Kulan ay yeesheen Qaadhaan-bixiyeyaasha, komishanka iyo axsaabta Siyaasada
 

 


Hargeysa(TNN):- Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland, Xisbiyada Qaranka iyo deeq bixiyeyaasha Somalilad ka taageera dhinaca doorashooyinka ayaa maanta kulan ku yeeshay Xa runta Komishanka Doorashooyinka ee Magaalada Hargeysa. Kulankaas oo lagu falan-qaynayay sidii Doorashooyinka soo socdaa u qabsoomi lahaayeen.

Gudoomiyaha Xisbiga tallada haya ee Kulmiye Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Gudoomiyaha Xisbiga U CID Eng. Faysal Cali Waraabe oo kulanka ka bacdi si wada jir ah warbixin kooban u siiyey warba ahinta ayaa sheegay in wadahadaladu ku saabsan yihiin sidii doorashooyinku u qabsoomi laha ayeen xiliga lo qorsheeyey isla markaana wali kulamada saddex geesoodka ahi u socdaan xisbi yada Qaranka, deeq bixiyayaasha iyo kumishinka Doorashooyinka ee Somaliland.

Sida la ogyahay Wasaaradda Arimaha gudaha ayaa dhawaan Iclaamisay in lixda bilood ee soo socda la samayn doono Diwaan galinta Muwaadiniinta JSL iyo bixinta kaadhadhka aqoosiga dh alasho taasoo dhabbaha u sii xaadhi doonta in mustaqbalka la helo tirade dadka xaqqa u leh in ay ka qayb geli karaan doorashooyinka soo socda.
 

 


Cumar Maxamed Faarax
Hargeys,Somaliland