Ku Simaha Guddoomiyaha Kulmiye Oo Ka Hadlay Xadhiga Lala Maagan
Yahay Maxamed Xaashi Cilmi Iyo Dilkii Ka Dhacay Wajaale
“Maamulkan La Yaabi Maayo Oo Waa Ka Caqligoodu
Siiyey Maxamed Xaashi Oo Ay Hore U Xidheen Hadana Doonaya Inay
Xidhaan, Laakiin Ummadan Dadkii U Soo Halgamay Lagu H or Jiid
Jiidayo Ayey Nusqaan Ku Tahay”
“Marka La Dilo Dad Shacbi Ah Laba Odaybaa Loo Yeedhaa Oo La Yidhaa 5
Kun Oo Mag Ah Qaata Dawladaa Bixinaysee” Mujaahid Muuse Biixi Cabdi
Hargeysa, January 22, 2010 ( Timacade News)–Ku simaha Guddoomiyaha
KULMIYE isla m arkaana ah Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee
xisbiga kulmiye mujaahid Muuse Biixi Ca bdi ayaa dhaliilo
waawayn xukuumada uga soo jeediyey xadhiga la sheegay in xukuumadu
ay la maagan tahay mujaahid Maxamed Xaashi Cilmi iyo dilkii ay
dhawaan ciidanka bilay ska Wajaale ay ku toogteen labadii
marxuum ee dhalin yarada ahaa.
Waxa kale oo uu xukuumada dhaliilo uga soo jeediyey dilalka ay
ciidamada Amaanku ay kula kacaan dadka shacabka ah oo uu tilmaamay
inaanay hawsha ay hayaan u tababarn ayn.
Mujaahid Muuse Biixi Cabdi waxa uu sidaasi ku sheegay waraysi uu
shalay la yeeshay wa riye Axmed Siciid Cige,kaas oo uu sidoo
kalena kaga hadlay khilaafka cakiran ee ka dhex aloosan shirgudoonka
golaha guurtida oo uu ku baaqay in si dhakhso ah xal dhamays
tir an looga gaadho.
waraysigaasina oo ugu horayn la waydiiyey, arinta ay C.I.D-du ugu
yeedheen siyaasiya ga Eng: Maxamed Xaashi Cilmi iyo arinta
laba qof ee todobaadkan ay bilaysku ku dileen dagmada Wajaale.
Isagoo ka hadlaya arintaasina waxa uu yidhi “waa nasiib daro wayn in
maalin walba bila yskeenu laayo dad caadiya oo shacaba oo si
khaldan uu u laayo, arintaa dhaliisheeda ko owaad waxa leh
xukuumada uu hogaamiyo Daahir Rayaale waxay ahayd bilayska in la
ta babaro, in loo sheego waxay qabanayaan, bilayska in loo tababaro
ayey ahayd dadka in ay nabad galiyaan cadawgana laayaan, imika
tusaalaan kusiinayaa shalay (doraad) labaa laga keenay meyd ah
Wajaale maalin dhawayd golaha wakiilada buuqii ka jiray laba meyd ah
ayaa laga qaaday,maalintii ka horaysay xaafadaa Axmed Dhagax oo mudo
haraaday labaa lagu dilay tii ka horaysay ee Riigiina labaa lagu
dilay, tii kasii horaysay qolo dhul la gu haysto oo wasaarada
hawlaha guud ay isku haysteen labaa lagu wada dilay, markaa waxa
weeyaan laba qof oo gaadhi ku wada jira ama meel wada taagan ayaa
markaaba layska tooganayaa. Inta ,mid mid loo dillay ee kiis
caynkaas ah oo bilayska ka dhacay wuu faro badan yahay arintaasi
eedeeda waxa leh madaxda xukuumada ayaan tababarin ba an qabaa
bilayska waayo dadkii inta dhimatay ee qof qof u dhimatayna
tiradeeda imika ma hayo laakiin kolay sodon korbay u dhaafaysaa
intii ay xukuumadu jirtay iyo tobankan, markaa arintaasi waa aafo
qaran oo soo koradhay oo u baahan in si qaranimo ah looga hor tago
xukuumadan dhaliisheedu dhan u dhaafi mayso.
S: Horta adigu sarkaal ciidankana waad ahayde
sideebaad is leedahay waa looga baxaya a, oo xukuumaduba way
joogtay oo madaxweynuhuna xataa tacsibuu u diray oo kuma faraxsana
iyaga laftoodu, laakiin askarta waad ogtoo wax aan tababarnayn
weeyaan ?
J: Madaxweynuhu waxa uu fadhiyey meesha todoba sano iyo badh uu
madaxweyne ahaa iyo shan kuxigeen uu ahaa wuu tababari karayey
ciidanka, in loo sheego ciidanka xilkoodu inuu yahay dadka inay
nabad galiyaan cadawgana ay ka ilaaliyaan, waa in falsafadu horta
taa ay noqotaa, askariga waa in la tababaraa wuxuu qabanayo, goormu
xabad dhuunta gaynayaa,goormu ridayaa waxani waa shuruuc dhan oo la
garanayo oo ragan ciidamada hayaa aanay garanayn laakiin waxa soo
dhacday arin ka dhib yar nabad galyadaanu ilaalinaynay marka la dilo
laba odaybaa loo yeedhaa oo la yidhaa 5 kun ka qaado magta dawladaa
bixinaysee cashuurtiina magtay ku bixinayaan, dadkiina way
adoominayaan oo way baqo galinayaan, taasina wax la qaadan karo
maaha markaa waa inay xukuumadu siyaasad cad ka yeelataa, hadii
aanay siyaasad cad ka yeelana Insha allahu qaar siyaasad cad ka
yeesha oo ummada nabad galiya baa iman doona.
S: Waxa kale oo aad kusoo hadal qaaday hadalkaaga arinta ku saabsan
siyaasiga Maxam ed Xaashi Cilmi oo haatan KUMLIYE Ka tirsan oo
maalmahanba ay jirtay in looga yeedhay xarunta C.I.D-da oo qoraal
rasmiya la gaadhsiiyey oo Maxamed laftiisu uu cadeeyey bal ka waran
arintaasi mawqifka xisbigiina ?
J: Arintaasi oo arin aad looga xumaado ah layaab malaha taariikhdan
Somaliland aadbay u khaldan tahay Maxamed Xaashi iyo raga lamida ee
halgankii naftooda dalka usoo huray inbadana inay wax wanaajiyaan
noloshoodii ku dhamaystay ixtiraam iyo qadarin iyo muunayn bay dalka
ka istaahilaan laakiin ummadanaa yaab leh oo dadkoodii karaamada
laha maalin walba wax aanay gayin lagula kacayaa, qolodan maamulka
haysa la yaabi maayo iyaga oo intaa u dhaafi maayo, caqligoodu waa
kaa siiyey Maxamed Xaashi Cilmi xidha ee aan laba cali deero-deero
hirdiyin hadana markale doonaya inay xidhaan iyaga caqligoodu waa
kaa, laakiin ummadan dhan ee Somaliland ee dadkooda karaamada leh ee
usoo halgamay lagu hor jiid jiidayo ayey sharaf jab iyo nusqaan ku
tahay.
S: Sharciga saw looma sina oo hadii masalan wax uu qoray lagu haysto
saw looma yeedhi karo ?
J: Tuugta iyo waxa dadka dila iyo waxa mushtamaca dhibaya ee
Station-nada looga yeed haa, Maxamed Xaashi iyo raga odayaasha
ah iyo ninka oday ah hadii wax laga tirsanaayo hab loo soo maro bay
leedahay oo maxkamadaa la geeyaa oo kiisku intuu leegyahay baa la
eegaa, maxkamada waaran soo goysa oo wado lagu qanac sanyahay isna
uu ku qana csan yahay laakiin Maxamed Xaashi maaha tuugta
(House browking) kuwa aqalada jabiya oo kale ah.
S: Xogogaal baad u tihiin oo Maxamed xisbigiinu ka tirsan yahay
maxay tahay arinta loogu yeedhayo warqada ku qoran?
J:Warqada wax ku qoran ma jiro waxa weeyi C.I.D-da ku waraysanaysee
askarigaa soo raac intaasa ku qoran, intiina wuu diiday wax la
aqbali karana maaha.
S: Muuse waxa kale oo jirtay in maalmahan aad ku hawlanaydeen adigoo
ah ku simihii Gu ddoomiyaha KULMIYE iyo ku simaha UCID Aadan
Waqaf arintii khilaafkii Guurtida oo shirg udoonka aad isla
jiid jiidayseen ka waran arintaasi halkay maraysaa ?
J: Horta arintaasi saamayn wayn bay dalka iyo inagaba inagu
leedahay,waxa muuqata cid abuurtayba fidmo in laga dhex kiciyey
Guurtidii oo gilgil wayni ka jiro, horta guurtidu xaga sharciyan waa
aqalka sare labada aqal xubnaha joogaa iyaga ii dhig cidii wax ka
sheegaysa dhaliisheeda kolba ciduun baa joogi doonta laakiin waa
aqal distuuriyan iyo qanacaad wax walba u fadhiya khal khal wayn iyo
buuq baa soo galay anagu markaa af iyo adinba waxaanu ka ordaynay in
khal khalka la damiyo waayo doorashadii baynu u diyaar garoobaynaa,
Guddoomiyihii iyo Guddoomiye ku xigeenkiiba iyo joogtadii ay isku
qasbaan waxba noo socon maayaan, markaa waanu ka hawl galnay anagu
waanu u tagnay labada oday ee isku xigaba labadaba waanu abiil
garaynay inay arintaa dhulka dhigaan oo ay waxooda ku dhamaystaan
gudahooda saxaafadana sidaasanu kala hadalnay kana hadhi mayno nin
wal oo xubin Guurtida ah waxaanu leenahay waar arintaasi maanta
inama anfacdo oo halkaa qaylo kama filaynee arintaa dhulka dhiga,
sidaa baananu nin walba ka baryeynaa waayo xalkale waanu u garan
waynay,nasiib daro waxay ahayd markuu shalay (doraad) ka hadlayey
ninkan odayga ah ee madaxweynuhu waxaan qabaa arintaa kamuu gudan
waajibaadkiisa oo muu damin dabkaa, anigu odhan maayo si uu ugu lug
lahaa Ilaahay baa iga og laakiin muu damin dabkaa oo roolkiisa kamuu
qaadan.
S: Labadiina xisbi mucaarid waxaad ku eedaysaan inay xukuumadu ka
danbaysay arinta khilaafkan madaxweynuhuna shalay (doraad) wuxuu
yidhi shuqul kuma lihin oo anagu ar intaasi shirgudoonka
golaha ayaa is haya iyagay u taalaa oo iyagay tahay inay
heshiiy aan golahana ay heshiisiiyaan taa ka waran ?
J: Horta waxa lagu eedaynayaa madaxwenuhu hadaf qaran oo dhan buu
masuul ka yahay markii meel mushkiladi ka timaado ama hay’ád ama
gobol ama beel wuxuu xaq u leeyahay inuu dawo u doono, waxaanu ku
dhaliilaynaa oo u eekaanaysaa haduu qaban waayana inuu ogal yahay
ama ka danbeeyey, waxaanu ku dhaliilaynaa waxay ahayd markaaba
hortayo in isaga laga arko dhaqdhaqaaq uu u caqli celiyo oo leeyahay
maanta doorashadii baynu galaynaa dhaqdhaqaaq uma baahnin waar
wixiina damiya taa lagama hayo, taa hadaan laga hayn muu jecel yahay
inuu dabku socdo mise wuu soo abaabuley inuu dabku bakhtiyo ninka ku
tuhmaa layaab malaha, imikadana waxaanu ka doonaynaa inuu damiyo,
talaabana kamuu qaadin umana muuqato inuu daminayo colaada.
Source:Haatuf
|