Komishanka oo ku dhawaaqay Natiijada hordhaca ah ee dadka iska diiwaan geliyey

 

Diiwaangelinta codbixiyayaasha doorashooyinka Somaliland ayaa maalintii shalay si rasmi ah uga soo gaba gabowday gobolka Sool, waxaana tirada hor dhaca ah ee dadkii iska diiwaa galiyay gobolkaas si rasmi ah shaaca uga qaaday Gudoomiye ku-xigeenka komishanka doorashooyinka Somaliland Md. Cali Maxamed C/laahi (Biikalo).

Mudane Biikalo waxa uu tilmaamay in 160-kii goobood ee diiwaangelinta gobolkaas loogu tala galay oo intooda badan ay hawshaasi ka qabsoontay, isla markaana tirada hor dhaca ah ee dadkii iska diiwaan galisay ay tiradoodu gaadhayso 155, 447-qof, isaga oo sheegay in tirada rasmiga ah ee gobol walba iska diiwaangelisey ay soo bixi doonto marka serverka la geliyo macluumaadka dadka gobol walba iska diiwaangeliyey, isla markaana la shaandheeyo.

Guddoomiyekuxigeenka Komishanka oo sii kala qaadqaaday tirada degmooyinka gobolka iska diiwaangelisey waxa uu sheegay in:

Degmada Caynabo ay iska diiwaangeliyeen 80,400 oo qof

Degmada Xuddun 18,000 oo qof

Laascaanood iyo degmooyinka hoosyimaadda; sida Kala-baydh, Yagoori iyo goobaha Buuhoodle ee Widhwidh la dhigay ay tahay 57,000 oo qof.

Gudoomiye ku-xigeenka komishanku waxa uu sheegay in degmada Buuhoodle iyo qaybo ka tirsan degmada Taleex aanay diiwaan galintu ka qabsoomin, hasa yeeshee gobolkaas intiisa kale ay si wanaagsan oo nabad galyo ah uga qabsoontay kuna soo dhamaatay.

Gobolka Sool waxa uu noqonayaa gobolkii ugu danbeeyay ee hawsha diiwaan galintu si nabad galyo ah uga qabsoonto, taas oo ka dhigaysa hawshii diiwaan galintu in wajigeedi hore la soo gabagabeeyay waxa la sugaana ay tahay ku dhawaaqista natiijada kama danbaysta ah ee dhamaan dadkii iska diiwaan galiyay Somaliland

 



Axmed Maxamed Saleebaan
Somaliland.org , Hargeysa