KU SOCOTA DHAMAAN
ASXAABTA QORAALADA SOO BANDHIGA IYO INTA AKHRISKOODA XIISEEYA
ACWW
SALAAN QIIMO BADAN DHAMAAN INTA
WAX QORTA IYO INTA AKHRISATABA WAXAAN JECLAAN LAHAA IN AYNU BISHIIBA
. AMA SADEXDII WIIGBA, AMA LABADIII WIIGBA KOLBA KAA INOO DOORTAAN
AYNU MADUUC KA HADALNO LA XIDHIIDHA DANTA SHACAB KEENA IYO DALKEENA
SOMALILAND.
WAA XAQIIQ IN AYNU DOOR WAYN KA CIYAARI KARNO SIYAASADA DALKA EE U
BAAH AN IN XAL NABADA LAGU SOO DABAALO.WAXAAN JECLAAN LAHAA IN
AFKAARTEENA AYNU KU DEEQNO KUNA LAFA GURNO XAALADAHA TAAGAN IYO
ISBEDALKA SIYAASADA EE KA JIRA SOMAALILAND
AYADOO HADA UU INOO SOCDAY TOBGAN AAN FURAY EE AHAA XAALADA MURUGSAN
EE ASXAABTA SIYAASADA SOMALILAND, RUNTIINA SI FIICAN AYNU U QAADAA
DHIGNAY WAXAYAABO BADANA ISKALA MEEL NOQONAY
DHAMAANTEENA AYNU WADA QIRNAY IN DANTA SHACABKA IYO DALKU TAHAY MID
MUQADASA OO U BAAHAN IN LOO TAFO XAYTO.
MIDNA AAN SI GAARA IDIINKU
SHEEGAAYO OO RAG SIYAASIYIINA AAN KA HELAY QORA ALO TAAGEERAYA
MAWDUUCAN AYNU KA HADLAYNAY EMAILNA IIGU SOO DIRAY WAX AY KA
QABAAN RUNTIINA AAN AAD ULA DHACAY IN WALI RAG BADANI DALKA DAN KA
LEEYAHAY.
WAXAAN ANIGU XAGAYGA JECLAYSTAY IN MUDANE CABDIRAXMAAN SHOTALY INOO
DOORO MAWDUUCA DANBE EE AYNU LAFA GURAYNO IYO QAABKA AYNU U DAADIHIN
DOONO IYO WALIBA GOORTA AYNU BILAABAYNO
TALADA WAYNU WADA LEENAHAY FIKIRKUNA WAA INAGA DHAXEEYAA NINKASTAANA
WAA U FURAN TAHAY
GABAGABDII.
IN BADAN BAYNU AHAYN QORAAYO
NINBA TALADA GEES KAGA DHUFTA LAAKIIN WAXAA ILA QUMAN IN MAANTA AYNU
KU BAHAWNO AFKAARTEENA IYO DANTA UMADEENA.
WAXAANAN HUBAA HADII TAA LA HELO AMA AY INOO HIRGASHO IN AY HORSEEDI
KARTO GUUL WAYN .
FADLAN WAXAAN AAD U JECLAAN LAHAA
IN NINKII HAYA QAAB KA WANAAGSAN KAN AAN U DHIGAY HADALKA INUU INAGU
BIIRIYO .
HADAY NOQOTO MAGAC AYNU WADAAGNO OO AYNU SAMAYNO
HADAY NOQOTO GOOBO MUCAYINA OON DOODA KA WADNO
HADAY NOQOTO QODOBO GAARA OO AYNU KU EKAANO
KOLAY AFKAARTU WAA BADAN TAHAY MARKAA AAN ISLA WADA EEGNO
WAAD MAHADSANTIHIIN
WABILAAHI TAWFIIQ
Siciid Cabdi Dheen
dheen@live.co.uk
London UK
|
|