Kormeerayaasha Caalamiga Ah Ee Doorashada Oo Soo Saaray Goaamo Ay Sheegeen In Culays Lagu Saaray Si Dhex Dhexaadnimadoodu U Cadaato

 


 


Hargeysa (TNN) : -Kormeerayaasha caalamiga ah ee loo qorsheeyay inay dusha kala socdaan qaab ka ay u qabsoomayso doorashada madaxtooyada Somaliland, ayaa war-murtiyeed ay soo saareen waxa ay ku gaadheen go’aan ay sheegeen in culays lagu saaray oo ah inaan qof guud ahaan ka soo jeeda Isir ahaan Soomaali aanu ka mid noqon gudigooda kormeerka samaynaysa, kaas oo ay sheeg een inay aqbaleen.

War-murtiyeed ay guddidani shalay soo saareen waxa ay sheegeen in go’aankani uu u muuqdo mid aan wanaagsanayn balse culays la saaray darteed ay aqbaleen si ay u muujiyaan dhex dhexaadnim o. War-murtiyeedka oo aanu soo turjunay wuxuu u dhignaa sidan “Inaga oo ku sii dhawaanayna

xilliga loo mudeeyey doorashada madaxwaynenimo ee Somaliland oo ku beegan 13ka November 20 17, sida dabiiciga ah cimilada siyaasadeed kor ayay u sii kacaysaa iyada oo ashqaas iyo kooxo bada ni ay si maalinleh ah ay u soo saarayaan hadalo ay marinayaan warbaahinta interneetka iyo ta kale ba. Hawlgalkaka Kormeerayaasha Doorashooyin ahaan waxa mar walba aanu walaac ka qabnaa eed ah a la xidhiidha Hawlgalka. Iyada oo eedaha aanu aragnay ay yihiin kuwo aan aasaas lahayn oo ba dan koodu gebi ahaan ba ah kuwo lala yaabo, haddana waxa muhiim ah inaanu noqono gebi ahaanba dhex-dhexaad muuqaal ahaan iyo xaqiiqo ahaanba.

Sidaas darteed, waxaanu qaadanay go’aanka adag ah ee ah in kormeerayaasha caalamiga ah lagu daro oo keliya dadka aan wax xidhiidh ah la lahayn dad ka soo jeeda asal ahaan Soomaali. Midkood na dadka ugu jira liiskayaga inay ka mid noqdaan kormeerayaasha caalamiga ah ma samayn wax uu ku galabsado go’aankan: talaabadan waxa looga dan leeyahay oo keliya si loo xoojiyo dhex-dhexaa dnimada buuxda ee cad ee Hawlagalka Kormeerayaasha Caalamiga ah.

Waa arrin aad looga murugood in go’aan caynkan oo kale ah ay nagu qasbeen hadalada ay jeediyee n dad ay ahayd inay si ka wanaagsan wax u ogadaan, balse waxa naga go’an inaanu ilaalino hufnaa nta Hawlgalka, iyo ka doorashooyinka Somaliland ba. Si taas loo gaadho, waxaanu sii wadi doonaa inaanu si dhow ula sii shaqaynno Gudida Doorashooyinka ee Somaliland iyo dadka aanu wada shaqaynta leenahay.”