Komishanka xuquuqul
insaanka qaranka jsl oo ka hadlay dilkii
dhawaan ka dhacay inta u dhaxaysa
magaalooyinka dilla iyo gabiley

Hargeysa (longlivesomaliland
News)-Komisanka xuquuqul insaaka qara nka jamhuuriyada
Somaliland ayaa si xun u cambaareeyay falkii waxas hnimada
ahaa ee dhawaan lagu laayay afarta qof ee ku safrayay jidka u
dhexeeya magaalooyinka gabiley iyo dilla,iyaga oo falkaasi ku
tilma amay mid ka baxsan bini,aadamnimada isla markaasina meel ka
dhac wayn ku ah xuquuqda bini,aadanka iyo diinta islaamkaba.
Sidaasi waxa laga sheegay shirjaraa,id oo uu saaka ku qabtay xarunta
wasaarada cadaalada jsl gudoomiyaha komishanka xuquuqul insaanka
qaranka somalialnd Axmed yuusuf xuseen,
gudoomiyuhu waxa uu sheegay in ay komishanka ququuqul in saanka
qaranka Somaliland cambaaraynayaan falkaasi lagu laayay dadka
muwaadiniinta ah ee aan waxba galabsan,iyaga oo ku guda jira
hawshoodii ay xaqa ulahaayeen,isla markaana aan ku lug lahayn
waxdagaal ah,falkaasi lagula kacayna uu ahaa mid ka baxsan kana fog
bini,aadamnimada,
sidoo kale waxa uu xusay gudoomiyuhu in dadkii fuliyay arintaasi
lagu xukumo shareecada islaamka oo la qisaaso,kuwii ka danbeeyayana
la horkeeno sharciga,isla markaana cid kasta oo ku lug layd falkaasi
laga qaado talaabo sharciga waafaqsan.
Waxa uu gudoomiyaha xuquuqul insaanka qaranku xukuuumada Somaliland
ugu baaqay in ay talaabo sharciga waafaqsan ka qaado dadkii falkaasi
sameeyay si ay cid kastaa uga digtoonaato in ay ku kacdo fal
noocaasi oo kale ah,waxana uu in taasi raaciyay in ay komishan ahaan
tacsi u dirayaan dhamaanba qaraabada dadkii lagu laayay
falkaasi,marxuumiinta ku dhintayna uu Eebe uga baryayo in uu janadii
ka waraabiyo,isaga oo intaasi raaciyay in ay gacan ka gardarani
dishay.
Sidoo kale waxa isna shirkaasi jaraa,id ka hadlay saleebaan xuquuq
oo ka tirsan komishanka xuquuqul insaanka qaranka jsl.oo sheeagay in
ay komishan ahaan cambaaraynayaan cidii falkaasi dalka faasha xun ah
fulisay isla markaana dadkii falkaasi ka danbeeyay sharciga la
horkeeno.
Mustafe Future
LongliveSomaliland News Desk
Hargeisa, Somalilanad
|