Kulan
Lagu Gorfaynayay Qabanqaabada Xuska Sannag-gu urada 28-aad Ee Ka Soo
Wareegtay Dhagax-tuurkii D h alinyaradii UFFO Ee 20-kii February
1982-kii Oo Lagu Qabtay Hargaysa
Hargeysa (TNN)- Kulan loogu gogol-xaadhayo qabanqaabada xuska
sannad-guurada 28-na ad ee ka soo wareegtay maalintii dhagex-tuurka
ay kala hortageen ciidankii taliskii Afweyne dhalinyartii UFFO
sannadkii 1982-kii, ayaa maanta lagu qabtay hotel Imprial ee
magaalada Hargeysa.
Kulankan oo ay qabatay dallada dhalinyarada Somaliland ee SONYO,
ayaa waxaa ka soo qay bgalay Agaasimaha Guud ee Wasaarada
Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland, Gudoomiy aha iyo masuuliyiin
kale oo ka mid ah Dallada SONYO, ardayda waxbarata jaamacadaha kala
duwan ee Hargeysa, ururada maxaliga ah ee dallada hoos yimaada iyo
Gudida qabanqaa bada munaasibada lagu xusayo xuska 20-ka
February oo la asteeyey in ay noqoto maalinta dhalinyarta
Somaliland.
Ugu horeyn waxaa halkaas ka hadlay Gudoomiyaha Dallada Dhalinyarada
Somaliland ee SONYO Yaxye Maxamed Ubaxle, oo sheegay in
kulankan loogu talogalay u diyaargarowga iyo isku duba-ridka
qabashada xuska maalinta 20-ka February “ Maanta waxaynu iskugu nimi
in aynu ka arinsano qabanqaabada xuska maalinta dhalinyarada
Somaliland ee 20-ka February ee ku astaysan maalintii dhalinyartii
UFFO ay kacdoonka kala hortageen taliskii macangaga ahaa ee Siyaad
Barre ee sannadkii 1982-kii.” Sidaas waxaa yidhi Yaxye Maxamed
Ubaxle
Waxaanu intaas raaciyey oo uu yidhi “Xukumadu-na way naga la
qaybgalaysaa xuska, dallad ahaan waxaanu xil qaadaynaa in aanu
xuskaas u qabano sida ugu fiican. Sannadkana waa sannad loo baahan
yahay in aynu muujino karti iyo isku duubnaan si aynu xisbiyada iyo
mus harraxiintooda-ba uga helno waxaynu u baahan. Sannadkan waxaynu
rajeynaynaa in muna asibadu ka ballaadhato kuwii hore oo meelo
badan laga xuso sida Gobollada Saaxil iyo Tog-dheer.”
Gudoomiyuhu waxaa uu kala dardaarmay dhalinyartii ka soo qaybgashay
kulankaas, “ Sida hotelada quruxda badan u imanaysaan waxaa loo
baahan yahay in aad u timaadaan goobta xuska [Fagaaraha beerta
xoriyada ee magaalada Hargeysa] una adkaysataan kuleylka cadceeda”
Ayuu Gudoomiye Yaxye Maxamed Ubaxlle.
Agaasimaha Guud ee Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland
Md Cali Axmed Cali oo isagu-na kulankaas hadal ka soo jeediyey, ayaa
sheegay in xuska 20-ka February ay qiimo weyn ugu fadhido sooyaalka
taariikheed ee qarannimada Jamhuuriyada Somaliland, isaga oo
tilmaamay in maalintani astaan u tahay halgankii dhalinyarta
Somaliland ay u soo galeen dib u xoreynta dalkooda hooyo, isla
markaana ay muddan tahay in loo aqoonsado maalinta dhalinyarta
Somaliland.
Waxaana hadaladiisa ka mid ahaa oo uu yidhi “Horta intiini mar
haddii aad tihiin dhalinyaro waxaa loo baahan yahay in aad isku
duubnaataan oo is-barataan. Maalinta 20-ka February ee aynu u
fadhino qabanqaabadeeda waxay ku bilaabantay dhagex-tuur ay kala
hortageen taliskii Siyaad Barre dhalinyartii UFFO, waxaanay u sii
gudubtay heer kale oo ah in loo aqoonsaday maalinta dhalinyarta
Somaliland.”
Mar uu Agaasimuhu si toos ah u la hadlayey qabanqaabiyeyaasha xuska
waxaa uu yidhi “Maadaama oo aad tihiin gudidii qabanqaabada xuska
waxaa la idinka baahan yahay in aad nabadgelyada ilaalisaan, waxaa
kale la idinka baahan yahay in barnaamijka munaasibada ee aad
gacanta ku haysaan in aan la idinka leexin oo danno siyaasadeed la
idinka faa’ideysan, in aad isla qeexdaan habka daadahaynta
barnaamijka.”
Waxaa isaguna halkaas ka hadlay Isu-duwaha barnaamijyada dallada
dhalinyarada Somaliland ee SONYO Axmed Cabdi Wacays, oo sharaxaad
dheer ka bixiyey geedi u socodka qabanqaabada xuska, “Horta maalinta
20-ka February waa maalin ay leeyihiin dhalinyarta Somaliland. Waxaa
jira 25 qof oo gudi ah oo ka kala socda ururada iyo ardayda
jaamacadaha oo ka qayb qaadanayaa geedi u socodka qabanqaabada
barnaamijka.” Ayuu yidhi Axmed Cabdi Wacays
Waxaa uu intaas ku ladhay oo uu yidhi “ Waxaa la qabanayaa in degmo
kastaa sideeda isku soo diyaariso annaguna waxaanu u soo basaskii
soo qaadi lahaa. Waxaa la iskugu iman doonaa Wasaarada Arimaha
Gudaha horteeda saacadu marka ay tahay 6:30 subaxnimo, waxaa halkaas
lagu samayn doonaa in la isku nidaamiyo oo koox koox la isku taago
anaga oo koox kasta boodhsiin doona.”
Axmed Cabdi Wacays waxaa uu xusay in maalinta xuska habeenimadkeeda
la qaban doono xaflad ballaadhan oo ka dhici doono hotel maansoor,
halkaas oo lagu soo bandhigi doono dood ballaadhan oo lagu faaqidayo
doorka ka qaybqaadashada dhalinyarada ee talada dalka iyo waxaa laga
yeelayo shuruucda xanibaada ku ah in dhalinyartu ka qaybgasho
Goleyaasha qaranka Somaliland.
|