KOMISHANKA DOORASHOOYINKA SOMALILAND OO KU DHAWAAQAY MAALINTA AY
BILAABMAYSO OLOLAHA DOORASHOOYINKA MADAXTOOYADU…..
Hargeysa (TNN)-Afhayeenka
Komishanka Doorashooyinka Somaliland Md.Maxamed Axmed Xirsi (Geelle)
oo shir jaraa’id ku qabtay Huteelka Imperial ee Magaalada Hargeysa
ayaa sheegay in olalaha doorashada Madaxtooyadu uu si ramsi ah u
bilaabmi doono Khamiista Fooda inagu soo haysa ee 3-da Bisha June ee
fooda inagu soo haysa,waxaanu yidhi “Waxaan maanta ku dhawaa
qaynaa Komishan ahaan xiliga rasmi ahaan uu u bilaabmi doono olalaha
doorashada Madaxtooya da waxaanu bilaabmi doonaa
3-da Bisha June oo ku beegan maalin
Khamiis ah waxaanu socon doonaa muddo
sadex Todobaad ah olaluhu wuxuu xidhmayaa maalin
Arbaca ah oo ku beegan
23-ka Bisha June,waxaanu xisbi kastaa
yeelan doonaa hal todobaad hase yeeshee maalmihiisa iskuma wada
xigayaan. Maalinta koowaad waxa olalaha samaynaya xisbiga UDUB,
maalinta ku xigtana xisbiga KULMIYE maalinta sadexaadna xisbiga UCID
sidaasi ayuu u socon doonaa.”
“Waxaan Maayarada Magaalooyinka iyo Badhasaabada Gobolada aanu la
socod siinaynaa inay xi sbi walba maalintiisa u tix geliyaan
oo ay ka caawiyaan sidii ay olalahooda ugu qabsan lahaayeen
fagaareyaasha, waxaanu leenahay xisbi walba jid-walkii ololaha waanu
siinaye’e ha ilaashadaan oo ha ixtiraamaan maalinta xisbiga kale
leeyahay yaanay Fagaareyaasha tagin oo aanay ku orin in, waxa
bari dhawayd dhacday in xafiis xisbi ay xisbi kale tageen oo
rabshadi ka dhacday halkaa si, arrimahaasna waanu ilaalinaynaa
Anaga iyo Guddida kormeeraysa Anshaxa doorashada,”ayuu yidhi Md.
Maxamed Axmed Xirsi.
Afhayeenka Komishanka Doorashooyinku waxa kale, oo uu ka waramay in
hawshii kaadhad bedel ka Codbixiyeyaashu ay u hirgashay si
wanaagsan oo Codbixiyeyaasha doorasgada Madaxtooya du ay
qaateen kaadhadhkoodii cusbaa, waxaanu tilmaamay in tobankii
maalmood ee dheeraadka ahaa ee lagu daray qeybinta kaadhadhka cusub
la soo gabo-gabayn doono Maalinta Isniinta ee fooda inagu soo haysa.
Afhayeenka Komishanka Doorashooyinka oo la weydiiyay in xukuumadu ka
soo jawaabtay dalab koodii la xidhiidhay in la soo qab qabtay
dadkii qaatay kaadhadhka badan waxaanu sheegay in arrintaasi tahay
codsi taagan oo aanay xukuumadu wali ka soo jawaabin,waxase uu ku
dooday inay jiraan qorsheyaal ay doonayaan inay ku xakameeyaan
dadkii hal mar wax ka badan qaatay marka la gaadho maalinta
doorashada.
Source:Togga herer
|