Gudoomiyaha Xusbiga Kulimiye Ee Wadanka Holland
Mr xasan cade

Ku socota Dhamaan Umada reer Soomaaliland Debed iyo Gudaba meelkasta oo ay kala joogaanba
Taariikhdu markay ahay 01-07-1960 waxaa dhacday koox sixirla yaal ah waxay ka tunteen saar dhanka
koofureed magaalada muuqdila sacabkii iyo jaantii kooxdii sixirlayaasha ahaa ayaa laga maqlay
magaala madaxda somaaliland ee hargeysa oo markaas illaahay gumaysigii ka kiciyey oo maansha
allaah ku jirta nimcaysan oo keliya ubaahan maandeeq curashadeeda inay ibo bixiyaan qaalinta ugubka ah nin fiican
oo daryeeli kara oo meel fiican soo daajin kara ceel fiicana kasoo waraabin kara oo tubta toosan ku hogaamin kara
si middaysan ugu doora belaayooy naga badhna ku tusbeexsada arinkuna sidaasuuba ku haboonaa laakiin
waxaa ka seyid caleeyey jaantii shaydaamada iyo sixirkay tumanayeen.

dabadeed waxaa dhamaan laysku afgartay oo reer soomaliland intoodii badnay isku af garteen inay maandeeqdoodii ugubka ahayd ku darsadaan kooxdan sixirla yaasha ah ee saarka tumanaaya geeloodii.
taas oo aan inaba cidi ka wada hadal ama is weydiin kooxdan sixirlayaasha ahi haddii ay inaga qashaan ama inaka
xadaan ama si kaleba inooga dibin daabyeeyaan maxaa inooga meel yaala.

iyadoo aan arimihii mudnaanta lahaa cidina bismileh odhan,baa si wada tashi la,aan ah ciyaartii sixirla yaasha qofba meel kasoo galay jiimkii iyo jaantiina laysku daray qofna qof ma oga goortuu ciyaartan soo galay laakiin waa lays codgaranayaa
waa lays maqlayaa in hebel oo uu garanayey isna ciyaarta ku jiro,taasi kuma weyna waxaa muhiimad u ah in uu qof waliba
ciyaarta halkiisa ka xejiyo ama aanu badhqin xiligaas taas baa la dar yeelayaa laakiin sixirla yaashu ciyaarta ka sokow wax baa u duugan, hoostana waxay is weydiinayaan qaalintan ugubka ee geela lagu soo daray geeleenoo dhan way qurux badan tahay qosol bay sixirla yaashii dhoolaha cadaynayaan,
waxaa mucjiso ku noqotay qaalin ugub oo cidina daba joogin oo layidhi geela noogu dara oo noo raca noona maala weliba
caanaha aad kasoo listaan haddaad wax naga siin weydaan ma nihin kuwo ka xumaanaya ee sidaana u ogsoonaada.

Sixirlayaashii waxay isaga barqaati fureen inay la kulmeen laytar qadarkii oo soo caaryey weliba sihabaysan aan ucuno ismay odhane hareeyay kagaleen oo hadba muruq siibeeen subxaan allah. ilaa dhurwaa geel aad meel ugu xeraysay kala hanbayso ma garto.

qaalintii ugubka ahayd iyo nirigtii ay waday waxaa ku dhacay indho casaad cabaad bay kaga toshay marba waxay soo eegeysaa dhankii ay ka timi iyo ciddii wadatey inay cabaadkeeda maqasho hadba cabaadkii bay kor usii qaadaysaa laakiin
ragii dhicin lahaa jaandheertii bay weli ku jiraan yay isu afgarta.

iyadoo halkaa arinku marayo ayaa nigii yaraa ee hashu wadatey ayaa xanuunkii iyo dhibaatadii iyo dulmigii lagu hayey xamili waayey kaas oo geeli wax ma ilaawee meeshii cid ugu danbay u cararay laakiin kuma guulaysan markiiba kooxdii
sixirla yaasha ahaa iyo kuwii bilaa talada ahaa ee jaanta u tumayey oo wada jira baa qabtay nirigii yaraa oo weliba ku yidhi joogso maxaad la carcararaysaa sixirla yaashu weaa rag wanaagsane anaba waa joognaaye maxaa adiga kuu qaaqaayiray weliba isagii dulmanaa baa daalac loo racay jelna way ku rideen si aanu mardanbe u baxsan.kkkkkkkkkkkkkkkkk tii horeba tanaa kaga daran. sheekadaa cajiib ka lihi qaybteeda 1 aad halkaa haynoo joogto maanta waxaad la socondoontaan qaybteeda danbe in sha alla.

by xasan cade