Komishanka
Doorashooyinka oo Itoobiya la Tagay Xogo ay ka Heleen Liiska
Diiwaangelinta
Hargeysa (Timacade News)- Guddiga
Doorashooyinka Qaranka iyo xubno ka mid ah hawlwadeenada la shaqeeya,
ayaa safarkii labaad shalay ugu baxay magaalada A ddis Ababa ee
dalka Itoobiya.
Safarkan komishanka Doorashooyinka oo qaadan doona muddo afar
maalmood ah waxa ujeedadiisu tahay sii ambaqaadida kala shaandhaynta
diiwaangelintii cod bix iyayaasha, iyadoo xubnaha
komishanka iyo khubaradii dhawaan dalka u timi kala shaandhaynta
Serfarku u bandhigi doonaan deeqbixiyayaasha xogta khubaradu ku
samaysay Serfarka.
Warsaxaafadeed laga soo saaray socdaalka Komishanka oo uu ku
saxeexan yahay Afhayeenkooda Md. Axmed Maxamed Xirsi (Geelle), waxa
kale oo lagu sheegay in Guddiga Doorashooyinku deeqbixiyayaasha kala
soo hadli doonaan qaab-dhismeed ka xafiisyada komishanka.
Warsaxaafadeedkaasi oo dhammaystiranina waxa uu qornaa sidan:
“Maanta oo Taariikhdu tahay 8/12/2009 waxa Safar dibadeed ugu
kicitimay maga alada Adis Ababa ee Ethiopia xubno ka tirsan
Komishanka Doorashooyinka iyo haw l-wadeenada Komishanka, safarkan
oo qaadan doona muddo 4 maalmood ah.
Safarkani waxa uu ku saabsan yahay ka wada shaqaynta xogta ilaa
imika lagu sam eeyey hawl galka lagu kala hufayo
diiwaangelinta iyo sidii Khuburada iyo Komishan ka
doorashooyinku oo isu dhan ugala wada hadli lahaayeen uguna bandhigi
lahaay een Qaadhan bixiyayaasha xogta illaa imika la ururiyay
iyo guddogalka wejiga ku xiga ee farsamada kala hufida. Xoojinta
qaab-dhismeedka xafiisyada Komishanka doorashooyinka qaranka iyo
sidii loo tayeyn lahaa habka maamul.”
Source: Jamhuuriya Online
|