Kulan Dhexmaray
Telefishanka HCTV iyo Ganacsatada Gobolka Togdheer

Burco (Timacade News)- Masuuliyiinta telefishanka Horn Cable Tv iyo
ganacsatadda ma gaaladda Burco ee gobolka Togdheer, ayaa kulan
ballaadhan shalay ku yeeshay Hotel Barwaaqo ee magaaladaasi.
Kulankan ayaa waxa ka qaybgalay 30-ka shirkadood ee dhinaca
ganacsiga ugu horree ya Gobolka Togdheer oo isugu jira
warshadlayda, shirkadaha dhexe iyo ganacsatadda soo koraysa iyo
masuuliyiinta telefishanka HCTV.
Kulankan ay isku qabileen labada dhinac ayaa la xidhiidhay qorshaha
cusub ee Horn Cable Tv ugu talo galay xayasiiska dalka si ay ugu
wada qayb qaataan ganacsatadda dalka oo dhami.
Wakiilka Horn Cable Tv ee gobolladda Bariga Soomaliland Xaaji Kayse
Axmed Digaale oo halkaasi ka hadlay, ayaa ganacsatadda gobolka
Togdheer ku booriyey inay ka faa'iida ystaan heelanaanta HCTV
uu ka wado magaaladda Burco, si meesha ay ugu baxdo taba
shooyinka dhinaca qiimaha ee ganacsatada gobolka Togdheer soo
gudbiyeen sannadkii la soo la soo dhaafay iyo sidii ay qayb uga
qaadan lahaayeen kor u qaadida ganacsiga gobolka ka socda maadaama
oo shirkado waawayn iyo warshada door ahi ka hanaqaadeen gobolka.
Madaxa wararka Horn Cable Tv Maxamed Cabdi Ilig oo isna halkaasi ka
hadlay, ayaa ku wargaliyay ganacsatada magaaladda Burco in
telefishankoodu qiimo dhimis 25% ah u sameeyay gobolka, si ay uga
qaybgalaan horumarka gobolka ka socda ee dhinaca gana csiga.
Maxamed Cabdi Ilig waxa kale oo uu sheegay in Horn Cable Tv uu lacag
kor u dhaafaysa 20kun oo dollar bilkasta ku kharashgareeyo adeegyada
bulshada ,si taasi u sii socotana loo baahan yahay in wada shaqaynta
telefishanka iyo ganacasatadu noqdo mid haboon, isagoo ujeedada
kulankaasna ku tilmaamay mid ka turjumaysa kaalinta uu Horn cable Tv
kaga jiro bulsahada gobolka iyo inuu doorkiisa ka ciyaaro sumcada
gobolka .
Madaxa wararku waxa kale oo uu ganacsatada uga waramay horumarka
telefishanku gaadhay, isagoo xusay in laga wada daawado dhulalka
Afka Soomaaliga lagaga hadlo oo uu yahay ka ugu horreeya, isla
markaana uu arrintaasi dadaal badan ku mulkiilaha Tele
fishanka Mr farxaan Xaaji Cali Axmed (Faaco) oo u sheegay in uu
qurbaha ugu soo noqd ay dhirigelinta baahiyaha dadkiisa iyo
kocbinta nolosha.
Dhinaca kale, ganacsatadda magaaladda Burco ayaa soo dhaweeyey
qorshaha madax da telefishanku uga warameen, waxaanay si qoto
dheer uga hadlay kaalinta uu kaga jiro Horn Cable Tv gobolka
Togdheer iyagoo sheegay inuu yahay ka ugu horreeya ee gobolka laga
daawado.
Qaar ka mid ah ganacsatadii kulankaas ka qaybgalay oo hore
telefishanka ganacsigooda ugaga xayeysiiyey, ayaa sheegay inay
dakhli dheerada oo badan ka helen xayaysiiska ay ka sii daayeen Horn
Cable Tv, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen shirkadaha Alkhayra ad,
Som Gas, Shiine Bushaaro, Warshada Saabunta ee ILays, dugsiga Smart
iyo qaar kale.
Sidoo kale masuuliyiinta warshadlayda, dugsiyadda gaarka loo
leeyahay, meheradaha ganacsiga kale iyo huteelada waawayn ee
magaaladda Burco, ayaa iyaguna sheegay inay sanadkani ka qaybqadan
doonan xayeysiiska HCTV.
Kulankan ganacsatada iyo Horn Cable Tv ayaa waxa uu hordhac u yahay
qorshaha cus ub ee Horn cable Tv ku hawlgalayso sannadka cusub
ee 2010. Waxa madaxdi Horn Cable Tv ee halkaasi ay ka sheegeen in
shirar noocan oo kale ah ay ka qaban doonaan meelo badan oo dalka
dibadiisa iyo gudihiisaba ka mid ah.
Source: Jamhuuriya Online
|