KU TUMASHADA TAARIIKHDA SOOMALILAND EE UNIVERSAL TV

 


Muddo laba sanno ku dhaw ayaa UNIVERSAL TV Barnaamijka ka baxa ee lagu magacaabo MIL ICSIGA SIYAASIGA oo inta badan lagu waraysto madaxda dalka mucaarid iyo muxaafidba ee uu daadihiyo weriye Faysal Fadhfadle ayaa waxaa uu ku bilaabmaa barnaamijkaasi sawirada madaxwaneyaashii iskaga dambeeyay Jamhuuriyada Somaliland. Sidaynu la wada socon Sooy aalka Taariikheed ee dalkan Madaxweynihii ugu horeeyay ee Jamhuuriyada Somaliland wuxuu ahaa MJ CABDIRAXMAAN AXMED CALI .ILAAHAY NAXARIISTII JANO HA KA WARAABIY EE. Waxaanu mudan yahay in lagu qadariyo lagun xardho Taariikhada Somaliland. Hadab UNIVERS AL TV Waxa uu ku bilaabaa barnaamijkaas marka uu soo gelayo sawiraka Madaxweynenihii labaad ee Jamhuuriyada Somaliland marxuun Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal Ilaahay naxariistii jano ha ka waraabiyee, Madaxwene Daahir Rayaale Kaahin iyo madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo ah madaxweyne hada , waxaa halkaas ka maqana qayb ka mid ah taa rikhda bilowgii Jamhuuriyada Somaliland oo ah waqtigii uu Marxuunb Cabdiraxmaan Axmed Cali madaxweynaha ka ahaa dalkan. Arintaasi waxay meel ka dhaca ku tahay jiritaanka jamhuuri yadan oo waaxdii ugu mudnayda oo ah bilowgii Taariikhda cusub ee Somaliland Universal TV ay qariyeen.image

Weriyaha barnaamijka MILICSIGA SIYAASIGA ee Faysal Fadhfadle in ka badan 50 maqaal ayaa loogu sheegay waxa ka bedelka qaabka uu u dhigo sawirada madaxweyne yaasha dalka soo xukumaya siday u kkla horeeyeenay uu u xuso sidoo kale Masuuliyeen badan ayaa la hadalay iyagana dheg jalaq umuu siin ee arinkiisu wuxuu ku soo biyo shubmay HABARBAA ISKA HAW HAWLEE HEELADA INOO TUMA.

Hadaba waxaan si sharaf iyo maamuusba mudan aan uga Codsanayaa madaxda dalka gaar a haan Wasiirka Warfaafinta ee Jamhuuriyada Somaliland.

Mudane Cismaan Saxardiid Cadaani inuu Universal TV MAAMULKIISA IYO MADAXDIISABA kala hadalo waxa ka qabshada Banaamijka Milicsiga siyaasiga iyo weriye Faysal Fadhadhle oo aad uga dhega adayga isla markaasana qadrin waayay Madaxweynihii dalka ugu horeeyay isagoo weliba taakhiida dalka qayb ka mid ah madoobeeyaay ama aasayba. Faysal wuxuu dhegaha ka furaysatay codsiyadii faraha badanaa ee ay mawaadiniinta soomaliland u soo gudbiyeen.

Ugu dambayntii waxaan mar labaaad u soo jeedinaya madaxda qaran mucaarad iyo muxaafa dba in ay guntiga dhiisha iskaga dhigaan sidii waxa looga qaban lahaa talaabada ku haboona looga qaadi lahaa UNIVERSAL TV.
 

 




Weriye madaxbanaan

Mataan Maxamuud Cumar

Sheffield UK