Kulan maanta oo taariikhdu tahay 02/11/2013 ku dhexmaray Qasriga
Madaxtooyada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Som aliland Mudane Axmed
Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo hoggaanka sare ee xisbiga KULMIYE

UJEEDDO: KULAN DHEXMARAY MADAXWEYNAHA IYO HOGGAANKA XISBIGA
Kulan maanta oo taariikhdu tahay 02/11/2013 ku dhexmaray Qasriga
Madaxtooyada Ma daxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed
Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo hoggaanka sare ee xisbiga KULMIYE
ayaa lagaga wadahadlay khilaafka ka dhashay xubnaha Guddiga
Qabanqaabada oo koox ka mid ahi si gaar ahi sifo aan sharciga
xisbiga waafaqsanayn u doortay hoggaan iyo hawlaha u diyaargarowga
shirweynaha 3-aad ee xisbiga KULMIYE oo ku muddaysan 25-ka bisha
December ee soo socota.
Kulanka oo ay ka qaybgaleen Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed
Maxamed Maxa muud (Siilaanyo), Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Mudane
Muuse Biixi Cabdi, afarta gudd oomiye-ku-xigeen ee xisbiga, Xoghayaha
Guud ee xisbiga iyo Guddoomiyaha Golaha Dhex e ee xisbiga,
goob-joogna ka ahaayeen Wasiirka Duulista Hawda iyo Wasiiru-dawlaha
Ma daxtooyada, waxa si buuxda la isula qaatay in la soo afjaro wixii
khilaaf ah ee jira, isla ma rkaana laga midho-dhaliyo qabsoomida
shirweynaha xisbiga KULMIYE.Doodo iyo falaqayn kala duwan oo kulanka laga jeediyey kadib waxa la
isku afgartay qodobadan hoos ku qor an;
1. Madaxweynuhu waxa uu caddeeyey in aanay jirin haba yaraatee cid
gaar ah oo murra shax xisbiga KULMIYE dhexdiisa ah oo uu wato ama uu
taageersan yahay, isla markaana waxa uu qalad ku tilmaamay in wax
olole siyaasadeed ah la dhexgeliyo hawsha qaban qa abada shirweynaha
xisbiga. Waxa kale oo uu sheegay in aanay hadda jirin cid murrashax
ah laakiin ciddii is sharraxaysa ay u furan tahay marka shirweynaha
la gaadho inay dhex diisa iska sharraxdo.
2. Madaxweynuhu wuxuu kulanka ka sheegay in haddii la keeno caddaymo
ka markhaati kacaya in xubno ka tirsan Golaha Wasiirradu ay ku lug
leeyihiin eedaymaha olole ee dhaliy ey in guddiga qabanqaabadu kala
qaybsanto inuu tallaabo ka qaadi doono.
3. Sidoo kale waxa uu Madaxweynuhu caddeeyey, la islana qaatay in
Guddoomiyaha iyo hoggaanka xisbiga KULMIYE ay u madaxbannaan yihiin
hawshooda maamulka xisbiga, iya doo Guddoomiyaha xisbiga Md. Muuse
Biixi Cabdi uu halkaasi ka ballanqaaday in arrinta ku saabsan kala
jabka guddiga qabanqaabada iyo go’aankii xubno ka mid ahi ay gooni
ugu doorteen hoggaan uu isagoo guddanaya masuuliyaddiisa gelayo
xallinteeda, isla markaan a uu go’aan ka soo saari doono.
4. Waxa kaloo la isku afgartay in khilaafka iyo xasaasiyadda ka
dhashay kala jabka Guddi ga Qabanqaabada ay turxaan-bixinteeda dib
isugu noqdaan oo ay ka wadahawlgalaan hoggaanka iyo Guddiga Fulinta
ee xisbigu si aan wax carqalad ahi ugu iman habsami-u-socodka
hawlaha qabanqaabada shirweynaha.
5. Ugu dambayn waxa la isla qaatay in dhammaan xisbiga iyo
xukuumadduba ay si wadajir ah gacmaha isku qabsadaan, ugana
midho-dhaliyaan sidii shirweynaha 3-aad ee xisbiga KULMIYE ugu
qabsoomi lahaa si qurux badan oo aan khilaaf lahayn, si wadajir ahna
looga dhawro wax kasta oo carqalad ku keeni karaya.
ALLAA MAHAD LEH
Xoghayaha Guud ee xisbiga KULMIYE
Xasan Siciid Yuusuf
|