Kulan Somaliland iyo itoobiyaha kaga Arinsanayeen Khataraha Cudurka Hiv/Aids oo Lagu Soo Gabagabeeyay Wajaale

 

 

 



Waxa kulankaa Goob joog ka ahaa kana soo qeyb galey Masuuliyiinta Labada dal ee Somaliland


Tog-wajaale (TNN)-Kulan Aqooneed sadex Geesood ah oo ay kaga arinasanayeen labada dal ee Somaliland iyo Itoobiya iyo dowlada Deegaanka Soomaalida Itoobiya, sidii looga gaashaaman lahaa isamarkaana, la iskaga kaashan lahaa khatarta Cudurka Hiv/Aids daryeelka iyo daaweynta dadka la nool xanuunkaasi kulankaas oo lagu soo gabagabeeyay Magaalada Tog-Wajaale ee dhinaca Itoobiya.


Waxa kulankaa Goob joog ka ahaa kana soo qeyb galey Masuuliyiinta Labada dal ee Somaliland iyo Itoobiya iyo kililka Shanaad oo kala ahaa Agaasimaha Komishanka Aidska ee heer Qaran ee Somaliland(Solnac) Dr Maxamed Daahir Kheyre, Wasiirka Xafiiska ka hortaga Hiv/Aids ee Dowlada Deegaanka Soomaalida Itoobiya C/laahi Cabdi Cadar,Agaasimaha Qorsheynta iyo ka hortaga Komishanka Heer Qaran ee dalka Itoobiya Dr Yebtel Assefe, lataliyaha khatarta Hiv/ee dalalka Jabuuti iyo Somaliland Dr Maxamed Elduma Afawarqe Effonus oo xubin ka ah Urur Goboleedka Igad,Dr Maxamed Yuusuf C/laahi Irupp , Axmed Xasan oo ka socda Hay,ada Wacyigalinta Hiv/Aids Anppcan, Dr Axmed Cusmaan oo Caafimaadka u qaabilsan Hay,ada Anppcan, Madaxa Caafimaadka Xarunta Degmada Tog-Wajaale ee Dhinaca Itoobiya, Axmed Maxamed Xasan, Miigane Mdaxa Mchka Tog-Wajaale iyo dhamaan Shaqaalaha Xarumaha Caafimaadka labada dhinac Itoobiya iyo Somaliland.


Waxana Xidhitaanka Kulankan ka hadley ugu horeyn Wasiirka Xafiiska ka hortaga Cudurka Hiv/Aids ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya C/laahi Cabdi Cadar oo Sheegay in uu aad ugu faraxsan yahey kasoo qeybgalka Kulankan islamarkaana, uu soo dhaweynayo kulankan saex geesoodka ah isagoo Somaliland ku amaanay dedaalka ay ka wadaan dhinacyo badan taas, oo loo baahan yaheyba buu yidhi inaan kulanada Hiv/Aidska sidii looga hortagi lahaa oo kaliya lagu koobin Xidhiidhada kililka shanaad Somaliland iToobiya iyo Somaliland haseyeeshee loo baahan yahey in laga wada shaqeeyo Arimo badan oo ay kamid yihiin dhinaca amaanku.
Waxa kale oo Isaguna kulankan hadal ka jeediyay Dr Maxamed Daahir Kheyre Agaasimaha heer Qaran ee ka hortaga Hiv/Aids (Solnac)


"Kulan aqooneedkani i wanaagsan ayuu inoogu qabsoomay laba maalmood oo Somaliland ah iyo hakan Itoobiya, waxaana inoo taala howl balaadhan oo ah ka hortaga, Wacyigalinta, daaweynta iyo daryeelka Cudurka Hiv/Aids iyo dadka la nool iyo sidii ay iskaga kaashan lahaayeen labada dhinac shaqaalaha Caafimaadku makala laha midab Calan iyo Xuduud, Cudurkana waa cadowgii lala dagaalamayay Barnaamijkan Irupp Igad waxaa oo baahan yahey in uu ku fido oo ka howlgalo Wasaaradaha waayo Cuduro badan oo lakala qaado ayaa jira oo u baahan in la iska talaalo"Ayuu yidhi Dr Maxed Daahir Kheyre.


Waxaanu intaa ku darey hadalkiisa in Shirkan shirka xiga uu rajeynayo in natiijo fiican laga gaadhi doono wadashaqeynta sadex geesoodka, isagoo Xusey in ay halkan joogaan Taliyayaashii Socdaalka iyo Booliska oo iyaguna ka qeyb qaata baadhista iyo kaantaroolka isu gudubka Xuduudaha Waxaanu tilmaan ka bixiyay in laga wacyigaliyo Ciidamada laftooda Cudurkan isagoo ku sababeeyay in ay halis u yihiin maadama ay kasoo fogaadeen Reerahoodii.
Waxa kale oo isaguna Xidhitaankii kulankan ka hadley Dr Yibeltal oo ah Agaasimaha Qirsheynta iyo ka hortaga Hiv/Aids ee Komishan heer Qaran ee dalka Itoobiya Waxaanu amaan usoo jeediyay Masuuliyiinta Caafimaadka iyo Komishanka Ka Hortaga Hiv/Aids ee Somaliland oo mudadii uu Kulan Aqooneedkani socdey usoo kordhiyay khibrad iyo aqoon fiican oo lagaga gaashaaman karo ka hortaga Cudurka soona jeediyay talooyin wax ku ool ah oo la iskaga kaashan karo ka hortaga Hiv/Aids.


Kulankan ayaa Shaley lagu soo gabagabeeyay Magaalada Tog-Wajaale dhinaca Itoobiya, taas oo kulankan waxyaabo badan lagu soo qaadey mudadii uu socdey.
 


Timacade News desk
Tof-wajaale ,Somaliland