Komishanka Doorashooyinka Oo Sheegay In Ay Dhaqaalihii Xukuumaddu Bixinaysay Ka Heleen, Kana Sugayaan Qa ad haan Bixiyeyaasha Si Ay Ugu Dhawaaqaan Wakhtiga La Qabanayo Doorashada

 



Afhayeenku waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu Warbaahinta ugu waramayey............
 

Hargeysa (TNN)- Afhayeenka Komishanka Doorashooyinka Somaliland Maxamed Axmed Xirsi (Geelle) ayaa sheegay in qabsoomida Doorashada Goleyaasha deegaanku ay ku xidhan tahay wakhtiga ay qaadhaan-bixiyayaasha Somaliland ka taageera hawlaha Doorashada ay bixiyaan dhaqaalihii lagu qaban lahaa Doorashada.


Afhayeenka Komishanka Doorashooyinka Somaliland Maxamed Axmed Geelle waxa kale oo uu sheegay in Xukuumaddu ay bixisay oo ay ku wareejisay Lacagtii ahayd 25%-ka ee loogu tal o-galay in Dawladu ay kaga qayb-qaadato kharashaadka lagu qabanayo Doorashooyinka Dawladaha Hoose.

Afhayeenku waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu Warbaahinta ugu waramayey Xarunta Gu didda Doorashooyinka, waxaanu tilmaamay inay lacagtii xukuumadda laga sugayay ee lagu qabanayay doorashada Golayaasha deegaanka lagu shubay Account xisaabeedka ay Komis hanku ku leeyihiin Baanka dhexe ee Somaliland, Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Waxaan maanta jecelahay inaan ummadda u cadayno in xukuumadda Somaliland ay bixisay oo ay bog xisaabeedka (Account)-ka komishanku ku leeyahay baanka dhexe ay ku shubtay oo aanu gacanta ku hayno. Lacagtan oo ah 25% xukuumadda lagu qeybiyay inay kaga qeyb qaadato dhaqaalaha lagu qabanayo doorashada Goleyaasha deegaanka dalka,”
Afhayeenka oo ka hadlayay xiliga ay cayimayaan doorashadda deegaanka waxa uu yidhi “Markaanu dhaqaalahaasi ka helo qaadhaan-bixiyeyaasha ayaanu cayimi doonaa xiliga ay doorashaddu qabsoomayso”.

Afhayeenku waxa uu sheegay inay ka filayaan qaadhaan-bixiyeyaasha caalamka ee taagee ra dimuqraadiyadda Somaliland kharashkii ay kaga qeyb qaadan jireen hirgelinta Doorashoo yinka , waxaanu yidhi “Waanu ka sugaynaa qaadhaan-bixiyeyaasha Dhaqaalihii ay inagu taa geeri jireen. Waxaanu ka haysanay balan qaad ah inay Doorashadanna ina taageerayaan oo aanay inagaga baxaynin,”


Maxamed Axmed Xirsi waxa uu sheegay inay xubnaha Komishanku ay u kala bixi doonaan goboladda dalka si
 

 

Timacade News Desk