WARSAXAAFADEED

Geeddi Socodka Doorashooyinka:
Sida aynu wada ogsoonnahay tan iyo intii ay doorashadii Madaxtooyada
ee 26-kii June, 2010 ee sida xorta ah iyo nabad-gelyada innoogu
dhacday in ay dalkan Somaliland usoo hoyatay sumcad iyo guulo
waawayn oo aynu Bulsho Waynta Caalamka kaga kasbannay soo dhawayn
wanaagsan iyo in aynu tu saale u noqono Afrika inteeda kale.
Geedi-socodka Dimoqraadiyadeed ee dalkeenu ku caano maalay kuma
e'ekayn doorashada Madaxtoo yada oo keliya, waxaana Komishanka
Doorashooyinka Qaranka loo igmaday islamarkaana waajibka sh arci ee
saarani uu yahay (statutory obligation) in uu (Ilaahay Idamkiisa)
suurto-geliyo qabsoomidda Doorashooyin Xor ah oo Xalaal ah oo dalkan
ka hano-qaada.
Komishanka Doorashooyinku: Isagoo fulinaaya waajibaadka Sharci ee
faraaya maamulidda iyo hir geli nta doorashooyinka Golayaasha
Qaranka .
Isagoo tixgelinaya go'aankii Golaha Guurtida ee Tirsigiisu ahaa Ref:
GG/JSL/127/09/2010 soona bax ay 07 September, 2010, nuxurkiisuna
ahaa Muddo Kordhinta Goleyaasha Qaranka, kaasoo waajibinaa yay "In
Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka lagu qabto muddo 18 bilood ah oo
ka bilaabanta 07da September 2010 kuna e'eg 07da March 2011″.
Isagoo ku xisaabtamaaya Khudbaddii uu Madaxweynaha JSL ka hor
akhriyay labada Gole ee Guurtida iyo Wakiilada ee ku waajahnayd
Qabsoomida doorashooyinka deegaanka. Taasoo uu madaxweynuhu ku
ayiday Go'aanka Muddo Kordhinta ee Golaha Guurtida.
Haddaba, si uu u suurto-geliyo yoolalka uu hiigsanayo, una guto
waajibka Sharci ee saaran, waxa uu Komishanka Doorashooyinka Qaranku
diyaariyay Qorshe-hawleed (Action Plan).
Qorshe-hawleedka ay ku suurto gelayaan doorashooyinka kala geddisani
oo uu diyaariyay Komishan ka Doorashooyinka Qaranku isla markaana ay
Beesha Caalamka ee innaga taageerta doorashooyinku ay gacan wayn ka
gaysteen, diyaarna u yihiin kaabidda kharashka dhaqaale ee ku
baxaaya, waxa uu u dhigan yahay sidan:
Furashada Ururrada Siyaasadda iyo Qabsoomidda Doorashada Goleyaasha
Deegaanka- August 2011 – April 2012; Odoroska Diiwaangelinta
Muwaadiniinta/Codbixiyeyaasha- June 2011- June 2012 (Feasibility
Study, Design and Implementation); Dhammaystirka Diiwaangelinta
Muwaadiniinta/Codbixiyeyaasha – February 2013; Doorashada Golaha
Wakiillada- May 2013;
Doorashada/Xulasahada Golaha Guurtida- May 2014;
Doorashada Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa – June 2015.
Haddii aan la dedejin hawlaha ku xidhan in la fuliyo
Qorshe-hawleedkan waxaa suurto-gal ah in ay is-riixaan
doorashooyinka ayna meesha ka baxdo Diiwaan-gelin taabbo-gal ah
islamarkaana ay adkaato in jadwalka kor ku xusan lagu xisaabtamo.
Sidaa daraadeed, waxa Komishanka Doorashooyinkka Qaranku si xushmad
leh uga codsanaysaa dham maan Goleyaasha ay khusayso inay
fududeeyaan suurogelinta hanaanka iyo habka ay dalka uga qabs oomi
lahayeen Doorashooyinku si aanay innoo seegin in la suurtogeliyo
Diiwaan-gelinta Muwaaddink a/Codbixiyeyaasha (Civil and Voter
Register) oo dhaxal-gal u noqota Qaranka .
=Allaa Mahad Leh=
Cabdiraxmaan Maxamed Ismaaciil
|