Komishanka Doorashooyinka oo Halis ugu jira inuu Cagta saarayo
Wadadii hore uuna soo hayo Cudurkii dilay Saaxibadoodii Hore
Komishanka Doorashooyinka oo
Halis ugu jira inuu Cagta saarayo Wadadii hore uuna soo hayo
Cudurkii dilay Saaxibadoodii Hore
Maxaa ka Hortaagan Ku Dhawaaqida Waqtiga
Doorashada intaaanay fashilmin.
Shacabka Somaliland ayaa meel kasta oo ay joogaan waxaa ay
isweydiinayaan Doorashadii Ma daxtooyada goormaa ayaa la
qabanayaa , Maxayse tahay cilada hortaagan inay ku dhawaqaan
Komishanku waqtigii ay dhacaysay ?.
Hadaba waxay maalmahan ay Saxaafadda Somaliland qalinka u qateen in
ay dhexdabaalayaan Komishankan Cusubi fadeexado iyo Musuqmaasaq sida
uu qoray wariyaha HadhwanaagMedia Hargeisa iyo weliba Wargeyska
OGAAL, Cadadkii Sabtidii 27/03/10 isna soo bandhigay in Shirk
adda la siiyay kaadhadhka cusub ay xogtii Diiwaangelinta u qaadeen
Koonfur Afrika ,Mana cad da ayey yidhaahdeen sababta keentay
in xogtaa la sheegay loo qaado dalka Koonfur Afrika, iyadoo aan weli
Komishanku soo bandhigin natiijada ka soo baxday Server-ka dib u
kala shaan dhaynaya liiska codbixiyeyayaasha doorashooyinka
Somaliland.
Inkastoo ay hawlo badan qabteen oo Komishanku oo ay fureen
Xafiisyadii Gobolada iyo Degmo oyinka ayna dhaariyeen xubnihii
loo soo xulay inay noqdaan hawlwadeennada Komishanka Doo
rashooyinka cusub ee gobollada Somaliland, Ayna dusha ku sidaan
Masuuliyad aad u weyn oo ah masiir ummadeed, laguna eegaayo siday
uga soo baxaan, ayey iminka u xuubsiibanayaan inay ummadda guul u
keenaan iyo inay magac-xumadii Saaxibadoodii hore la huleleen iyo
weliba ciqaab Alle oo adag inay mutaystaan.”
Sidaa daradeed iyadoo ay tahay waajib saaran in komishanka
doorashooyinku ku dhawaaqaan maalinta ay doorashada Madaxtooyadu
qabsoomayso, Isla markaana meesha ka baxday soona afjarantay ciddii
faa,iido ugu jirtay carqaladeynta geedi socodka dimuqraadiyada
Somaliland iyo Qabsoomida Doorashada Madaxtooyada ayaa hadana waxaa
taagan mid weli la sugaayo saba bta komishanka doorashooyinka
ka hortaagan ku dhawaaqida maalinta ay ku qabsoomayso doorashadu.
Waxay maraysaa 2 sanno iyo badh inta Doorashadii la qaban waayay,
waxayna gaadhay heer ay Caalamku oo dhan isugu keen yimadaan markii
hore Oo aynu ku siganay in ay Khatar gasho Somaliland “oo Ilaahay
ina badbaadshay, Hadaba yaanay mar dambe dib u dhicin khilaaf kale,
waxaa waajib idinku(Komishanka Doorashooyinka) ah inaad iclaamisaan
waqtigii Doorashada Madaxtooyada.”
Dadweynaha ayaa markay awood kale waayeen , aamaan badan iyo waa loo
hanweynyahay ku soo khatimay Komishankan Cusub lakiin Amusnaantan
iyo wadada ay ku socdaan(Komishanka Cusub) waa cudurkii Komishankii
Hore oo soo noqday, waxaanu idinka codsanaynaa inaad garataan
waxaynu dhammaanteen danta caamka ahi inoogu jirto , sidii loo heli
lahaa bulsho midaysan oo Horumar hiigsanaysa. Isku-sigashadii iyo
dadweynihii kacay yaanu dib inoogu soo rogaal celin , mana aha marka
xeedho iyo fandhaal kala dhacaan in sida Africaanka “Xisku inagu soo
noqdo “ ,
Waana la ogyahay Marxaladda adag ee la maraayo iyo adkaysiga ama
dhabar adayga Bulshadu ku jiro loona baahanyahay Cidii loo igmay ee
waajibku saarnaa inay umadda Doorasho u qabtaan .
Waxaan ugu baaqaynaa Komishanka Doorashooyinka inaanay dalku mar
kale gelin khilaaf Siyaa sadeed, Sida ugu suurtagelsana waa in
aad u fulisaan Caalamkii inoo soo gurmaday Heshiiskii 6-da qodob ka
koobnaa ee soo gudbiyeen ama ay noola yimadeen Guurtiduna Ansixisay
Axsaab tuna ay iyana aqbaleen, waxayna ina gayaysiisay inuu
bulshadeena saameyn ku yeeshay “ oo Ilaahay baa badbaadiyay ,
Khilaaf iyo isku dhac kale oo caadi ahna umaddu ma qaadi karto .
Waxaa looga fadhiyaa Komishankan Cusub inay wax ka duwan
saaxibadoodii hore oo Maamul iyo Daacadnimo inay Bulshadu markasta
aragto, si loo helo komishan dhexdhexaad ah oo lagu kals oon
yahay Garsoorkooda.
Komishanku waa Hay’ad Madax-banaan oo Dastuuriya, waa hay’ad
saddexda xisbi ay aaminsan yihiin, iyagga ayaa leh cayimaadda
maalinta doorashadu dhacayso, Waxaana Maanta umaddu ka Sugaysaa
Komishanka Doorashooyinka, inta ay dhowdahay oo aan ugu fadhinaa
inay shaaci yaan Maalinta ay Doorashadu dhici lahayd.
|