Kulanka State-ka iyo Waftigii Madaxwayne Siilaanyo Hogaaminayay

 



kulankaasi uu Madaxwaynaha iyo weftigiisu la yeesheen Madaxda sar-sare ee State Departmen t-ka

Washington-DC (TNN)-Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed (Silaa nyo) Wuxu la Kulmay Madax sar-are oo State Department-ka ah, oo ay ka mid ahayd. Marwo magaceeda la yidhaahdo Wendy Sherwin oo ah sarkaalada ku xigta Wasiirka Arrimaha Dibada ee Maraykanka Mr. Kerry.


kulankaasi uu Madaxwaynaha iyo weftigiisu la yeesheen Madaxda sar-sare ee State Departmen t-ka ayaa madaxweynuhu ugu horayn Waxa uu kala hadlay dawlada Maraykanka sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka labada waddan, khaasatan dhinaca nabad-gelyada waxaanu waydiiyay mar had ii dawlada Maraykanku ay aqoonsatay Somaliya, inay arrintaasi wax saamayn ah Ku leedahay xidhiidhka labada waddan ee Somaliland Iyo USA? Iyo in dawlada Maraykanku ay Somaliland ka caawiso sidii Somaliland uga heli lahayd xubin sharafeed ururada IGAD, AU, UN Iyo Kuwa kaleba.


Dawlada Maraykanka oo ay u hadlayeen Marwo Shermin Iyo Mudane Don Yamamto oo ah mad axa qaybta Africa, waxay waftiga madaxwaynaha u xajiiyeen in xidhiidhka Somaliland iyo USA aan wax isbedel ah aanay Ku keeni doonin aqoonsiga ay USA aqoonsatay Somalia. Waxay kaloo waftiga ay u sheegeen inay diyaar la yihiin heshiis dhinaca nabad-gelyada ah oo cusub, kaas oo ay Somaliland diyaar ula yihiin ka maraykan ahaan. Kaas oo wakhtiga dhow la suurto gelin-doo no.


Waxay kale oo Marwo Shermin ay u sheegtay waftiga in Maraykanku ka caawin doono Somalilan d doorashada soo socota Iyo waliba caawimadii sannadlaha ahayd ee ay hore u bixin jireen oo ay Kor u Qaadi doonaan hada. Waxay kale oo ay sheegtay shower-teen in ay ka qayb qaataan sanduuqa Somaliland.


Markii shirku dhamaaday Madaxwaynaha Iyo waftigiisa waxa loogu samaayay Wasarada Arrima ha Dibada qado sharafeed ay ka soo qayb galeen shaqaale sare oo ka tirsan Wasaarada Arrim aha Dibada qaybteeda Africa.
 

 

 


Rashid Nuur Gaaruf
Wakiilka Somaliland ee USA