Koox Uu Hoggaaminayo Ibraahim Dhega-weyne Iyo Xisbiga UCID Oo Wada hadal Isku Horfadhiistay

 

Ibraahim Cabdillaahi Xuseen (Dhegaweyne) oo ka mid ahaa Garabkii C/raxmaan Aw Cali ee xisbiga KULMIYE , ayaa shalay wada hadal toos ah la bilaabay xisbiga UCID.

Sida ay sheegeen dad goob-joog ahaa, Muj. Ibraahim Dhegaweyne iyo kooxda uu hoggaaminayey oo isugu jira odayaal iyo siyaasiyiin waxa ay hoggaanka xisbiga UCID oo iyana ay weheliyeen odayaal ka mid ah taageerayaasha xisbigaasi waxay ku kulmeen martiqaad qado ah oo uu xisbigu u sameeyey kooxdaas, Baar Dalxiis, kadibna waxa la sheegay inay wadahadal u fadhiisteen Hotel Ambassador.

Lama garanayo arrimaha ay labada dhinac ka wadahadlayeen iyo waxa ka soo baxay midna, hase yeeshee, warar xog-ogaal ah ayaa sheegaya in casuumaddan iyo wadahadalkan laba geesoodka ahi uu ka dambeeyey xidhiidh iyo kulamo si hoose ugu socdey xisbiga UCID iyo kooxda Dhegaweyne, waxaana la sheegay in laba kulan hore ay ka horreeyeen kulankan maanta.

Xisbiga KULMIYE ayaa ilaa hadda aan ku guulaysan in ay xaliyaan khilaafkooda, waxana wararku sheegayaan in taageerayaal badan oo xisbiga kulmiye ah ay ka digo rogteen xisbiga , sababtana ay ku sheegeen in xisbigii kulmiye soo wajahay bur bur.

Waxa hore xisbiga uga baxay xubno aad culus , haddii ay khilaafkooda xalin waayaana waxa dhici karta in xisbigu gabi ahaanba uu ku yimaado bur bur aanu ka soo kaban doonin.

 

 


Togaherer