KULANKII KAAH HOTEL: Wejiga Runta ah ee KULMIYE
iyo Gabboose !!!!!!!

 


 

Waa maalin jimce ah, 2dii bisha April salaaddii casar kadib. Dhallinyaro aanu asxaab nahay ayaa ila soo hadlay, kuye waar Cabdishakuuroow ma KAAH HOTEL ayaad joogtaa? Yaabay, oo is weydiiyay waxan KAAH HOTEL ka jira. haddaan xasuustaydii dib u ceshay, waxaan xasuustay war maalmahan ba ay dhallinyaradu hadal haysay, oo ahaa beel dhallinyarteeda ku kulminaysa kulan ay ka soo qaybgalayaan madaxda xisbiga KULMIYE. Anigaa ilaaway ee kaadhkii ka qaybgalka waan arkay, waxaan se is weydiiyay hadalkan dadku sheegayaan iyo kaadhka waxa ku qorani isma lahee waa sidee? Dadku waxay  shee gayeen kulan beel dhallinyarteeda iyo madaxda xisbiga KULMIYE dhex maraya, kaadhka ka qaybgalkana waxaa ku qoran dad isbedeldoon ah iyo xisbiga KULMIYE oo ku kulmaya KAAH HOTEL.

Si kasta oo ay noqoto ba, anigu labada goor marna ma tageen. Waayo labada fikradood midna ma aaminsani. Isbedeldoon waan ahay, laakiin isbedelka aan doonayaa maaha in xukumada oo qudha la bedelo, ee waa in siyaasadeena oo dhan wax laga bedelo. Xaasha! Dembi qaran ayaan u arkaa in mabda’ayga iyo aragtidaydu ku salaysnaadan qabyaalad iyo qudhun. Qaaq qadhaadhaa oo fool xumaa!


Haddaan u daadago dulucda qoraalkayga, runtii Somaliland marka dusha laga eego  wax aad arkaysaa qaran jira oo dhisan oo weliba buuxiyay shuruudihii dawladnimada, laakiin markaad hoos u fiirisid waxaad ka daalacanaysaa qabyada iyo qudhunka siyaasadu ay sababtay. Waa dal dadkiisu daacad yahay oo waa kii Abwaan Hadraawi lahaa  “Bulshade enu waa duul, daacad iyo xishood badan” waa dad qaranimadu ka dhab tahay, qiiro dawladnimo na u dheer tahay, laakiin maxay kaaga taala waxaa helay siyaasiyiin danley ah. Siyaasigeenu mucaarid iyo muxafid ba waa danley, kursi jaceyl, afxumo, dantaada ka raac iyo qabyaaladayn ayaa u ah mabda’. Dadku iskuma jiree, inta xun ayaa badan. Way jiraan rag ilaahay caqli iyo iimaan labadaba siiyey, dadkuna way yaqaanaan, laakiin waa iska sabana aakhiroo wax ba lagama dhageysto. Beenta ayaa runta laga doorbidaa, duli ayaa daacad lagu doorsaday, af ku xooglaha ayaa laga jecel yahay aqoonyahanka. Siyaasi ma tihid hadaanad caytamayn, danaysanayn ama aanad qabyaaladaynayn. Alle ha inoo sikhree, waa xaalada aynu ku suganahay.



KULMIYE: MA WAXAAN KU MOODAY, MISE WAXAAD NOQOTAY !!


Kulmiye waa xisbi qaran oo la jecel yahay, rag badan oo culus ayaa ku jira, waxaa  tagee ra misaanka bulshadeena oo ah haweenka iyo dhallinyarada. Kuma taageeran reernimo ama qabyaalad. Garan maayo, waxan ku kelifay inuu qabyaalad tageero ku raadsado. Toloow ma waxaa dhab ah hadaladii Cismaan Hindi iyo Muj. Cali Guray ee ay ku  sheegaye en inuu KULMIYE yahay xisbi qabyaaladeed. Waa run siyaasada soomaaliyeed waa  cayn kan, laakiin miyaan laga korayn qabyaalada, maxaa dib inoo ceshay? Sowka KULMIYE  she egta inuu yahay xisbi dimuqraadiyadeed, hadduu talada dalka ku guulaysto, ma sidan buu bulshada ku maamulayaa? Haddii ba reernimo loogu ololaynayo, dabcan reernimo ayaa wax lagaga doonayaa, lagagana dooni doonaa.



GABBOOSE MID BAAN ODHANAYAA!



Uf qabiilka annaa leh,
Wuxuun baa ku addeegta,
Nin iskii kartidiisa,
Isku taagi karayn,
Una haysta ateero,
Ayaantu dembi gaysto.
Laga hoos galo eedda!

- ERGO, GAARRIYE
 

Gaboosoow, waxaad tahay aqoonyahan iyo siyaasi caan ah. Dalka taariikh ayaad ku leedahay, waad ogayd markaad xidhnaydeen sidii la idiinku mudaharaaday, beeshaada oo qudh ahi may mudaharaadayn ee ummadda Somaliland oo dhan baa u doodaysay sii dayntiina, imikana dad badan oo cid walba leh ayaa ku taageera. Waa ayaan darro adigoo u ololaynaya murashax madaxweyne, inaad adeegsato reerkaaga, haddaad hore u ahayd siyaasi qaran, maanta waxaad noqotay siyaasi reer u taagan ee barasho wanaagsan adeer! Waxaan aad uga xumahay in adiga oo kale aad san u fikirtid, waxaa lagugu yaqaanay odaynimo, aqoon iyo karti, laakiin aniga iyo dhallinyarta ila fikirka ahiba waanu ku baranay.



DHALLINYARTANA AAN LA DARDAARMO!



Ayid waad is xigtaaniyo,
Idinkaa isku reerriyo,
Aqligii lixdan kii,
Maanta iib gali maayo!
Sidaan aaminsanahayna,
Af kuu doono ha sheegtee,
Wuxuun baa ehel ii ah,
Dadka kaan af aqaano’ee
Si wax ii la arkaya’ee
Na midayso ujeeddo!

- ERGO, GAARRIYE



Saaxiibayaal, waxaynu nahay dhallinyar mustaqbal leh. Mustaqbalka wadankuna waa  in aga. Waad aragtiin aabayaasheen halkay ina dhigeen, waad aragtiin in talada  siyaasige enu qaranjab tahay, waanad og tihiin khiyaaliga iyo hirarka beenta ah ee bulshadeena lagu maaweelinaayo. Bal xisaabtamoo intaas oo dhan haddii laysku daro maxaa ku soo baxaya? Mustaqbal la’aan, faqri, jahli iyo aayo la’aanta dalkeena oo sii xoogaysata. Bal haddaba waa kuma qofka ay wax ka xumaanayaan? Waa adiga oo ah dhallinyar. Ninkan siyaasiga ahi wuu shaqeystay, cimrigiisiina wuu soo qaatay, dal iyo dad toona dan kama laha, caqli xumadooda baasaaboor iyo dal qalaad ayey ubadkoogii ku halaynayaan. Waa adiga qofka noloshiisa lagu ciyaarayaa, doqoneey dabkaa ba’a, adna waad u  sacabina ysaa. Maxaad uga cabaadaysaa shaqo la’aanta, musuqmaasuqa iyo caddaalad darrada, adigaa u ogolaaday oo firsad u siiyay. Is weydii goor maad u ogolaatay musuqmaasuqa? Markaad reernimo wax ku dooratay, qabyaaladna aad wax kaga doontay, ee aad weliba reernimo wax dalka u dan ahaa ku diiday. Ciil badanaa markaas ayaad weliba doonaysa in lagu aqoonsado, oo aad hesho mustaqbal wanaagsan, caddaalad iyo nolol aad u sareysa.



Dhallinyarooy, waad qardo-jeexdeen, dhib ayaad raaxo moodeen, habeen madow ayaad maalin cad u haysatiin, maxaa adigoo dhallinyaro ah, jecel inaad mustaqbal fiican heshid, nolosha macaankeegii kuu dhiman yahay, kugu soo celinaya anaa reer hebel ah iyo caqligii lixdankii? Dalka oo dhan adigoo sheegan kara, maxaa deegaan qudha kugu naanaabiyey? Maxaad adigoo dadkaaga ku dhexjira, iskaga soocaysaa?


 

 


Qalinkii: Cabdishakuur Cali Muxumed Cilmi

Kuuliyadda sharciga, Jaamacadda Hargeysa
awmuxumed@yahoo.com
4460167