Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo ku dhawaaqay in ay Doorashada
Golaha Deegaanka ay ku qaban doonaan bilaa Diiwaangelin bisha April
Hargeysa(TNN) Af-haeenka Komishanka Doorashooyinka Qaranka Maxamed
Xirsi Geelle oo shir jaraa’id manta ku qabtay Hargeysa ayaa ku
dhawaaqay in ay soo dhaweynayaan Laalista Dii waangelinta oo ay
Doorashada soo socoto ku qaban doonaan Diiwaangelin la’aan
“Anaga shaqadayadu waa inay Doorasho qabsoonto oo kolba marka muddo
la joogo laqabto doorasho si ay dadku u soo doortaan cidii xukumi
lahay” ayuu yidhi “ waxaanu intaa raaciyay Golaha Guurtiddu
wakhtigii ay u qabteen oo ah April, Xeer No: 14 sidaas buu dhigayaa,
Madaxweynaha Somalilanda Axmed Siilaanyana dhawr jeer oo uu nagala
hadlay waxa uu nagu adkeeyay inay wakhtigeeda dhacdo”
Af-hayeenka Komishanka Doorashooyinku waxa uu sheegay in ay diyaar u
tahay kharashkii loogu talagalay Doorashada oo uu sheegay Somaliland
in ay qaadhaan bixiyayaashu ka taakuleeyeen, isla markaana ay iyagu
diyaar u yihiin inay qabtaan
Maxamed Xirsi Geelle waxa uu sheegay Diiwaangelintu inay maraaxil
kala duwan soo martay oo ay xumaatay hase yeeshee markii Komishankii
hore ay laaleen ay ka maarmi weyday in sharciyadda la mariyo tiina
ay Doorashadii Madaxtooyaddu ku qabsoontay, waxaanu sheegay in imika
wadatashiyo badan oo la sameeyay ay sababtay marka la eego hawsha
Sixitaanku inay hawl badan qaadaanayso sidaas daraadeed la isla
eegay in diiwaanfgelin la’aan lagu galo iyo inkale sidaas daraadeed
maadaama farsamo ahaan aanay suurto gal ahayn in aan loo baajin
Doorashadii Diiwaangelinta
Isagoo sheegay markay dib u eegeen muhiimadda Diiwaangelinta iyo
xuquuqda Aasaasiga ah ee qofku xaqa u leeyahay in uu Doorasho helo
sidaas daraadeed waa in la tixgeliyo xuquuqdii muwaadinka markaas
waxaanu qaadanay in bilaa Diiwaangelin lagu galo waana tallo ka soo
baxday Xukuumadda, Baarlamaanka iyo Komishanka
Source:Waaheen
|