Komishanka Doorashooyinka Somaliland oo Itoobiya u tagay Tababar la xidhiidha Hawlahooda

 

 

Hargeysa (TNN)- Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa maanta   soc daal shaqo ku tagay Magaalo Madaxda Dalka Itoobiya ee Adis Ababa, halkaasi oo ay ku soo qaadan doonaan Tababar la xidhiidha sida loo qabto Doorashada Wanaagsan. Masuuliyiinta Komishanka oo ka hor intii aanay ka amba bixin Dalka, Shir-jaraa’id ku qabtay Xaruntooda Magaalada Hargeysa, waxa ay sheegeen in ay halkaasi u tagi  d oonaan oo kale sidii ay ula kulmi lahaayeen Khubaradii hagaajin lahayd Mashiinka kala shaandhaynta Tiradii Dadkii dhawaan Dalka iska diiwaan geliyay. Sidoo kale, waxa ay tilmaameen in ay kulan la yeelan doonaan Deeq-bixiyayaasha Caalamka isla  markaa na ay kala soo xaajoon doonaan sidii ay fasixi lahaayeen Lacagtii lagu qaban lahaa Doorashada Madaxtinimo.


Guddoomiyaha Gudida Doorashooyinka Qaranka Somaliland Ciise Xaaji Yuusuf, oo  sh irkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay in Seddex Maalmood ka dib ay iyaguna  Itoo biya Iman doonaan Lix Xubnood oo ka socda Axsaabta Qaranka Somaliland. Waxaanu sheegay in Xisbi kasta ay laba Xubnood uga qayb gali doonaan Tababar la xidhiidha wada shaqaynta Axsaabta iyo Komishanka waqtiga lagu guddo jiro Doorashooyinka.

Waxa kale oo uu xusay in marka ay soo dhammaystaan ee ay soo laabtaan ay   iyag una Dalka soo gaadhi doonaan Khubaradii kala shaandhaynta Tiradii DaIka diiwaan-gelisay Tababarkaasi ay ka iman doonaan Khubaradii Shaandhaynta.

Waa socdaalkii ugu horeeyay ee ay Dalka dibada kaga baxaan Komishanka Cusub ee Doorashooyinka tan iyo Markii ay Xafiiska la wareegeen oo ay ka soo wareegtay  M uddo Bil iyo Maalmo ah.
 

 


Timacade News Desk
timacadenews@hotmail.com