Kulan Dhex Maray Madaxweynaha Somaliland iyo Agaasimaha Bariga iyo Galbeedka Hayadda Interpeace

 

Tuesday, 24 November 2009 Hargeysa (Timacade News)-Madaxweynaha  Jamhu uriyadda Somaliland, Mudane, Daahir Rayaale Kaahin, ayaa maanta abaaro 9  sub axnimo waxa uu ku qaabilay qasriga Madaxtooyada, Mr Jerry McCain, oo ah  Aga asimaha Bariga iyo Galbeedka Hay’adda Interpeace.

War qoraal ah oo uu soo saaray Mr Jerry McCain intii aanu ka dhoofin Madaarka Hargeysa, ayaa waxa uu ku yidhi “Waxa aan halkan u joogaa marti qaad aan ka helay Madaxweynaha Somaliland, Mudane, Daahir Rayaale kaahin , ujeedada  soc daalkayguna waxa ay ahayd in aanu ka wada hadalno , kana baaraan degno in  h ay’addii Interpeace ay dalka ku soo noqoto, si ay uga sii ambo qaado hawshii ay Somaliland ka waday iyo in kale.

Waxa aan Madaxweynaha u sheegay hay’adda Interpeace ay aad uga xun tahay kana cudur daaranayso khaladaadkii ka dhacay habkii diiwaan gelintii ka  qabsoon tay Somaliland.

Waxa aanu ka wada hadalnay Madaxweynaha kaalinta wax ku oolka ah ee  Interp eace waligeedba ay ka qaadan jirtay sidii Somaliland uga caawin lahayd nabad gelyada iyo xasiloonida ay shacbiga reer Somaliland ku caana maaleen, taas oo ay hay’addu muddo dheer , si caadiya dalka uga waday, waxaanan isku afgaranay Madaxweynaha in doorka Interpeace noqdo kaliya kii hore ee ay bilowgii kula shaqayn jireen Komishanka.

Madaxweynuhu waxa uu isaguna muujiyay iina cadeeyay in uu diyaar u yahay in aanu wadanka ku soo noqono , si dhinaca farsamada uga taageerno , ugalana  sh aqayno Komishanka doorashooyinka, si dalka Somaliland ay uga dhacaan  doora shooyin xor oo xalaal ah. Hadana waxaan u socdaalayaa Magaalada Addis ababa , caasimada dalka Itoobiya, halkaasi oo aan kula kulmi doono Komishanka doorashooyinka Qaranka Somaliland oo hadda halkaasi ku sugan.
 


Source:sn