Komishanka doorashooyinka oo ku dhawaaqay tirada cod bixiyayaasha ee ka qayb gali doona doo
rashda madaxtooyada

 

Hargeysa (TNN)- Shir jaraai’d oo ay maanta qabteen Xubnaha Koomishanka Doorashooyinka, ayay  kaga hadleen tirada codbixiyaasha  iyo hawshii Serverka sida ay u dhacday. Afhayeenka Komish anka mudane Maxamed Axmed Geelle, oo arrimahaa  ka hadlayaana  wuxuu yidhi:

“waxaanu goosanay in Doorasho la galo horta, Su’aal baanu isweydiinay Liiska inoo soo baxay  im ika ee aynu hayno ma ku gali karnaa Doorasho, oo midaynu Ummadeena u sheegi karno oo aynu odhan karno liiskaasi waa liis hagaagsanoo waynu ku gali karnaa ma yahay waxaanu isla  qaadan ay khalad waa ku jiraa, khaladkana lama heli karo wax boqolkiiba boqol ah 100% sax ah.

Markaanu isku celcelino tirada ay ahayd liisku oo inta badan dadku ay isweydiiyaan inkastoo tii kama danbaysta ah ahayn markaanu toddobaatan kun ka saaray ( 70,000), sideetana ay ku soo kordheen ( 80,000) tiradii halkii uun bay taagnaanaysaa laakiin macnaheedu maaha waxba lama qaban, oo waxa la qabtay boqol kun oo qof ( 100,000) oo kombuyuutarku ka saaray iyo  toddoba atan ku oo qof ( 70,000) oo lagaga saaray gacanta iyo Isha.

Waxaanu go’aansanay inaanaan dadka dib ugu celinin xaaladii uu soo maray September 2009 kii ee isku-dhaca keentay ee Liis Diiwaangalineed halagu galo iyo Diiwaangalin la’aan halagu galo la isku qabsaday ee aad ogaydeen ee dad ku baxeen ee dhiig ku daatay, liis fiican baa inoo soo  bax ay oo boqolkiiba Sagaashan 90% aynu odhan karno sax buu yahay haduu khalad ku jiro ugu  badn  a an 10% baa ku jiraya inkastooy inta badana meelaha qaarkood ka yar yihiin.

Waxaynu ognahay markii anaga la’na magacaabay Komishan ahaan waxaanu ku nimi xaalad  adk ayd oo tafaasiisheeda aynaan ku noqon Karin.Waxa jiray Heshiis Sadexda Xisbi Qaran ay wada galeen ooy Bulshada Caalamkuna qayb ka ahayd oo ahaa in Komishan cusub la sameeyo, in  Doora shada soo socota lagu galo Diiwaangalin, in  Serverkii xumaaday ee ciladu gashay loo soo kireeyo khubaro caalami ah oo baadha oo eegta oo  sifaysa inta la sifayn karayo, kadib marka ay sifeeya an wakhtiga ay dhameeyaana Komishanku ku  g o’aan qaato wakhtiga Doorashada iyo nidaamku dhacayaan.

Sifaynta markaan u soo noqdo waxaanu u qorshaynay afar marxaladood inuu maro, midi waxay ahayd mid Kombuyuutarka lagu sifaynayo oo elektaroonikali kombuyuutarku isagu qabto wixii ku celceliyay ama khalad ah, midna waxay ahayd in kombuyuutarka iyo isha aadamiga la isku daro oo lagu qabto wixii kombuyuutarku garan waayo, midna waxay ahayd in kaadhadh cusub la soo  same eyo oo deedna liiska inoo soo baxa ee intaynu sifayno loo soo bandhigo."