WAR-SAXAAFADEED

 


Kulan Saddex geesood ah oo maanta ka qabsoomay xarunta Qasriga Madaxtooyada ay ey kasoo qaybgaleen tiro kamida golaha Xukuumada, Komishanka Dooraashooyinka iyo Masuuliyiinta Saddexda Xisbi qaran.

Kulankan oo uu gudoominayey Madaxweyne ku Xigeenka JSL ayey Ujeedadiisu ahayd si dii xal looga gaadhi lahaa goobo aanay doorasho iyo diwaan galin ka qabsoomin dooraa shooyinkii kala duwanaa ee dalka ka dhacay halkaas oo ay ku waayi jireen xuquuqdoodi dastuuriga ahayd ee qeexaysay in ay wax doortaan iyagana la dooran karo. Goobaha o o kala ahaa: Hulka, Cabdi Geedi, Ceel Sheekh , Ceel la Helay, Bil-dhaalay iyo Damasha ay aa ahaa goobo uu khilaaf ka taagnaa dhinaca xuduudaha ah darteed ku waayey xuquu qdaas dastuuriga ahayd maadama ay ku kulmaan Gobolada Awdal, Maroodi-jeex iyo Sa axil.

Haddaba, kulankan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayey dhinacyada kulankan ka soo xaadiray si fiican u kala sheegeen faraqa u dhaxeeya in doorasho ka dhacdo iyo in dadka goobta ku nool la diiwaangaliyo iyagoo xusay in ay lagama maarmaan tahay in la diiwaangaliyo muwaadiniinta goobtaas ku nool Gabagabadii kulanka ayaa lagu soo afme eray in ay Wassaarada Arrimaha Gudaha iyo Komishanka Dooraashooyinka qaranku wa da jir ugu dhawaaqi doonaan go’aamadii kulankaas laga soo saaray kuwaas oo noqon doona kuwo ilaaliya xuquuqda dastuuriga ah muwaadiniinta deegamadaas ku dhaqan. Isku soo wada duubo kulankan ayaa ahaa mid arimaha lagu gorfeeyey hannaan qarani mo iyo dareen ummadnimo

 


ALLAA MAHAD LEH

Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.