Birmingham sidii diiranayd ee ay usoo dhoweeyeen iyo qiimaha aad na siiseen ayuu yidhi oo uu u mahadnaqay soo dhaweyntaa ”waxuuna runtii halkaa ka jeediyay Qudbad dheer aad u cajiiba oo dadkii madashaa joogay ay aad ula dhaceen isuguna jirtay hadal dardaaran ah iyo gubaabo oo uu dadka reer Somaliland gaar ahaan qurba jooga ujeediyey kuna booriyay inay midoobaan oo ka
shaqeeyaan danta ka dhexaysa, qofwalbana uu ku dadaalo sidii uga qayb qaadan lahaa horumarka wadankiisa, in la helo Maamul fiican oo kii yimaada wax ku sii daro, Cadaaladna lagu gaadhikaro kitaabka quraanka ilaahay soo dejiyey ,isagoo sheegay in Qabiil waxuu bixin karaa yahay oo keliya caaqil iyo suldaan , lakiin midnimo ayaa bixinkarta Madaxweyne , Qabiilkuna waka qayrkeen inaga reebay, G/Xigeenku hadalo badan oo qiimo leh ayuu ka jeediyey xafladaa.

Waxaa hadalkii lagu soo dhoweeyay Gudoomiyaha Barlamaanka Somaliland Mudane Maxamed Cabdilaahi Ciro wuxuu si kooban uga waramay Somaliland iyo halka uu maraayo iminka iyo in wadanku u baahanyahay Maamul fiican oo Mustaqbalka wadanka haga, waxaa kaloo uu ka warbixiyay Baarlamaanka Somaliland ee uu Gudoomiye u yahay iyo waxqabadkiisii iyo weliba Carqaladaha ka horyimi intii ay hawsha wadeen, isagoo sheegay in ay yihiin Barlamaankii u horeeyey ee UMaddu soo doorato ,ayna shaqeyeen lakiin carqalado la hordhigay Barlamaanka oo sharciyo badan lagu soo celiyey hadana ay sameeyeen ugu yaraan ilaa 12 Xeer oo dhaqan galay, .

Waxaa isna halkaa ka hadlay Murashaxa Madaxweyne K/Xigeenka ee Xisbiga Ucid Mudane Dr Maxamed Rashiid oo ka sheekeeyey Taariikhdii hore ee Somaliland ay soo martay iyo Mustaqbalka halka aynu higsanayno wuxuu sheegay in aynaan joogin halkii ay ahayd inaynu maanta joogno laakiin weli waxaan haysnaa fursad qaaliya oo loo baahanyay inaynu ka faa’idaysano qaladaadkii aynu galnay si aynu mustaqbal fiican u higsano.

Ugu danbayntii Waxaa hadalka lagu soo dhoweeyey Gudoomiyaha Xisbiga Ucid ahna Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Eng Faysal Cali Waraabe oo lagu soo dhoweeyay Sacab Iyo Mashxarad aad u badan.,Gudoomiyuhu Wuxuu si qoto dheer uga waramay Wadankii iyo xaaladiisa dhabta ah ee uu ku suganyahay maanta wuxuu dadkii xafladaa joogay ku booriyay in gacmaha ay is qabsadaan oo qof walba halkiisa Madaxweyne ka noqdo oo shaqadana lagu halayn qofkeliya , waxuu ka sheekeeyey Gudoomiyuhu
barnaamijka iyo wax qabadka Xisbigooda haddii ku guulaysataan xilka Hogaanka Somaliland,isagoo sheegay in ay dadku iska dhafaan Qabyaalada iyo Qaadka iskuna duubnadaan,isagoo sheegay in loo baahanyahay in dowlad wadaaga oo dalka ka saarta marxaladan jirta iminka . Waxaa halkaa su,aal ka jeediyey Eng Axmed Cali Caynaba oo ah Odayaasha Magaalada Birmingham oo weydiiyey Gudoomiyaha Barlaamaanka Madaama Doorashaddii lagu beegay ayuu yidhi 31May09 iyo waxii ka danbeeya ,lana ogyahay Xeebaha Somaliland ee Min Sanaag ilaa Seylac Cimiladooda Waqtigaas oo aanay suurtagal ahayn Doorashadu
xiligaa sida xaalku noqonaayo,,,,,

Jawaab ,Gudoomiyaha Barlamaanka oo ka jawaabay su,aasha Eng Axmed Cali Caynaba ayaa sheegay in Doorashadii hore 29March ay ku saleysnayd Cimiladda Dalka oo dhan lakiin ay u baahantahay xaaladuna tixgelinteeda intii aan soo maqnaana ayuu isbedelkani yimi , saaxafadana waan ku arkay kahadalka xaaaladan oo dadka degaanku ay ka hadlayaan waxaana loo baahanyahay ayuu yidhi in Xaaladani ay leedahay tixgelinteeda.

Waxaa iyaguna halkaa su,aalo weydiiyey weftiga Maxamed Xuseen Geele oo ka mid ahaa dadweynihii ka soo qaybgalay isagoo weydiiyey in ay halkan balanqaad ku sameeyaan Xisbiga Ucid in aydaan ka noqonayn Go,aanka in 6/04/09 aan dowlada jirtaa joogikarin oo la helo maamul kale oo bedela, isagoo sheegay haddii aad ka werwereegtaan in ay imanayso xantii la sheegayey ee ahayd waa SubStation . Gudoomiyaha Ucid ayaa sheegay inay amar tahay ee aanay Su,aal ahayn lakiin hala bedelee ayuu yidhi ma haysaa cidii aan ku bedeli lahayn ? . Intaa ka dib waxaa lagu soo dhaweeyey Xaflada Mudane Mubaarik Yusuf Cilmi(Bidhi) oo ah Wakiilka Ciyaaraha Somaliland iyo Tafatiraha Shabakada Ciyaaraha Togdheersport oo ku soo bandhigay halkaa qaarka mida Qalab uu leeyahay Xulka Qaranka Somaliland ay ku xardhantahay caalamada qaranka Somaliland oo igala shaqeeyey ayuu yidhi calamada Muwaadin Khaalid la yidhaahdo ,oo aad uu uga soo shaqeeyey qaybweyna ay ka qateen ayuu yidhi hawsha inteedii kale Ururo Somaliland ah Iyo Shirkada Dahabshiil , isagoo halkaa ka jeediyey warbixindheer oo ku saabsan xaalada Ciyaaraha Somaliland oo muddo dheer ku soo dhexjirey welina uu wado,isagoo sheegay in uu hayo Qalabkan oo ah mid qaaliya oo qiimo ugu fadhiya Qaranka Somaliland.

Shirkaas ayaa ahaa mid si qurux badan looga soo shaqeeyay qofkastana helayey fursad uu ku hadli karayey ujeedada hadalkiisuna ahayd mid kooban , waxaana si layaableh u daadihinaayay Mudane Cabdiqaadir Keyse Macaleesh oo ah Aqoonyahanka degan Birmingham.

Guud ahaan wuxuu ahaa shirkani mid ku dhacay jawi wanaagsan oo aan halkan lagu cabiri Karin oo soo jiitay dareenkii ka qaybgalayaasha waxaana ka muuqday ka soo qaybgalayaashii Dareen farxadeed oo ay u bogeen Xaflada loo qabtay Xisbiga Ucid .

By: Adan Yusuf Elmi ,  Birmingham UK