KULAN ALBAABADU U XIDHAN YIHIIN OO LA FILAAYO INUU DHEXMARO WASIIRKA DEBEDDA IYO XIRSI

 


Waxa aynu garan karaan tabta Xirsi ula dhaqmi doono Wasiirka Debedda Mudane Maxamed Biixi, inagoo ka dab qaadanayna siduu ula dhaqmo Wasiirada ka horeeyey.

WAxuu u tilmaami in Hawsha Wasaaradda ay ka weyntahay ta looga fadhiyo inuu ka qabto reerka. Waxuu ku furi doonaa hadal in badan laga soo wariyey oo ah…Habar Jeclo dhan ayaan xiniinyaha ka saaray kii joogsan waayaan leyguma yimaado ilaa uu lugahayga hoos yimaado sidaan ka yeelay Boqor Buurmadow iyo xadhigan aan mudeysnayn ee edebsiga ah een ku hayo Aqoonyahan Jiir…Haddaba anigu Sacad Muuso dhan kuu dirimaaya, xataa Xuseen Abokor, Nuux Ismaaciil uu fure badan yahay oo rag iyaga cid kale ayaan u helay..laakiin labaan kugu beegay ..waa Caloolay iyo Cali Guray.. Xuuto iyo Cali Xaraare iyaga Samaale ayaan ku wareejiyey, Yuusuf Cabdi Gaboobana waxa gacanta ku haya Cukuse, wiilka ley dabo dhigey ee Diridhabana waxaa igala hadlay Cismaan Hindi oo ayaamahan aan isbaaradii madaxtooyada ka qaaday….
Biixi oo yaaban umuu joojin ee wuu sii watay…Horta dadkeena haddaynaan rabshad iyo kala qaybi ku mashquulin dee wax kale uma hayno..Sacad Muuse salaadiintiisa kuu diraayo oo waa dhib badan yihiin..waxa se af yaqaan Abiib iyo Blacki oo la kaashanaaya khasnadda Samaale. …

Qurbaad joogtay Biixiyow ee I dhegeyso…ninba nin u yeel..bal hadda I dhegeyso..Salaadiinta marba mid ayaa loo cadhoodaa oo kan kale yaa la soo dhaweystaa..wallaahi wax ka hinaase xumi inayna jirin..culumaduna kaba daran…kkkkk…
Suldaanka Guud ee Ciidagale waa nin aan cidina maamuli Karin, waxaan se soo xareeyey nin ay aad u kala fog yihiin oon xabsiga sidii Buurmadow aan ku soo edbiyey..waa Boqor Raabi…Habar Yoonisna mar walba waa laba garab oo Alle ayaa inoo sahlay iyaga iyo Sacad Muuse. Ciise Muuse markey is waalaan waxa u joogta Aamina Waris oo garabsanaysa Cali Xoor Xoor, qayladooda ha maqlin wey iska rabaysan yihiin. Reerkii Ayuub waxaan u soo waaridey nin allow sahal ah oo wax alba jiidhaaya oo arrin kasta boobaaya oon dhulka wax ka ool..Alle maxaan u baahna..waa Wasiir Xigeenka Difaaca Cabdi Dheere oon Bristol ka keenay..magaaladu waa mid guulwade badan, oo waxaan isna ka soo helay Safiirka Wareega Kaysar oo hadda Hargeysa uun aan idhi wareeg, waxaan u keeney ninkan Cukuse waa fariid kolkaas marmar ayuu is ilooba oon wax aanan rabin yidhaahdaa, dee Kaysar ayaan u keeney oo intuu joogay labadoodaan u kala ergeynaayey..Alle maxaan ku farxay…

Maxamed Biixi ayaa yidhi Xirsow waxan anu maan garan ee goormaan Madaxweynaha arkayaa..Ilow ilaa waa inan manta arka..

Wiigan waa mashquul ee bal wiiga soo socda I soo xusuusi…laakiin oggow rag badan oo reerk a ah ayaa hawshan u diyaar ah..sow maad maqal inuu Cabdilaahi Ciro kulmiye ku soo biiray de e waa duulan waana nin dhego fudud..

Maxamed Biixi waar maanaad ii dardaar warineysaa..waar madaa I magacaabay mise Madaxw eynaha?

Intaan Xirsi jawaabin ayuu baxay isagoo dhididsan..Xirsibaa ka dabo yidhi Maxamedow daka soo wareyso waana inoo jimcaha oon la balansanay Cismaan Hindi iyo Cali Guuleed..


Madaxweyne waan kuu duceeya, Alle ha ku tuso masuuliyadda dalka iyo balaayada ay alooos ayaan wasiiradaadu. Maanta ducada waxaan raacinaya in Wasiir Maxamed Biixi Alle ka badba adiyo masaaibka Madaxtooyada fadhiya, kana yeelo nin aan himmilada ummadda siisan dan gaar.
 



Cabdi Xaji Axmed
Hargeysawi@ymail.com