Kulamo Muhiim ah oo Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland ku Yeeshay Magaalada Addis ababa

 

Addis ababa (TNN)- Wasiirka Arrimaha Dibedda JSL, Mudane Abdillahi Mohamed Duale, waxa  ma anta gelinkii danbe 01/04/10 ku qaabilay xafiiskiisa safaaradda dalka Farsansiisku leedahay  Ad dis Ababa Ethiopia Amb. Jean Chirstophe. Waxa laga wada hadlay iskaashiga labada dal iyo sii xoojinta xidhiidhka saaxibtinimo ee labada dal somaliland iyo Faransiiska Safiirka Faransiisku waxa uu balan qaaday inay riixayan dhiiri gelinayaana sidii maalgashi loogu samayn lahaa  Jamhuuriya dda Somaliland

waxa kale oo isla shalay Wasiirku kula kulmay Safiirka cusub ee dalka Jamhuuriyadda Yemen u fadhiya Ethiopia Amb.Dirhen A. Noman, waxana laga wada hadlay cilaqadka labada dal JSL iyo Jamhuuriyadda Yemen iyaga oo ay isla waafaqen in la sii xoojiyo cilaaqadka labada dal sida  dhina cyadda Nabadgelyadda, ganaciga, Siyaasadda.

waxa xusid mudan in dalka Yemen xafiis ganacsi ka furtay JSL iyada oo ay somalilandna xafiis la mid ah mudo dheer uga furnaa dalka yemen.


Waxa kale oo uu wasiirku saaka la kulmay Wasiiru Dawlaha Arrimaha dibedda Ethiopia Dr. Tekeda alemu, iyaga oo ay ka wadahadleen xidhiidhka labada dal ee somalilandiyo Ethiopia iyo guud  aha an xaaladda gobolka oo dhan, waxaana laysla waafaqay in la joogteeyo kulamada labada dal  iy ada oo lays waydaarsanayo booqoshooyin wufuuded/ Kulankasi guud ahaan waxa uu ku  dham aday jawi saaxiibtinimo iyo is afgarad buuxa kulamadaas dhaman waxa wasiirka ku weheliyay mudane. Ayanle salad deria, Safiir ku Xigenka Safaaradda JSL addis Ababa ahan ku simaha  safi irka safaaradda.
 

 


Salaan Badan
Mr. Ayanle Salad deria