KULAN AY YEESHEEN GUDDIDA HOGAANKA SARE EE UK 11KII BISHA APRIL2015

 

London (TNN)-:Waxaa shir isku xogwaran ah isugu yimid gudida sare ee Waddani Uk taariikh du markay ahayd 11kii Bisha April 2015. Shirkaas oo ka dhacay galbeedka magaalada London waxaa ka soo qayb galay xubnaha gudidida sare ee UK, iyo marti sharaf ay ka mid ahaayeen Mudane Mudane Xildhibaan Abdirahmaan Xoog, marwo Yasmiin Raydal , Mahamed Yasiin iyo afhayeenka wadani ee qaarada yurubMudane Qaasim. Shirkaas oo ahaa shir si heer sare ah loo soo agaasimay waxaa lagaga wada hadlay sidii xisbiga Waddani loo dardar gelin lahaa is la markaana la isugu diyaarin lahaa doorashada fooda inagu soo haysa. Waxaa halkaas war bixin ka soo jeediyey gudoomiye ku xigeenka sadexaad ee waddani uk Mudane Mahdi Jama o o dhawaan dalkii ka soo laabtay. Waxa gudoomiye ku xigeenku warbixin guud ka soo jeediye y dhibaatooyinka dalka yaala ee aan laga waran hayn kuwaas oo ay ka mid yihiin daryeelka caafimaadka oo hooseeya , dhibaatooyinka ka taagan dawooyinka,sixir bararka cuntada, hal ista gaadiidka, wadaxumida , iyo korontada oo ah miino la dhigay oo qarax uun sugaysa taas oo dad iyo maalba halis wayn gelin karta. Waxa kale oo gudoomiye ku xigeenku sheegay in s hacabka Somaliland dhibta iyo qabyaaladu naafaysay xisbiga keliya ee ay isbedel ka sugayaa na yahay xisbiga Waddani. Dadkuna boqolkiiba 80 taageersan yahay Xisbiga Waddani.Waxaa kale oo halkaas ka hadlay gudoomiye xigeenka labaad mudane Keenadiid, Gudoomiyaha gara bka haweenka waddani Uk Marwo Saynab i,Afhayeenka Qaarada Yurub Mudane Qaasim iyo xidhiidhiyaha laamaha waddani UK ee London.Waxa kale oo warbixin ka soo jeediyey Guddomi yaha Xisbiga waddani Uk Xuseen Adan Cade oo ka waramay waxqabadka iyo hawlaha xisbig a Waddani UK. Wuxuu gudoomiyuhu sheegay in 19 xafiis oo shaqaynayaa ka furan yihin daa faha wadanka uk, dadkuna maalinba maalinta ka dambaysa ku soo biirayaan xisbiga waddani sida wadankiiba dadku u xiisaynayaan inay ku soo biiraan xisbiga waddani. Xisbiga waddani waa xisbiga keliya ee ku leh xafiisyo shaqaynaya magaalo kasta oo ku taala dalka uk.Waxa kale oo halkaa hadal ka soo jeediyey Mudane Xildhibaan Abdirahmaan Xoog isaga oo ka war amay xaalada dalku maraayo iyo dhibaatooyinka ka taagan dalka. Waxaa shirka soo gunaan aday oo soo xidhay gudoomiyaha xisbiga waddani UK
 

 

ALLAA MAHAD LEH
MAHDI JAMA ROBLE