“Komishanku waxay ahayd inay is casilaan oo ay umma dda raali geliyaan, maadaama talladii oo dhami khaldantay”

 

 


Sheekh Aadan Siiro waxa uu sidaasi ku sheegay khudbadii salaada Jimcaha ee maanta oo uu ka..........


Hargeysa (TNN) - Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Sheekh Aadan Siiro) ayaa maan ta ugu baaqay Komishanka doorashooyinka Somaliland inay is casilaan dadweynahana raali-gelin ka siiyaan khaladaadkii ay galeen.

Sheekh Aadan Siiro waxa uu sidaasi ku sheegay khudbadii salaada Jimcaha ee maanta oo uu ka jeediyay masaajidka Xawaadle ee Magaaladda Hargeysa.

Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Nimankii Komiishanka ee aynu ogayn, ee dadka isku di ray ee dhibka ina gaadhsiiyay ee ilaa maanta dhibaatadii taagan tahay, ayaa intay shir-jaraa’id iska qabteen yidhi annagu 100% arrinkii halkeedii ayaanu dhignay,”ayuu yidhi Sheekh Aadan Siiro.

Sheekh Aadan Siiro oo hadalkiisa sii wata , waxa uu yidhi “Kuwaa gaalada ee bilaa diinta ahi markay jabaan way iscasilaan,”ayuu yidhi Sheekh Aadan Siirro.

Sheekha oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi“ Komiishankana waxay ahayd inay is casila an oo ay umadda raali-galiyaan, maadaama oo talladii oo dhami khaldantay oo wixii ay keeneen oo dhami ay fowdo keeneen.”
 


Timacade News Desk
Hargeysa ,Somaliland